18 May, 2010

Alshabaab iyo isirk-ku-Dirirka majeerteen midna lagama yaqaan dalkan somaliland, aqoon-darro haddi ay soo gelisona, w2axay ka helaan bay leeyihiin!!


 
Sida ay dhabtu tahay, maanta Dalkan Somaliland, waxa ka socota arrin aad ugu weyn muddana la sugayey oo ah Doorasho masiiri ah, oo uu Dalku ku muteysanmayo aqoonsi uu waqti horeba xaq u lahaanteeda muteystey. Waxa aanu u dabraneyn labaatan sano walaalahayagaha koonfureed oo aanu lahayn , wax ha noqdeen ,kuna ixtiraamayeney Qaramamada midoobey waan-waan ay ka dhex waddey,imikase oo ay Dawladdi afraad burburtey, Cid nagala hadli karta mawduucaas oo aanu dhego u yeelaneynaa ma jirrto.
 
Waxaan filayaa in adduun weynuhu garan karo, jariimadda uu ka galey ummadda Somaliland oo labaatan sannadood u afduuban dad aan waxay doonayaan ama diiddan yihiin aan la garaneyn. Adduun-weynuhu afar Dawladood oo uu u dhi9sey midina wey istaagi waaydey, umana maleynayo , in maanta mas'uul damiirle uu Somaliland werydiisan doono inay dawaamaddan waalida ah u dabranaato. Waxaan dhegeystey xildhibaanno iyagu faraha isku fiiq-fiiqaya, waqti uu maamulkooda oo dhami ku fadhiyo laba xaafadood oo Caasimadda ay ku ilaalinayaan ciidammada Amisom.
 
Waxa la mooda jaahilnimada ka muuqata nimankan iyaga uuni isu muuqda in uu adduunku ku khasban yahay kaalmada iyo koolkoolinta maamul aan caasimaddiisa gacanta ku hayn iskaba daa meelo kale'e oo haddana, isla toosan. waxa iyana aan ku arkayey mareegaha warbaahinta, maqaalo farrimio u eg lagu dhiirinayo al shabaab inay ka faa'ideysato jiitanka waqtiga ee ka hadhsan doorashada. Waxaaan doonayaa inaan xusuusiyo nin kasta oo danmac ka geli lahaa dalkan in uu soo dardarmo marka hore, marlabaadkana uu isaga oo ka quussan nolosha uu isku dayo bal inay u mel marto. waxaan shaki ku jirin in sarajooga haragga lagaga bixin doono. Dalku maaha mid ciyaar iyo hadiyad loo siiyey dadka somaliland ee waa mid ay u barakeen kuna dagalamayeen dhawr iy toban sannadood. Waxa kale oo aan maqlayaa, maamulkan ku bahaloobey ,Budcad badeeddu in uu dabada ka wadao odey dhaqameedyo uu ku duduucayo dab uu xaabo in uu uga dhigo uu doonayo!! Gas -dhegoole qori AK ah sidtaa, lama dagaalami karo Dawl;ad awooddeedii ciidan xambaarsan.
 
Waar hadhow baydun sidii dumarka u baroorane, adeerayaalow, laba jeerba hoggaannadiinii ciidanka ee aan gacmaha ku dhigney waanagaii idiin soo celinnay, annaga oo wax badan oo aydan garaneyne, maanta arrintayadu waa masiiri wixii dabkayagu gadhona la isweydiin maayo, weliba dhafoor qiiqle-yaasha majeerteen aan xusuusiyee, ma cidhiidhyan karaan Maamul saddexaad oo aan kaba jiri -jirin somaliyadii hore. Dalka oo koobnaa woqooyi oo ingiriiskii gumeysan jirey iyo koonfur oo Talyaanigii gumeysan jirey weax aan ahayn miyaa jirey?!! Magaca aad sheegeyneyso waa foortury ee bal eega buugta taariikhda, waxaad ka mid tahay Dawladdas Talyaanigu xukumayey ee xamar laga daaro. Waa aqoon askari in la beddeli karo taariikh ku dheehan dawaawiinta adduunka , illeyn wax uu ogyahay ayaaba iska yare. Adeerrayaal yaanu cabdillahi yuusuf jar idiinka talaabsan ee inta aad dhawdihiin, iska iimaansada Dawladdiina koonfureed oo wax la qabsada.
 
Keliya waxa naga dardaran ah, nin ay tiisu wado oo aan kadab ugu hadhini addunka in uu somaliland damacu ku soo qaadayo, si fiicanna uu isha u caddeyn doono.
 
Dr.Cali Cabdi Muxumed 


No comments: