08 April, 2010

Shuban-biyood?!! Erey xanuun garanwaaya tilmaamaya!!


Shuban Biyood, waa erey saxaafadda Somaliya ay bixisey, sheegayeyna calool shuban fuuq-bax iyo geriiba in uu keeno xanuunkani. Haddaba marka Hay'ad Caafimaad laga hadlayo, Alle wax uu bixiyo Aadanaha ayaa u qaalisan, qof kasta oo ka mid ah beesha Caafimaadka , qayb kasta uu kaga jiro, waxanu maaha , wax dadkuba wuu lahaa, la yidhaado, ee waa in la la  helaa waxa uu yahay Shuban Biyood "Pathologically" Maxaa sababa, siduu Dalka ku soo galey, siduu u tarmaa germiskiisu, "frequency of mutation" Ma bacterial baa , ma viral baa, mise waaba chemical. ma la beeray oo ma la hubiyey, iyada oo loo eegayo type of fermentationka uu sameynayo iyo gas in uu smeeyo iyo inkale, ma lagu aqoonsadey serology ahaan, iyada oo serumka Currada shubanka ee la aqoonsn yahay loo raacayo, Ma loo sameeyey Antibiotic sensitivity test? si loo soo gaabsho waqtiga lagaga takhallusi karo iyo dwada ugu habboon ee loo adeegsan karo.
 
Wey kala duwan yihiin qawda Maqashiida oo Daawo aan loo aabbo-yeelin lagu hirgiso Bulshada gaadiid iyo shaqaale gees walba loo eryo, iyo mid la sugey oo la hubiyey tayada ay wax ku qabaneyso, waqtiga ay ku qadaneyso ka takhalluskan jeermiskaba
 
 
Waxa la moodaa in xaaladaha caafimaad ee Afrika ay maanta yihiin, Culimo Jiilaal joogta injir lagama qabto. Waxaan leeyahay, ilaa la helo waxa uu yahay germiska ka dambeeya shuban biyoodka, sustaining therapies ha lagula dhaqmo xanuunkan, Marka Cilmi ahaan loo ogaado waxa uu yahayna , si la hubo ha looga Hawlgalo. Macno ma sameyneyso haddad darbi waxaad hub haysato ku garaacdo oo cadowgiina dhufeys derbiga dbadiisa ah ku dhuumanayo oo uu ugayo inta ka dhamaaneyso, kadibna si sahlan, isagga oo aan hawl badanba gelin uu kuu khaarajiyo!!
 
Xanuunnadu waa sidan oo kale , oo Cudurka kaa gala Fardaha , Haddii laga gubo Dameer, waxa muuqata in uu khilaaf dhici karo. Qof Xanuun gaar ah qaba oo Madaxu xanuunay ayaa laga yaabaa in uu asparoogu dhibaato weyn u geysto!! Daawo laguma dgdego aan la hubin Xanuunkeeda ee Ha lala dagaallamo shubanka si aan fuuq-bax u dhicin, isla markaana , ha loo diro Cayinado Sheybadhada Dawliga ah ee WHOga, si loo helo horta shuban biyood waa ina ayo?
 
Dr. Cali Cabdi Muhumed


No comments: