HARGEYSA:NIN SHEEGTAY INUU YAHAY QOFKA UGU WEYN SOMALILAND JIRAYNA 130 SANADOOD
Hargeysa: Nin Sheegtay Inuu Yahay Qofka Ugu Weyn Somaliland Jirayna 130 Sanadood
"Weligeey Ma Cunin Xoolo Xaaraan Ah, Lacag Dawladeed Iyo Laaluush, Waxan La Saaxiib Ahay Dadka Muruq Maalka Ah Ee Dhididkooda Cuna." Qureysh Maxamed Cabdi
Qureysh Maxamed Cabdi , waxa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa, waa nin muuqaalkiisa iyo da'da uu sheegto aanay is laheyn, wuu ordi karaa, waxanu u boodi karaa sida dhalinyarada, hadana marka la weydiiyo da'diisa wuxu kuu sheegayaa inuu dhashay muddo haatan laga joogo 130 sanadood.
Qureysh Maxamed oo shalay u waramayay Haatuf, waxa uu sheegay in uu u soo joogay taariikh badan oo Somaliland ku saabsan, mar uu ka sheekaynayay taariikh nololeedkiisa waxa uu yidhi, "Magaceygu waa Qureysh Maxamed Cabdi Muxumed, waxan ku dhashay tuulada Dhaboolaq sanadku markuu ahaa 1880-kii, arrimihii ugu waaweynaa ee aan u soo joogay waxa ka mid ahaa Sheekh Madar oo ahaa xaakimkii Hargeysa,wuxu deganaa Jameecada, dadkuu kala xukumi jiray. Waxan xusuustaa Bootaan iyo Diir qadhaadh oo laba xero ku kala heystay Doqon ma waaye iyo halka imika shirkadda STC xarunteedu tahay, labada xero waxay ku kala xareyn jireen xoolaha, waxa dhacday maalin in xoolihii Diir qadhaadh u soo dhaceen ina Bootaan, markaasuu ina Bootaan madaxa qaaday Diir Qadhaadh, markaas baa Sheekh Madar loo keenay si uu u kala xukumo, wuxu igu yidhi Sheekhu "Qureyshoow orodoo ii doon aboor", aboorkii baan u keenay, lafihii inuu ka soo daadiyay Diir Qadhaadh ayuu jiidhkii isku qabtay oo aboorkii qaniinsiiyay, dabada ayuu mid kasta ka jaray, siddeed qodob markuu ka jaray ayuu 8 halaad u xukumay, sidaas ayaa magtii lagu siiyay. Qisadaasi waxay ka mid ahayd kuwii ugu layaabka badnaa ee Sheekh Madar aan ka arko, anigu waxan in badan ku noolaa dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalooyinka Diridhawa, Jijgiga, Nazareth, waxan xusuustaa beri anigoo ku nool magaalada Jigjiga ayaa waxa dhacday in aan galey Kaniisad kaddibna aan ku eedaamay diinta Islaamka, waa la i qabtay oo la i garaacay, markii la i geeyey maxkamadii, waxan ku idhi xaakimkii " anigu waxan idhi, Allaahu Akbar oo ah ilaahay baa weyn, ma dembi baan sameeyey?, xaakimkii wuxu igu yidhi, iska tag dembi maad sameyne ".
Intaa kaddib waxanu weydiinay Qureysh su'aalo kooban oo u dhacay sidan :
S: Wakhtigaa aad ka sheekaynayso Hargeysa, sidee bay u ekeyd?
J: Magaaladu aad bay u koobneyd, waxa suuq ahaa Heegada oo keli ah, xoolaha ayaa u soo aroori jiray Hargeysa, waxa ku badnaa Halgariga, Libaaxa iyo Shabeelka.
S: Maxaad ku cadeynaysaa in aad tahay qofka ugu da'da weyn Somaliland?
J: Waxan ku cadeyn karaa, inankeyga curad imika wuxu jiraa 95 sanadood, imika waxan qabaa gabadh yar oo 26 jir ah oo aan ka weynahay 104 sano.
S: Imisa carruur ah baad dhashay, imisa haween ah baad guursatey?
J: Waxan dhalay 33 wiil iyo gabadh, waxan guursaday 17 dumar ah.
S: Maxaad is odhan kartaa waa maxay sirtaada kuu qarsoon, waayo waxad sheegtay inaad 130 sano jirto hadana waad ordaysaa, uma muuqatid qof intaas jira?
J: anigu weligeey ma cunin xoolo xaaraan ah, lacag dawladeed iyo laaluush ma cunin, waxan la saaxiib ahay dadka muruq maalka ah ee dhididkooda cuna.
S: Intii aad jirtay maxaa ugu waaweyn ee is bedelay?
J: Waxa ugu weyn ee is bedelay waxa ka mid ah dhaqankii Soomaalida oo lumay, sida caadooyinkii inoo gaarka ahaa ee dhinacyada guurka, cuntooyinkii dhaqanka inoo ahaa, dharkii inoo gaarka ahaa, waxan garanayaa Hargeysa oo laba gaadhi oo keli ah joogaan wadaduna tahay hal haad oo keli ah, maalin maalmaha ka mid ah waxa is jiidhay labadii gaadhi, markaas ayaa Ingiriisku sameeyey haad labaad. Ingiriisku markii uu inoo yimid dadkeenu wuu diiday iskuuladii, waxay yidhaahdeen, wuxu doonayaa, inuu gaalo naga dhigo. Habeenkii xornimada la qaadanayay 1960-kii 26 June, waxa oohin ku dhufatay gabadh ka mid ahayd qoyskii reer boqor George, waxa la weydiiyey, waxay la ooyeyso, waxay ku jawaabtay " waxan mooday in calanka Ingiriiska ee laga dajiyay Somaliland laga dajiyay London".
Haatuf
No comments:
Post a Comment