17 May, 2010

Fadeexadii Ugu Weynayd Oo Ku Dhacday Dadweyne Usoo Diyaaro Garoobay Xafladda 18 May Magaalada Londo

Fadeexadii Ugu Weynayd Oo Ku Dhacday Dadweyne Usoo Diyaaro Garoobay Xafladda 18 May Magaalada London

London -Fadeexadii ugu weynayd ayaa habeenkii xallay waxay ku habsatay boqolaal qof oo usoo diyaar garoobay inay ka qayb gallaan munaasabad loo sheegay in loogu debaal degaayey sannad guuradda 19-aad ee madax banaanida Somaliland 18 May oo si horudhac ah loogu beegay habeenkii xallay.

 Boqolaal qof oo iskaga kala yimid magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka boqortooyada ingiriiska ayaa habeenkii xallay waxay iskugu soo biyo shubteen hool lagu ballamiyey oo loogu sheegay inay xafladaasi ka dhacayso oo ku yaalla xaafadda Manor Park ee degmada Newham ee beriga magaalada London, waxaana ay dadkaasi galleen safaf dhaadheer iyadoo halkaasina mid kasta oo ka mid ah lagaga qaaday lacag qadarkeedu dhanyahay sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah dadkaasi £25 oo lacagta ingiriiska ah una dhiganta 40 dollarka maraykanka ah.

Dadkaasi oo safafkaasi ku jiray ilaa habeen dhexdii ama saqdii dhexe ee xallay abaaro 12:30 habeenimo ayaa markii lacagtaasi laga qaatay waxaa loogu yeedhay Booliiska magaalada London si ay u kala dareeriyaan iyadoo loo sheegay inaanay jirin wax xaflad ah oo loo qabanaya sabab la'aan, dadkani oo u badna dhalinyaro haween iyo ragba lahaa ayaa muraaradilaac iyo u qaadan waa ay ku noqotay arrintaasi, iyadoo markii lacagta laga qaatay loo sheegay inay kala dareeraan.

Guud ahaanba xafladaha noocani ah oo aan magac iyo maamuus midnaba usoo kordhin madax banaanida iyo qaranimada Somaliland marka laga reebo aakhiro seeg iyo wax aan qiimo ku fadhiyin ayaa waxaa ku soo biiray in sannadahii ugu danbeeyey laga baayac mushtareeyo arrintani isla markaana ay noqotayba meel dhaw oo laga heli karo lacag si fudud loo helo.

Kooxo budhcad ah ayaa waxay dadkani u maleegeen inay u samaynayaan xafladdani oo ay warbaahinta ku xayaysiisinayeen todobaadyadii ugu danbeeyey balse arrintani ayaa waxay noqonaysa fadeexad ka dhacday dal ilbax ah oo dadka ku nooli ay ku hoos noolyahiin sharci iyo kala danbayn, waxaana boqolaalka qof oo lacagahooda xallay boobka lagaga qaaday ay xaq u heli karaan inay sharciga la tiigsadaan kuwii sida cad u boobay isla markaana waxay kooxahani budhcadda ahi ay si badheedh ah u magac dileen sharaftii, karaamadii iyo wanaagii qaranimada Somaliland oo ay tuuganimo iyo fadeexad ula badheedheen
 

Source: Golisnews

No comments: