19 May, 2010

Laanta Kulmiye Ee Norway Oo Shalay Oslo Ku Qabatay Shir Balaadhan Oo Lagaga Hadlay U Diyaargarowga Doorashada Iyo Arimo Kale Oo Fara Badan.

Laanta Kulmiye Ee Norway Oo Shalay Oslo Ku Qabatay Shir Balaadhan Oo Lagaga Hadlay U Diyaargarowga Doorashada Iyo Arimo Kale Oo Fara Badan.


Oslo(Ramaas) May16, 2010 – Shir balaadhan oo ay soo qabanqaabisay laanta xisbiga Kulmiye ee dalka Norway ayaa shalay galab ku qabsoomay magaalada Oslo.

 

Waxaana Ugu horeyn dadkii shirka ka soo qayb galay loo qaybiyey qof walba nuqul ka mid ah barnaamij siyaasadeedka xisbigu ku dhaqmi doono, haddii ay ku guulaystaan hogaaminta dalka. Masuuliyiintii laanta ee shirka hageysayna waxay si qoto dheer oo faahfaahsan ugu sharaxeen qiimaha uu ku fadhiyo barnaamijka xisbigu, waxaanay kula dardaarmeen qof waliba inu xafido barnaamijkaa oo uu ku qiimeeyo, kulana xisaabtamo masuuliyiinta xisbiga, haddii ay ku guulaystaan talada dalka.

 

Shirkaas oo dadweynihii ka soo qayb galay aanay ku koobnayn oo kaliya xisbiga kulmiye, hase yeeshee ay ka soo qayb galeen xubno iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiyada kale iyo dadweynaha oslo, ayaa arimihii kale ee lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa sidii tageerayaasha xisbigu ay uga qayb qaadan lahaayeen guud ahaan hawlaha doorashada madaxtooyada ee wakhtigeeda la cayimay iyo in ay gaar ahaan door shariif ah ku yeeshaan waxqabad muuqdana ka geystaan u diyaar garowga xisbiga ee hanashada xukunka dalka.

 

Guddoomiyaha laanta Norway Sulub Warsame oo kulanka hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu ku hawlgalayo maskaxda iyo muruqa taageerayaashiisa, hase yeeshee uu xisbiga dalka haystaa ku hawlgalayo hantidii iyo qalabkii ummadda, taas oo ah wax caddaalada ka fog. Sidaa daraadeed waxa kaliya ee aynu kaga guulaysan karnaa waa iyada oo la sii xoojiyo dadaalkii xisbigu halkaa uu maanta marayo uu ku soo gaadhay.

Waxa isna shirka khudbad khadka taleefanka ah u jeediyey isaga oo Mareykan joogga xidhiidhiyaha jaaliyadaha dibeda ee kulmiye Caddaani Cabdillaahi Saxardiid oo ka soo qayb galayaashii uga waramay hawsha balaadhan ee xisbi ahaan hor taalla iyo sidii wadajir loogu waajihi lahaa, waxa kale oo uu uga waramay shirka xidhiidho uu la sameeyey masuuliyiinta xisbiga ee dalkii, taas oo ay ugaga warameen halka ay marayaan hawlaha xisbiga ee gobolada dalku iyo warbixino ku saabsan wufuudii socdaalada ku maraysay gobolada bariga.

Waxa furitaankii shirka kelmado dhiirigelin ah ka yidhi guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Norway Eng. Cabdixakiim oo sheegay in masuuliyiinta labada xisbi ee dalka Norway uu ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsan oo wada shaqeyneed, sidaa daraadeed uu shirka u yimi in uu shirka siiyo dhiiri gelin iyo isbarbar taag. 

 

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Axmed Baaruud Cige oo ahaa guddoomiyihii hore ee laanta iyo Xasan Looyar oo isna ka tirsan masuuliyiinta xisbiga ee Norway. Xagga xidhiidhinta iyo isku dubaridka shirka waxa hogaanka u hayey Cali Jaamac "Cali Dheere".

Ugu dambayntii ka qayb galayaashii shirka iyo masuuliyiintii hogaaminaysayba waxay isla qaateen in la sameeyo guddi todoba xubnood ka kooban oo ka hawl gasha hawlaha loo soo xil saaray laanta Norway iyo in muddo laba todobaad ku siman la isugu yimaado shir dambe.

 

Ramaasnews Desk

Oslo.


No comments: