| Waxaa dhacday in inbadan horeloogala taliyay hawlwadeenada ASARDA inay wax qabad kooda ka madax baaneeyaan siyaasad, maadaama waxa maalkoodii iyo muruqoodii ba horay ay yihiin shacbi waynaha reer Awdal ee dal iyo dibadba oo xisbi walba ku jira, iyagoo ay ugu muuqatay in rajadii inta badan aasnayd ay soo faqeen ASARDA. Hadaba waxay cagta mariyeen sumcad iyo sharaftii ay ku dhex lahaayeen shacbi waynaha Awdal, tasoo ay G/Awdal u hor keceen campain ay u dhan yihiin xisbiga UDUB kula bohoobeen,iyadoo laga tagay dadkii hawl galka lagu fushaday lana xushay shakhsiyaad dawlada ah iyo tageerayaasha xisbiga udub, kuwaaso meesha kusoo bandhigay Astaamihii xisbiga UDUB sida calamo, stiikaro, koofiyado, garamo iyo heesihi xisbiga UDUB oo ay madasha la yimaadeen sidii caadada u ahayd balanqaadyo waxba ka jirin oo horay looga bartay Si ay bulshada reer Awdal ugu majar habaabiyaan xaalada kala guurka ah ee hada lagu jiro iyagoona shacbigu wax qabad hore ka hayn ay waji ka dhigtaan qaadhaankii dan yarta reer Awdaldhixidh kooda u furay.. waxa xaqiiqo ah oo aan been abuur ahayn ururka ASARDA inuu maray wadadii baadida ahayd ee ay jirtay xukuumada Riyaale, tasoo markeedii hore salka ku haysay jala jajabinta beelaha Awdal ku nool ee wada dhashay iyagoo markii hore hanti ku gurayay waji dan guud kuna fuliyay dan gaar ah hada. ugu danbayntii waxaan u sheegaya Shacbiga reer S/land gaar ahaan reer Awdal dal iyo dibadba inay ka waantoobaan kana digtoonaadaan wax ala wixii ku shaqaynaya waji musuq maasuq inay hantidooda gacanta ka galiyaan una meel dayaan lacagta laga qaadayo. wa bilaahi tawfiiq muuse ilmi |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
27 May, 2010
GUUX BALAADHAN OO KA DHASHAY XAFLADII FURITANKII WADADA EE URURKA ASARDA AY KA WADAY G/AWDAL TASOO ISKU BADASHAY WAJI SIYAASADEED
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment