Hargeysa (Somaliland.Org)- Qaadashada Kaadhadhka cusub ee codaynta, ayaa maanta ka bilaabantay guud ahaan magaalooyinka iyo degmooyinka Somaliland.
Qaadashada Kaadhadhka cusub ee codaynta oo magaalada Hargeysa ayaa maanta si habsan ah u bilaabantay, isla markaana goobaha qaarkood ka bilaabmay abbaaro 11:30 duhurnimo ee saacadda Afrikada bari, ayaa looga dareeray 337 goobood oo ku fidsan Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex ama Hargeisa.
Sidoo kale, waxa qaadashada Kaadhadhka cusub ee codayntu ay ka bilaabemeen deegaamad kale ee Somaliland, marka laga reebo Degmada Sallaxley ee Koonfurta Hargeysa oo la sheegay in hakad ku yimi, hase ahaatee iyana markii dambe hawshu siday ahayd uga bilaabantay. "Wax wakhti ah oo aannu ku daraynaa maanta ma jiro, toddoba maalmood baynu haysanaa, waxaanan filayaa inay toddobadaasi innagu filan yihiin. Markaa waxaan leeyahay dadku jaaniskaa toddobaadka ah haka faa'iidaystaan." sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashada Mr. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari).
Ciidamada Booliska Somaliland ee loogu talo-galay inay ka hawl-galaan goobaha dadku Kaadhadhka ka qaadanayaan, ayaa iyana maanta ka habsaamay inay gutaan hawshaas, isla markaana wakhtiyo dambe goobaha gaadhay, inkasta oo aanay ku filnay, taasina waxay keentay in Ciidamada Qaranku ay ka hawl-galaan goobaha qaarkood.
Si kastaba ha ahaatee, qaadashada Kaadhadhkan ayaa inkasta oo deegaamada Somaliland aanay si sidii qorshuhu ahaa uga bilaabmin oo habaqle iyo qarbo-qarbo ay ku bilaabantay, haddana guud ahaan hawsha qaadashada Kaadhadhka cusub ayaa dadku safaf u galeen deegaamada iyo magaalooyinka Somaliland.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
No comments:
Post a Comment