Fallaadhi gilgilasho kaagama go'do. Horta waxa marka horeba qalad ah in uu xukmo Dalka, nin musharrax u ah Madaxweyne, Marka uu xilku ka dhammaado waa in uu Galo doorsho,ama xilka loo jadiidiyo. Haddiise uu noqdo, Taliyaha guud ee Ciidammad, Madaxweynaha dalka, abaabulaha Doorashada, Ilaaliyaha Doorashada, waxa uun ay noqoneysaa, Darajooyin aanu hore u soo marney, oo aanu ka maqli jirney Dawladihii Askarta. Shaley waxa caasimadda ka dhacay, gaf badeed loogu badeedhey carqaladeynta , habsami u socodka kaad beddeleshada oo laba goobood ay boolisku Xidheen oo aanay xaq u l;ahayn. Sababta au u xidheen ayaa wasiirka Daakhiligu ku macneeye in ay labada Daaroodba ay kala leeyihiin laba sarkaal oo ka tirsan Xisbiga kulmiye!! Waxanu maha wax lagu xidhi karo goob doorasho oo waqti ku socdo, waayo waqtigan doorasho, ma jiro Daar muwaadinkla lehi aanu xisbi ka tirsanayn!! Wasiirku waxba kamuu sheegin Guddiga Doorashooyinka iyo shaqaalihii halkaas uga adeegayey dadweynaha intaba. Muwaadiniinta u sidan ula dagaallamayo wasiirku, midna waa xildhibaan, midna waa wasiirkii hore ee ganacsiga, waana xubin ka mid ah asaasayaashi SNM!! Xuquuqda assasiga ah ee muwaadinka uu siinayo dastuurka qaranku , waa meelka dhac loo geystey, waa jariimad lagu carqaladeynayo doorasho qabsoonta, waa awooddii dawladnimo oo si aan xeerka waafaqsaneyn loo adeegsanayo. Waxaan Cambaareynayaa falkan oo ujeeddo kolleyba waanu dhacnee nala hadh ahi ay kambeyso. Waxaan leeyahay, muwaadin ciyaar laysaga xidho ma oggola dastuurkuye, shaqaalihii ka hawlgelayey labada good iyo qalabkoodiiba shuruud la'aan iyo sida ugu dhakhso badanm ha loogu cesho goobohoodii, Mustaqbalkana tan oo kale hadii ay timaddo, ninka sababa ayuun bay fadhiyi doontaa!! UDUB, inay mid rumeysato weeye, Xilku waa meerto ee inay intii ay ku lahaayeen ka qaade'e ay si Ciyaar-yahannimo ah kubbada siyaasadda u cayaaran, ama si Gobaninimo leh, uga tanaasulaan!!. Shaadh lays qabsado, Daarta waxa leh nin kulmiye ka mid ah saraakiishiisa, midna waxba kuuma soo kordhinyso. Sumcad xumi kama dhawranaysaane, bal waxan aad wadaan yaanay maxkamadda Ocampo Xeer-ilaaliliayaha ka yahay ee Jariimadaha laga galo insaaniyadda aanay idin geyn!! Dr.Cali Cabdi Muxumed. |
1 comment:
Shenitaviolet July 24, 2010 2:47 AM
It's really great resource on this topic.
Post a Comment