Obama eddadii oo loo ogolaaday inay Qaxootinimo ku joogto Maraykanka
Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Zeituni Onyango oo Eddo u ah Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa lix sanno ka dib markii ay codsigeedii u horreeyay ee la xidhiidhay inay ku noolaato dalka Maraykanka oo magan-galyo la siiyo laga aqbalay in la siiyo magan-galyo. Onyango ayaa sanadkii 2004 codsigeedii u horreeyay u gudbisay Dawladda Maraykanka, wakhtigaas oo ay ka dalbatay in loo ogolaado degannaanshaha dalkaas, hase ahaatee laga diiday.
Garyaqaanka u doodayay Haweenaydan, ayaa sheegay in mar kale ay Onyango codsi kii hore la mid ah u gudbisay dawladda Maraykanka sanadkii 2008, wakhtigaas oo uu Wiilka ay Eddada u tahay ee hadda ah Madaxweynaha dalkaas Mr. Obama ku jiray Ololihii Doorashadii lagu doortay.
Madaxweynaha Maraykanka ee hadda ayaa wakhtigii uu ku jiray Ololaha Doorashada lagu eedeeyay in Eddadii ay sharci-darro ku joogto dalkaas, hase ahaatee, mar uu arrintan ka hadlay wuxuu sheegay in aanu ka war qabin in Eddadii ay sharci-darro ku joogto dalkaas.
Somaliland.Org
No comments:
Post a Comment