15 April, 2010

XAFALAD BALAADHAN OO XILKA LOOGU KALA WAREEJINAYEY GUDIMIYAHA GARABKA HAWEENKA KULMIYE OO KA DHACDAY CEERIGAABO.

XAFALAD BALAADHAN OO XILKA LOOGU KALA WAREEJINAYEY GUDIMIYAHA GARABKA HAWEENKA KULMIYE OO KA DHACDAY CEERIGAABO.

Munaasibad balaadhan oo xilka loogu kala wareejinayey gudoomiyadii garabka haweenka xisbiga kulmiye iyo xubno cusub ayaa ku qabsoontay hoolka shirarka ee Mahuuraan ee magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo xafladaas oo ay ka soo qayb galeen madaxda heer gobol ee xisbiga xubno katirsan golaha dhexe xildhibaano ka tirsan gola deegaanka degmada ceerigaabo iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye .

waxaana ugu horan ba hadal kooban ka soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobolka sanaag xaaji axmed siciid oo xusay waxaana uu kahadlay ujeedada munaasibada ay uqabteeb waxaana uu sheegay inay xilkala wareejin tahay islamarkaan gudi ay usaareen hawshaa xil magaacbista waxaana uu xusay inay gudidaasi ku gudoonsatay ina gudoomisada garabka haweenka ee xisbiga kulmiye ee gobolku noqoto maro saynba maxamed jaamac islamarkaana ay xilka uga wareejiyeen gudoomisadii hore ee xisbiga kulmiye nasra ciise waxaana uu intaa ku daray inuu siweyn uga mahad celinayo gudoomisadii hore oo siweyn usoo shaqayso gudoomisadana gacmo furan ku soo dhaweynayaan.

waxaa isna madashaa kelmadao kooban ka soo jeediyey xoghayaha xisbiga kulmiye ee gobolka axmed maxamed saalax oo siweyn usoo dhaweeyey gudoomisada cusub ee xisbigu doortay waxaan uu sheegay inuu gudoomisadii horena siweyn ugu mahad naqay isagoo ku amanay hawlihii ay hore ufulin jirtay

waxaa isaguna halkaa ka hadlay jaacam maxamed aadan ookamid ah golaha dhexe ee xisbiga waxana uu ugu horayn umahadnaqay gudoomisadii hore ee garabka haweenaka ee xisbiga kulmiye hawlihii ay kaqana jirtay gobolka isagoo siwayn usoo dhoweyey gudoomisada cusub waxana uu xusay inuu siwayn ula shaqayn doono

xildhibaan katirsan golaha degaanka degmada ceerigaabo ayaa dhankiisa siwayn usoo dhoweeyey gudoomisada cusub waxana uu sheegay inuu siwayn ula shaqayn doono

madar ducale jabuuti gudoomiyaha garabka dhalin yarada ayaa dhankiisa si wayn usoo dhoweeyey waxan uu dahliil culis usoo jeediyey fadhiidhnimada iyo wax qabad la aanta xukuumada madaxwayne riyalle waxana uu xusay ina ka dhalin yaro ahaan door lixaad le ka qaadan dooanan hawlaha dardar galinta xisbiga waxana uu garabka haweenka kala dar daarmay inay dhankooda usoo jeestaan

nasra ciise xasan oo ahay gudoomisadii hore ee garabka haweenka oo iyana madasha ka hadashay ayaa dhankeeda si wayn usoo dhowaysay gudoomisada cusub waxa ay xustay inay si wayn ula shaqayn doonto waxana ay hoosta ka xariiqday inay si wan ugu faraxsan tahay munaasibadan balaadhan ee lagu gardaadinayo gudoomisadan cusub

gabagabadii munaasibada waxa kalmado kooban kasoo jeedisay gudoomisada cusub saynab maxamed jaamac waxana ay ugu horayn u mahad naqday dadkan kasoo qayb galay madashan waxana ay xustay ina ay ka codsanayso dhamaanba taageerayaasha xisbiga kulmiye inay si wayn ula shaqeeyaan gudoomisadii hore ee garabkana ay xilka ku wareejisay .

munaasibadan aya ahayd mid siwayn loosoo qaban qaabiyey kuna qabsoontay hoolka shirarka iyo xafladaha ee mahuraan ee magalada ceerigaabo

c/naasir khaalid siciid shabakada wararka caalamiga ah ee

togaherer media

ceerigaabo

No comments: