21 May, 2010

SHIR BALAADHAN OO WASAARADA ARIMAHA DIBADA EE INGIRIISKU U QABATEY SADEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND

SHIR BALAADHAN OO WASAARADA ARIMAHA DIBADA EE INGIRIISKU U QABATEY SADEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND(SAWIRO)

Shir balaadhan oo ka dhacay xafiiska Arimaha Dibada ee Dalkan Ingiriiska Chatham House oo kusaabsanaa dood wasaarada Arimaha Dibada ee Dalkan Ingiriisku u qabatey Sadexda Xisbi Qaran ee Somaliland oo ku saabsan doorashada dhawaan la filayo iyo sida sadexda xisbi qaran ee Soomaaliland ay uga qaybqadan karaan.

Waxa ugu horeyn kusoo dhaweeyey shirka madaxda Xisbiyada Somaliland Gudoomiyaha xafiiska Chatham House oo la yidhahdo Sally Healy oo aad ugu amaantey sida ay uga soo qaybgaleen shirkan muhiimka ah,waxayna intii aanay u gudbin xisbiyada inay war bixin yar oo kooban kasoo jeedisay iyadoo sheegtay in doorashadii tan ka horeysay ee 2003 lagu kala badiyey in ka yar 80 cod iminkana ay sharaxan yihiin sadexdii musharax ee berigaa doorashada ku loolamayey,

Sally Healy  hadalkii sii wadata waxa ay tibaaxday  in Somaliland ay horumar badan sameysay sidaa si leegna ay sheegtay in dadka Somaliland la jaarka ah ee Somalia ay weli ku jiraan dhibaato fara badan iyo dagaalo aan joogsi lahayn, waxa kale oo cadaysay  in dawladii kumeel gaadhka ahayd ee Sheekh shariif uu muran hadheeyey.

Intaas kadib waxa ay microfonkii  ku wareejisay Wakiilka Somaliland  u fadhiya dalkan Ingiriiska Adan Jibriil oo dadkii iyo madaxdii usoo jeediyey salaan una sheegay inuu yahay wakiilka Somaliland ee dalkan Ingiriiska,Intaas ka dib waxa uu sheegay in dhisid dal madax banaan aanay ahayn wax fudud, waxa uu ku dheraadey in Somalialnd ay soo martay marxalado kala duwan laga soo bilaabo halgankii SNM. waxaanu sheegay in wax kasta oo Somaliland ka dhaca lagu dhameeyo wada hadal,isagoo sheegay in dadka reer Somaliland ay u diyaar garoobeen inay ka qayb qataan doorashada soo socota rajaduna ay aad u wacan tahay, kana codsatey in doorashada ka dib dalkan Ingiriisku ay hormuud ka noqdaan Ictiraafka Somaliland.

Inataas ka dib waxa la siiyey 15 daqiiqadood inuu kusoo bandhiga xisbi kastaa waxqabadka uu sameynaayo marka uu doorashada ku guulaysto ugu horeyntiina waxa 15 daqiiqadood qaatey Gudoomiye ku xigeenka Udub ee  UK Farsal Cilmi oo aad uga sheekeeyey marxaladihii ay soo martay Dawlada Somaliland iyo dib u dhicii keenay in dhawr jeer dib loo dhigo.Waxa kale oo uu ka dhawaajiyey  in dhawaan mudaharaadyo ay ka dhaceen rabshado wata oo dhaawici kara horumarka iyo qabsoomida Doorashada markaa kula taliyey inay ka feejignadaan in si nabad galyo dadku kaadhadhka u qataan. kuna amaanay ganacsatada iyo odayaashu inay xaladii rabshada wadatey si weyn wax uga qabteen.

Waxa kale oo uu sheegay in Xukumadu waxyaalo badan qabatey sida waxbarashada iyo Cafimaadka isagoo sheegay in hadii ay ku guuleystaan ay dedaalka sii wadi donaan.

Waxa isna hadalo kasoo jeediyey Ibrahim Huseen oo ah gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee dalkan Ingiriiska oo mahadnaq usoo jeediyey dadkii shirka noocan oo kale ah soo abaabulay, waxa uu ku dheeradey doorashooyinkii hore Somaliland u soo martay iyo sidii wanaagsaneyd ee ay noogo dhacdey.Waxa kale oo uu sheegay inaanu u nahay dalal farabadan oo Afrikan ah iyo caalamkaba tusaale in Somaliland oo aan ictiraf haysan in ay  doorasho qabsatey. Waxa kale oo uu amaan usoo jeediyey dalalka Ethiopia iyo Dalkan Ingiriiska dedaalka ay had iyo jeer la wadaan Somalialnd.

Waxa uu sheegan in ay jiraan caqabado ah in Dadka reer Somaliland ay yihiin reer guraa oo marmarka qaarkood ay adkaanayso in karadhka la qaadanayo ay ku adkaato oo meeshii uu berigii hore iska diiwaan geliyey uu ka guuro oo uu meelkale u guuro.Isagoo sheegay in hadii ay xukunka ku guuleystaan uu waxyaalo badan u qaban doonaan Shacabka reer Somaliland.

Saynab Saxardiid oo ka socotey Xisbiga UCID ahna gudoomiye ku xigeenka Yurub ayaa iyana marka hore ku amaantay Chatham House inay hayd iyo jeer shirka noocan oo kale ah soo qaban qaban qabiyaan iyada oo Saynab aad uga warantay marxaladihii fara badnaa ee Somaliland soo martay iyo intii jeer ee doorashadu ay dib u dhacdey, iyadoo sheegtay in iminka wakhti kama danbeysa loo qabtey ayna 26 juun ay tahay malin xusuus ka mudan Shacabka Reer Somaliland.

Waxa ay sheegtay oo kale in xisbi ahaan ay had iyo jeer ka hor mariyaan waxwalba horumarka iyo dib u dhiska dalka una sheegtay madaxdii madasha kasoo qayb gashay inay diyaar u yihiin inay doorashada ka qaybgalaan filayaana inay iyagu hogaanka dalka u qaban donaan Insha Alaa. waxay kale oo sheegay in beesha caalamku ay dedaalkooda laban labaan ku aadan Somaliland.

Waxa markii danbe la weydiiyey madaxdii ka socotey xisbiyada Somaliland su'aalo ay ka mid ahaayeen goob joogayaasha caalamiga ah iyo amaankooda iyo Alshabaab sida dhibaato ugu noqon karto waxayna sadexduba uga jawaabeen si wanagsan.

Sikastaba ha ahaatee waxa ay ahayd guul usoo hoyatay shacbiga Somaliland marka loo eego arimaha dibada,waxa madasha joogay madax farabadan oo ka tirsan aduunka oo daneeya arimaha Somaliland iyo weliba qaar doorashadii hore ee Somaliland ka qabsootey ka ahaa goobjoogayaal, Xisbiyada Somaliland dadkii ka socday oo la siiyey 15 daqiiqadood waxa aykusoo bandhigeen hadalo wax ku oola oo aan halkan lagu soo koobi karinwaxayna soo bandhigeen wixii ay sameyn lahaayeen hadii ay xukunka ku guuleystaan.

Hamse Ahmed Salaan
London

No comments: