23 May, 2010

GOOBIHII CODBIXINTA EE DOORASHOOYINKA EE DHULKA SOMALIDA ETHIOPIA OO LA SOO XIDHAY


GOOBIHII CODBIXINTA EE DOORASHOOYINKA EE DHULKA SOMALIDA ETHIOPIA OO LA SOO XIDHAY

Shir saxaafadeed uu warbaahinta hada siiyay Madaxa Xafiiska Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee DDS ayaa sheegay in dhamaanba 9 Gobol ee DDS sacada Afrikada bari ay ahayd 6:00 makhrib nimo codbixinta doorashooyinka lasoo gaba gabayay codbixintii doorashooyinka.

Gabi ahaanba goob doorashooyinka DDS laga cod bixinayay oo dhanaa 1879 goob doorasho ayaa wuxuu sheegay in gabi ahaanba codbixintu udhacday si dumuquraadiyad, cadaali,oo xor ah ay udhacday.

Isla markaasina sheegay in la oran karo 99% dadkii karasha codbixinta qaatay oo dhanaa 2.6malyuun oo qof ay codeeyeen wasuduu masuulku hadalkiisa udhigee.

Madaxa Xafiiska War Faafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Guleed Maxamad Casoowe ayaa waxa uu xusay in doorashadan oo gabi ahaanba maanta kawada dhacday dalkani Itoobiya waxaa Dawlada Deegaanka Soomaalida loogu loolamayay kuraasta Heer Fadaraal,Heer Deegaan,Heer Dagmo,Heer Qabalee iyo Heer Magaalaba isla markaasina 31 Musharax oo ka kala socda 4 xisbi oo ku loolamayay 23 kursi oo Heer Fadaraal ah, 208 kursi oo Heer Deegaan ah iyo 186 kursi oo Heer Dagmo ah.

Ugu danbayntiina masuulku wuxuu war saxaafadeedkiisa kusoo afmeeray in tirada goob joogayaasha kor meerayay oo dhanaa 14395 qof oo kala ah kormeerayaasha midawga afrika (AU observers) (EU observers) iyo kuwa ururada rayidka ah ee dalka

Doorashadan wareega 4aad ee 2002 ayaa waxaa codbixinta looga gudbi doonaa tirinta cododka wixii warar ah ee hadba kasoo baxana gadaal ayaan idiinka soo tabin doonaa.

No comments: