Mingistow"" Bahal Cadarku Dillayo Yaa Jira Oy Digo Shishaysaa( Waxa Jira Bahal Yaro..
Mingistow"" Bahal Cadarku Dillayo Yaa Jira Oy Digo Shishaysaa( Waxa Jira Bahal Yaro Xayawaanka Kamida Oo Dhinta Haddii Cadar Lagu Buufiyo)
Ummada Somaliland ee Akhlaaqda fiican u Saalixa Ah,Iga Gudooma Salaan Gacaltooyo, Salaan Ay Ku Ladhan tahay Ama ay Ku Lamaan Tahay Dareen Somaliland-nimo, Dal jacayl, Xumaan Diiid, Iyo Weliba Toosin Qofka Wadada Somaliland-nimada Ka Leexda.
Waxaan maanta qalinka u qaatey in aan jawaab kooban ka bixiyo qarool nin la yidhaaho mingiste ku Dhaliilay Barmaamujka Xusbiga Mucaaradka Ahee Kulmiye. Hadalka Ninka Odayga ah oo ay ka muuqato faham la'aan sida uu isaguba cadeeyey Wuxuu yidhi meelo badan ayaan fahmi waayey, Markaa Tolow Ma dadka ayuu waydiinayaa in af somaliga loo turjumo? Mise Barmaamujka Xusbiga ayaa ku qoran af CHINES.Wuxuu ninkaasi la soo shir tegay hadallo aad moodo in uu caruur u sheekaynayo waxaa ka mida hadalladiisa
Kumiye cadho ayaa ka muuqata!
Somaliwayn ayay doonayaan!
udub ayay cayeen!
Kursiga ayay donayaan!
Qofku Marka uu doonayo in uu bulshada wax gaadhsiiyo ama u soo bandhigo, dhaliil iyo dheef waxaa fiican in uu u soo bandhigo wax xiiso leh faa'iido leh ugu yaraan hadal cusubi ku jiri karo, haddiise xaaladaadu noqoto laguma dhaamee dhaqaaq, ama ad isu aragto in aad tahay qof wax sheegay oo inta aad qoraal qorto kadibna adigu isu qoshosho ama aad isu sacabayso Mingistow Taasi Cidla ayay ku dhigaysaa Dadkuna Adiga ayay Kula Yaaban Yihiin adiguna waad is mahadisay.!
Baramaamujka Xusbiga Kulmiye Keligaa Maad Akhrinyin Dadka oo dhan ayaa faaqiday, ummada Somaliland ee afarta Million ah kama indho fiiqnid ka ugu aqoonta Sareeyana ma tihid hadii aadan ahayn ka ugu hooseeya. Aniga jawaabtaydu maaha Kulmiye ayaa Barmaamuj fiican laakiin waxay daaran tahay jawaabtaydu in aan adiga ku hogo tusaleeyo si aadan isugu mashxaradin.
Mingistow Shalay Waxaad Tidhi Kulmiye ayaan Xaal Siinayaa iyo Weliba Raali gelin, waan Istaaq furulaystay Waan danbaabay ayaad Shalay Tidhi Imikana Waxaad Tidhi Kulmiye Waa Somaliwayn Sidii awelba aad odhan Jirtay Markee ayaad Qaldan tahay Markeese ayaad Sax tahay?
Shacabka Somaliland Waxaan Halkan Idinka Tusayaa Ninkan Odayga ah oo Leh Istaaqfurulah halkan hoose ka eega.
http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=1764&Itemid=62
Su'aalaha Kale Ee ku hor yaalla Waxaa ka mida bal in aad tahay nin aan garanayn meel uu u socdo iyo meel uu ka socdo toona, Xusbiga aad ka tirsan tahay ee udub 3 week ayaa doorashadii ka hadhaye muxuu u soo bandhigi waayey Barmaamujkiisa Siyaasadeed? Miyaanay Liidnimo kugu ahayn adiga oo Meel Madhan Fadhiya in aad Canjarafayso Cid aadan Gaadhi Karayn? Mise Waxay Kaa tahay Wixii wacan ayaan ka xumahay?
Ugu danbayn Waxaa Jira Bahalyaroo Xayawaanka Ka Mida oo Had iyo jeer Soo Baxa Marka Barwaaqada, Bahalkaa Magaciisa Waxaa La yidhaahaa( Xaar wal waal) Waxaa La yidhi Bahalkaas Hadii Cadar Lagu Shubo Wuu Bakhtiyaa, Sidoo Kale Wax alle wixii xun sida magaciisa ka muuqata wuu ku naaxaa, wuxuuna Ku nool yahay badanaa Xeryaha xooluhu galaan. Waxa La Mida Bahalkaa Mingiste, Wax Wacan cida keenta Wuu Ka xumaadaa In uu Isagu Wax Wacan Keenona Ma Ogolla Sidoo Kale Wixii Xun ayuu Ku Nayaayiraa.
Somaliland Guul Iyo Gobonimo Ayaan U Rajaynayaa, Cadowgeedana Jab Iyo Halaag Ayaan U Rajaynayaa.
Cali Kayse Kabadhe
THE NETHERLANS
Calikayse@live.com
No comments:
Post a Comment