19 May, 2010

BURCO DALLADA SAYNA OO XUS BALAADHAN U SAMAYSAY MAALINTA QARANIMADA SOMALILAND EE 18 MAY.

BURCO DALLADA SAYNA OO XUS BALAADHAN U SAMAYSAY MAALINTA QARANIMADA SOMALILAND EE 18 MAY.

Burco (THN) Xaflad balaadhan  oo si heersaraa losoo agaasimay ayaa xalay kadhacday Hoolka  jaamacada Burco ,xafladan oo ay soo agasimeen ururka iskuxidhka dhalinyarada soomaali land ee gudaha iyo dibadaba,xafladan oo ku saabsanayd Xuska maalinta Qaranimada soomaali land ee 18ka may.

xafladan waxaa  kasoo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin mujahida Maxamed Kahin Axmed,Marwo Casha cali qabile, iyo Prof, C/raxman Jama ducaale,Marwo Saynab Yusuf cabdi iyo Mustafe Osman A/rahman oo ah Guddomiyaha Dallada SAYNA, waxayna dhamaanba bulsho wayntii goobtaasi ku sugnayd ay siteen calanka soomaali land.

Xafladan  ayaa ugu horayntii  waxaa lagu furay maanso  ku wajahnayd Dallada iskuxidhka dhalinyarada soomaali land ee SAYNA waxaana soo jeedisay mid kamida abwaniinta da da da yar ee gobolka, maansadan oo baraarujin  dhalinyaradaa ah  iyo qiimaha ay soomaali land ugu fadhido dhaliyarada.

waxaa isna halkaasi kahadlay Gudoomiyaha Dallda Sayna md:mustafe cismaan c/rahmaan,  isagoo ka shekeeyay taariikhda  dalladan  iyo sida ay xafladan usoo abaabuleen  iyo qiimaha ay dhalinyarada ugu fadhido   xuska maalinta Qaranimada soomaali land, waxa kaloo gudoomiyuhu kawaramay marxaladi ay soo martay Dallada sayna sidoo kale wuxu Guddomiyuhu sheegay, in ay aad uga xunyihiin in masuuliyiimti aan soo dalbanay aanay iman oo ay noo jareen waxaanan u aragnaa ayuu yidhi" inaan dhalinyarada DAN LAGA LAHAYN,gunaanadki hadalkiisa waxa uu gudoomiyuhu ilaahay uga baryay in sanadkan sanadkiisa uu ilaahay ku gaadhsiiyo caafinaad iyo cimri dheer intii ka soo qaybqadatay halkgankii xornimada iyo Gini isu taagga somaliland.

waxaa isna xafladan ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada burco Prof:c/raxmaan jaamac ducaale oo aad ugu hanbalyeeyay sida qaaligaa ee  ay dhalinyaradani usoo abaabuleen munaasibadan qaaliga ee aan hore loo arag  ,waxaanu isna hanbalyo usoo jeediyay mujaahid maxamed kaahin ,isagoo ugu hanbal yeyay wax qabad yadan qaaligaa ay ku socoto dhalinyarada  kuna booriyay inay halkaasi kaga hayaan ama ay kasii wadaan da daalkooda ay wadaan .

waxaa isna halkaasi kahadlay mujaahid maxamed kaahin oo sifarxad leh loogu soo dhaweeyay sacab iyo  farxad  isagoo ka shekeeyay taariikhdii ay soo martay soomaali land  aadna uga sheekeeyay  dhamaanba mujaahidiintii kusoo halgantay una duceeyay intii dhimatay  waxaanu yidhi dhalinyarow waxaa lasugayaa waa idinka ee ka kaca meesha wadankiinana uhalgama horumarkiisa iyo amaankiisa soomaali land maanta waxay caan ku tahay oo ay sharf kuleedahay waa nabada   erayada uu ku dhawaaqayayna waxa kamid ahaa "soomaali land hanoolaato",waa la ilaaliyaa nabada iyo xasiloonida dalka waayo buu yidhi dalku waa dalkeeni ee waa in ladhawraa.

waxaa iyana  kahadashay xaflada caasha cali qabiileoo ahisuduwaha W/arimaha qoyska  gobolka togdheer  kuna boorisay dhalintu inay yihiin kuwa iyagu dalku sugayo   ahna kuwii badali lahaa kuwii hore .

waxaana ugu danbayntii halkaasi lagu soobandhigay riwaayadao lagu matalaalyay sidii ay xornimada uqqadatay soomaali land iyo iyadoo ay abwaaniin  kaqaadayeen heeso wadaniya halkaasi loo wada kacay sacabna lagu soo dhawaynaayey heesaha wadaniga dadkuna ay u ciyaarayeen dabaaldaga soomaali land ee 18ka may.

Gebogabadii waxaa shahdooyin la gudoon siiyay mudane cabdilaahi oo kamida xubnaha ururka ujooga Magaalada hargaysa , iyo Qaybo ciyaaro ah oo ay sayna dhex dhigtay dhalinyarada gobolka oo koob lagu gudoon siiyay naadiga dawlada hoose .

sikastaba ha ahtee  xafladan ayaa waxay ku dhamaatay farxad rayn rayn  sacab  iyo nabad galyo ah , iyadoo dhalintii dhamaan isku booriyeen in la ilaaliyo nabada lagana ilaaliyo waxa alaale wixi dhib ku keenaya dalka iyo dadkaba .


warqabadka Togaherer
Burco Somaliland



No comments: