12 May, 2010

Shir-guddoonka Guurtida oo la Sheegay Inay Olole Uga Jiraan Dib-u-dhac ku Yimaada Doorashada

Shir-guddoonka Guurtida oo la Sheegay Inay Olole Uga Jiraan Dib-u-dhac ku Yimaada Doorashada

Muddadii Ololaha Doorashada ee Xisbiyada Lagu soo Koobay 21 Maalmood Keliya

Wakiillada oo kalfadhigoodii 10aad ku soo gunaanaday inay dood la'aan isku dhaafiyaan miisaaniyad-sannadeedka 2010, ansixiyeyna xeerar kale iyo Nuxurka Warbixinta Guddiga Dhaqaalaha

Hargeysa (Jam)- Xubno ka tirsan shir-guddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa la sheegay inay olole ugu jiraan sidii doorashadda madaxtooyadu dib-uga dhici lahayd mudada Komishanku u qoondeeyeen ee badhtamaha bisha June ee sannadkan 2010, iyaga oo marmarsiyo ka dhiganaya wax-ka-beddelka xeerka Doorashooyinka ay mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland shalay ansixiyeen oo qeexaya in maalmaha ololaha xisbiyada qaranka laga dhigo 21 maalmood oo qudha, halkii uu hore uga ahaa 45 casho.

Sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, labada Guddoomiye-ku-xigeenka ee Guurtida Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre, Siciid Jaamac Cali iyo xoghayaha guud ee Golaha Cabdillaahi Dheere, ayaa u xamaan urursaday sidii xildhibaanada guurtidu iyo Golaha Wakiilada dib ugu celin lahaayeen wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeerka doorashooyinka Somaliland ee lagu soo koobayn maalmaha ololaha waqtiga doorashada loo qabtay oo cidhiidh ah awgeed, iyada oo ujeedada qorshahaas ka dambaysaana tahay in dib loo riixo qabsoomida doorashadda madaxtooyadda oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ka walaacsanaayeen.

Xubnaha shir-guddoonka guurtida oo aanu xalay la xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay suurto-gelin in aanu telefoonka ku helno, hasayeeshee waxa ilo xogogaal ahi xaqiijiyeen xalay kulan dhex maray shir-guddoonka guurtida iyo xubno ka socday Komishanka Doorashooyinka, kulankaasi oo la tibaaxay in shir-guddoonku ku wargeliyey Komishanka in aanay ansixinayn wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeerka doorashadda, iyaga oo dhinaca kalena cannaan u jeediyey guddida doorashooyinka oo ay ku tilmaameen qaar degdeg ka muuqdo oo aan si fiican u akhriyin shuruucda u dejisan doorashooyinka.

Qorshaha xubnahan shirguddoonka guurtida iyo xoghayaha guud ee golahaasi wataan, ayaa hadii uu hirgalo laf-jab iyo dhaawac ku noqon doona geedi-socdoka dimuqraadiyadda Somaliland iyo xidhiidhka dalalka daneeya qadiyadda Somaliland, kuwaasi oo taageero dhaqaale oo xooggan ku bixiyey doorashooyinka dalka, iyada oo horena ay u dhacday in madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB guurtida u adeegsadeen muddo-kordhino aan sharci ahayn oo sababtay khilaafyo gilgiley xasiloonida Somaliland.

Tallaabada la sheegay inay maagan yihiin xubnaha shirguddoonku, ayaa ku soo beegmaya, hawlaha loogu diyaargaroobayo qaybinta kaadhadhka cusub oo si habsami ah uga socda gobolada Somaliland, iyada oo shalayna Komishanku qalabkii u horeeyey u rareen Gobolada fogfog ee bariga, inta kalena la rajaynayo in maanta loo kala diro.

Dhinaca kalena, fadhiga wakiillada ee shalay oo uu hagayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana ka qaybgaleen 53 mudane, waxa lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerka doorashooyinka oo madaxweyne-ku-xigeenku u gudbiyey golaha, kadib markii Komishanka Doorashooyinku dalbadeen wax-ka-beddelkaas, gaar ahaan qodobadda la xidhiidha kaadhadhka cusub iyo wakhtiga ololaha ee la soo koobay ay oggolaadeen 43 mudane, halka 9 ka aamuseen, cid diidayna ma jirin, guddoomiyuhuna ma codayn.

Waxa kaloo fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada duuduub iyo dood la'aan lagu anxisiyey miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2010, iyadoo aanay xildhibaannadu wax dood ah ka yeelan. Sidoo kale waxa xildhibaannadu meel-mariyeen xeerka ururrada aan dawliga ahayn oo dooddiisa mudanayaashu si adag ugu kala afkaar duwanaayeen, isla markaana loo saaray guddi dib-u-habayn ku sameeya, iskuna soo ururisa aaraahdii kala duwanaa ee mudanayaashu ka dhiibteen iyo weliba xeerka cusub ee miisaaniyadda qaranka.

Miisaaniyad-sannadeedka 2010-ka oo wasiirka maaliyaddu dhawaan horgeeyey Golaha Wakiillada oggolaaday 36 xildhibaan, 10 mudane way diieen, halka lix kalena ka aamuseen, guddoomuhuna aannu codayn. Sidoo kale xeerka ururrada aan dawliga ahayn waxa meelmarintiisa ajiibay 36 mudane, waxa diiday 2, halka 14 xildhibaanna ka aamuseen, Guddoomiyuhuna aanu codayn. Waxa kale oo xeerka miisaaniyadda qaranka oo ah xeerkii u horreeyey muddada 19ka sanno ah ee Somaliland yeelato ansixiyey 30 xildhibaan, 5 mudane ayaa diiday, halka 17 kalena ka aamuseen, Guddoomiyuhuna aannu ka codayn.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Wakiilladu waxa kaloo ay fadhigoodii shalay ku ansixiyeen Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Md. Cabdiraxmaan Cismaan Aadan oo xilkaas loo magacaabay, kadib markii uu geeriyooday wasiirul-dawlihii hore marxuum Siciid Maxamed Nuur.

Gunaanadkii fadhiga Guddoomiyaha Aqalka Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mudanayaasha ku wargeliyey in kalfadhigii 10aad ee goluhu sidaa ku dhammaaday, sidaa awgeedna xildhibaannadu geli doonaan fasaxoodii caadiga ahaa.

Geesta kale, Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakjiillada Somaliland, ayaa soo bandhigay warbixin ay ka diyaariyeen odoraska miisaaniyadda qaranka ee 2010-ka oo xambaarsan dhaliilaha ka dhex muuqda iyo waxyaabaha ku cusub sannadkan.

Guddiga Dhaqaalaha Wakiillada oo iyagu gacanta ku hayey odoraska miisaaniyadda tan iyo markii Wasaaradda Maaliyaddu golaha horkeentay dabayaaqadii bishii hore, ayaa golaha u akhriyey ka hor intii aan shalay mudanayaashu ansixin miisaaniyadda, waxaanay si faahfaahsan ugaga warameen iyagoo kaashanaya waraysiyo ay kala yeesheen Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddiga Doorashooyinka qaab-dhismeedka miisaaniyadda ee kharashaadka loogu talogalay hay'adaha kala duwan, khaladaadka ku jira ee u baahan in la saxo, waxyaabaha ku cusub ee aan hore ugu jiri jirin iyo talooyin ay soo jeediyeen.

Guddigu waxay tilmaameen in dhaliilaha miisaaniyaddani huwan tahay ay ka mid yihiin iyadoo aanay lahayn siyaasadii xukuumadda ee sannad-miisaaniyadeedka, balse ay ka kooban tahay oo keliya jaantus muujinaya qaybaha kharashka iyo hay'ado ay sheegeen in aanay sharciyeysnayn oo haddana loo qoondeeyey miisaaniyad u gaar ah sida hay'adda dib-u-habaynta shuruucda oo sannadkii Madaxweyne Rayaale digreeto ku soo saaray.

Guddigu waxay ku sheegeen warbixintooda in aan miisaaniyadda sannadkan lagu soo darin lacago fara badan oo ay ka mid yihiin lacagta ka soo xeroota dhoofka xoolaha nool oo dabayaaqadii sannadkii hore la furay iyo lacagtii lagu iibiyey guriyihii dawladda ee magaalada Hargeysa.

Warbixinta guddiga oo soo bandhigaysay fikirka iyo astaabaha miisaaniyadda, waxa u qornayd sidan;

Miisaaniyadda sannadkan 2010 oo dhan 363,808,584,812 SLSH, marka lagu daro miisaaniyadda u gaarka ah doorashooyinka, Miisaaniyadda u gaarka ah dekedda Berbera oo dhan 28,167,118,628 SLSH, miisaaniyadda Wakaaladda Biyaha oo dhan 17,535,408,348 SLSH, iyo miisaaniyadda Xoogga Korontada oo dhan 7,846,946,132 SLSH.

Miisaaniyaddu waxay ka kooban tahay dakhli iyo kharash isle'eg.

1. Dawladda Dhexe 310,259,111,704 SLSH

2. Dekedda Berbera 28,167,118,628 SLSH.

3. Wakaaladda Xoogga Korontada 7,846,946,132 SLSH

4. Wakaaladda Biyaha 17,535,408,348 SLSH

Isugeyn: 363,808,584,812 SLSH

Miisaaniyadda dhexe waxay ka badan tahay tii hore sidatan:

Miisaaniyadda 2009

Miisaaniyadda 2010

Farqiga

265,190,104,732

310,259,111,704 SLSH

145,169,006,972 (15%)



Jamhuuriya Online

No comments: