08 April, 2010

Madaxweyne Rayaale Waa Nin Seexday Oo Soo Toosay....

"Madaxweyne Rayaale Waa Nin Seexday Oo Soo Toosay Ololaha Udub Ay Xariirad Ka Wadaana Waxa Lagu Doonayaa In Bulshada Loo Tuso Saylici Beeshiisii Baa Kulmiye Ka Soo Baxday"

Saylicipress.com

http://saylicipress.net/2010/04/04/"madaxweyne-rayaale-waa-nin-seexday-oo-soo-toosay-ololaha-udub-ay-xariir

Xildhibaan Mahdi Xuseen Cadar (Gees) oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada xisbiga Kulmiye laga soo doortay gobolka Selel ayaa madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku eedeeyay inaanu muddadii xilka loo soo doortay aanu wax horumar iyo waxqabada xukuumadiisu ka samaynin deegaanada gobolka awdal iyo guud ahaanba gobolada dalka somaliland, isagoo intaa ku daray dhaqdhaqaaqyo xisbiga Udub uu ka bilaabay Degmada Xariirad ee gobolka Selel lagu doonayo in musharaxa madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/llaahi Saylici lagu doonayo in bulshada Somaliland loo tuso in beeshiisii aanay la socon, tilmaamayna in xubno uu ku jiro suldaanka beeshoodu la qalday.

Xildhibaan mahdi gees waxa kale oo uu dhaliilo usoo jeediyay booqashadii uu madaxweyne Rayaale ku tagay magaalada Boorame todobaadkii hore oo uu tilmaamay in socdaalkiisu ku salaysnaa shir doceedyo, balse aanu bulshada kala hadal fagaaraha khayriyada.

Xildhibaan Mahdi gees oo xalay khadka tilifoonka wargeyska Haatuf ugu waramayay, isagoo jooga Magaalada Boorame ee xarunta Awdal, isaga oo ka hadlaya booqashadii uu madaxweyne Rayaale todobaadkan kaga soo laabtay magaalada Boorame, waxa uu yidhi "Waxaan leeyahay arrinkaasi arrin la mid ah dib inoo soo mari maayo ee bal waa la eegi, barnaamijkaasi oo qorshaysan oo ka duwan wixii hore ayuu ahaa, umana malaynayo in wax badan iska bedeli doono wixii hore sababtoo ah nin haduu u seexdo uu soo tooso waa isagii uun, aduunyada waxa lagu qiimeeya ama ay tahay dawladnimadu shaadh siyaasadeed, barnaamij siyasadeed in qofku leeyahay ku hawl galo uu ku kaambayn galo, markaa u malayn maayo in taasi ay ka duwan tahay sidii hore uu u iman jiray gobolkan waliba waxaan is leeyahay waa tii ugu hoosaysay ee uu kusoo maro gobolkan uu kasoo jeeda, sababtoo ah waxan arkayay dhaliilo fara badan oo sidii berigii hore….

Waxa kale oo aan arkayay salaadiintii, cuqaashii iyo odayaashii bulshada ka tirsanaa oo awal ku ahaa kuwa had iyo jeer ku xidhan oo iyaguna in badan aan ku xidhnayn oo la raadinayay. Waxa kale oo la arkayey iyadana in siiqadii ama arrinkiisu sidiisa-ba codkiisa hoos u dhigayay, taasoo sababaysa hadii uu yahay ama barnaamij siyaasadeed uu haysto ama uu hawl hayo ama arrin uu la yimaada-ba waxaan arki lahayn, madaxweynuhu inuu kala hadlo bulshada khayriyada laakiinse may dhicin taasi ee shir doceedyo hoose ayuu galay oo uu leeyahay, yaa tollaay u malayn maayo markaa inay wax badan bedelayso taa tolnimada iyo waxaasina way dhamaadeen. Waxa kale oo aan sheegayaa in bulshada reer Awdal ama gobolka ay ka soo jeedaan beesha Samaroonku madaweynaha iyo iyagu ay is fahmeen sababta ay isku fahmeena ay tahay madaxweynuhu maadaama uuna la socon wax barnaamij siyaasadeed ah ama dalka aanu u qaban ama gobolkaba aanu u qaban ama Somaliland-ba wax horumar ah uu samayeeyay aanay jirin muddadii ugu danbeysay ee laba iyo tobanka sanadood ahaana uu madaxtooyada joogay inaanay taasi soo kobcin wax badan, taasaan markaa u fahmay inuu la socdo uun tol baynu nahay iyo calaacal, isaguna wuu fahmay oo markuu siyaasadiisii dib ugu noqdo iyo wixii uu soo qabtay, wuxuu ogaaday in aanu dalka waxba u qaban, gobolkana wax badan oo caynkaas ah aanu u qaban, markaa naftiisa uun uu u yahay madaxweyne, waxanan u arkaa inuu Rayaale yahay nin seexday oo soo toosay waa isagii uun."

S; Xildhibaan waxa jira gobolka Selel adigoo deegaankaa ka soo jeeda arrimo deegaanka xariirad iyo dhaqdhaqaaqyo ka socda dhawaanahan bal arrinta ka waran?

J; Waa run oo way jirtaa arrimaha ka socday waxa uu ka mid yahay uun kuwaas laftooduna dhaqdhaqaaqa Udub ay ka samayso ama hab dhaqankii Udub ee ahaa in reer kasta ama dhinac kasta ama gobol kasta in dad ay ka dhawaajiso ay leedahay waxay kusoo biireen Udub, kuwaas oo ay ku bixiso hantida iyo kharashka dadweynaha ee ka dhexeeya ummada ay ku bixiso, waa hantidii loogu talo galay inay barnaamij ku samayso oo horumar, wax-wax ku ool ahi ay ka dhashaan, markaa tasi way jirtay lakiin u malayn maayo in wax badan oo arrinkaas ay ka taraysaa aanay jirin, waa run dadka qaar waa ka mid. Ta kale suldaan ee TV-ga aad ka arkayseen, Suldaanku waa dhaqan mala siyaasad, ta kale waxa weeye oo ay tahay siyaasada anigaa hogaamiya marka la yidhaahdo dhinaca beesha hogaamintii siyaasada ee noocaas ahayd anigaa og- halkay wax marayaan ee Suldaanku ma oga dhaqan buu u yahay, wax arrin siyaasadeed oo u shaqo ku leeyahayna ma jirto waxaan is leeyahay markaa waxa weeye Suldaanka waa la khalday. Ta kale waxa weeye bulshadu waxa ka kooban yihiin mushtamacyo faro badan saddexda xisbiba way ku jiri karaan lama odhan karo reer ama qabiil ayaa isugu yimid meel kaliya xisbi kaliya, waxan laakiin hubaa uun maantana may ahayn maalin cod la bixinayo wakhtigii doorashaduna waxogay baad moodaa inuu yar fogaaday oo muddo dibu dhacaas faraha badan lihi yimid iyo wakhtigan aynu ku jirno oo ay u bixiyeen dadka reer Awdal wakhtigii Shiida oo ah wakhti aan muddo lahayn, oo dadka shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan beeshaas kana soo jeeda Udub shuraako weeye ayna tahay tu- ay ku danaysanayaan.

Waxa kale oo iyaduna jirtay barnaamij kale oo dhex yaala oo ah beeshaas oo kasoo jeeda beesha Samaroonka ee Bah-habar Celi ee Xariirad oo ah deegaanka ugu balaadhan ee degan meesha marka laga reebo beesh kasoo jeeda Ciisaha ka Samaroon ahaan inay tahay ta ugu balaadhan, islamarkaana ayna ku haysan degmada la magacaabay wax mansab ah haba yaraatee uu ka dhisay madaxweynuhu, markaa waxay ahayd taasina saldhig kale oo dadka lagu tusayay ama loogu sheegayay dadka intaa leeg ee meesha dega ee madaxweynuhu Undar Line-gareeyay oo uu ka tagay, markaa waxaan is leeyahay uun guud ahaan markaan isku soo duuduubo waa arrin la mid ah waxaa wadanka ka dhacaya, waxa kale oo ay ahayd oo iyana meesha ku jirtay oo xukuumadu ay danaynaysay ama ay leedahay in la yidhaahdo oo ummada loo tuso ama Media-yaha la geliyo in beeshii C/raxmaan Saylici musharaxa Xisbiga Kulmiye ku xigeenka ah beeshiisii ayaa kasoo jabtay oo ummada loo tusayo. Waxa kale iyana ugu jirtay xukuumada qorshaheedu ahaa in meeshaa ay ka dhacaan iska hor imaad beesha dhexdeeda ah lagu sameeyo ama beelaha kale ee la dega beesha oo iska hor imaad ka dhaco oo buuq iyo qaylo ka dhacdo o marka dambena lagu eedeeyo xisbiga Kulmiye oo dadkaas ayaa la danbeeyay la yidhaahdo, markaa u malayn maayo arrimahan waa arrimo dhawr jeer soo noqnoqday bay ahayd dhawr jeer oo horena waxay isku dayeen hawshaas ama Cismaan Hindi ninka la yidhaahdo ama xoghayaha guud in tuulooyin badan ay kusoo hungoobaan uu kasoo jeedo musharaxa madaxweyne ku xigeenka Kulmiye C/raxmaan Saylici oo aniguna aan u ahay xildhibaan, tiraba saddex jeer baan garanayaa oo hore intay yimaadeen ay kusoo noqdeen ay ka yimaadeen oo ay nagu soo noqdeen imikana waxa weeyaan shaqsiyad ama laba kolay waa laga helayaa bulsho oo dadku meel iskuma wada raacaan shasiyaad kooban inay Heleen oo dani markaa ay wado, danahaas oo kolay xukuumadu wax ugu balanqaaday ama lacag ha ahaato ama baabuur ha ahaato kuwaa imikaba ay bixiso, markaa isma lihi halkaa laftigeedana waa wax kasoo kordhi doonaan, maantana maaha maalin cod oo marka codku yimaado wakhtigeeda ayay ahaan doontaa markaasa la arki, qof walba wuxuu Ilaahay u qorayna way noqonaysaa. Ta kale arrinta kale ee saldhigeedu ahayd in beesha musharax C/raxmaan Saylici uu kasoo jeedo ilbaxnimadii hore ee Saylac ay kasoo jeedo markaa maadaama ay ilbaxnimo kasoo jeedo waxa la rabaa barnaamij siyaasadeed oo ku dheehan ilbaxnimo, ku dheehan milgaha Soomaalida ay leedahay oo lagu hogaamiyo gobolka oo ay isbedesho siyaasadiisu halka imika ay ka tahay in dadka madaxa la iskaga xidho, la isku diro, waxaana laga rabaa isla beeshani ay samayso oo ay tusaale u tahay si gobanimo leh in beelaha kale ee kasoo jeeda madaxweynhu kasoo jeedo ee ah ama reer Dudub ha ahaato ama Jibriil Yoonis ha ahaato inay sameeyaan iyaguna noociyadaas oo kale ama ha noqto run ama ha noqoto been laakiin ay noqoto wax iyaguna dimoqraadiyadu si ay u hano qaado oo ay u dhadhanto in arrinta caynkaas oo kale ah ay sameeyaan waana qodob lagaga hadli doono aakhirka wakhtigu waa dhamaan doona laakiin kaftanka iyo sheekadu waxay ku hadhi doontaa taariikhda.

S; Waxaad sheegtay in Xariirad tahay deegaankaagii beesha baha-habar celi adiga ay kusoo dooratay ee C/raxmaan Saylicina musharaxa madaxweyne ku xigeenka ka yahay xisbiga Kulmiye, maxaa keenay wakhtigan xaadirka ah in la yidhaa Udub bay galeen iyo dhaqdhaqaaqaa in laga sameeyo ma waxbaa iska bedelay beeshiina?

J: waxa weeye ujeeda ugu weynee ay ka leeyihiin, dadka in lagu qaldo oo Media-ha la geeyo oo loo sheego been sida meelaha kale ay u galiyaan, in dadkii musharaxa C/raxmaan Saylici ee Kulmiye ayaa kasoo jabay oo ku soo biiray Udub la yidhaa oo loo majara habaabiyo ummada taasoo danteedu ay tahay intaas oo kaliyaata weeyaan laakiin wax kale ma jirto

S: Beeshu imika waa xagee miisaankeedu maadaama adiga ay kusoo dooratay mawqifkii hore ma wax baa iska bedelay?

J: Run ahaantii waxa weeye bani'aadmi baynu nahay doorashada maalinta codka lagu ridayo inta ka horaysa kolay cid walba waxbay jeclaan, laakiin waxa weeye oo aan hubaa ama ay tahay beesha badankeedu waxay tageeraysaa xisbiga Kulmiye, waayo waxay mucaarid marka hore u noqotay beeshu ayaa meesha ku jira oo ah in dalkii Somaliland ee muwaadiniinta ay u ahaayeen ee ay xaqa u lahaayeen inay wax walba ka qadeen, markaa ayna jirin wax barnaamij siyaasadeed ama hawl qabad ama waxtar ah ama xukumada dhexe ha noqoto ama meelaha kaleba ha noqotee wax wax tar leh oo ay beeshaas u tareen marnaba inaanay jirin oo mucaaridadu sii xoogaysanayso, kuwan imika meelaha ka dhawaaqayaa waa kuwii u danbeeyay ee kasoo bixi doona halkaa

S: Maadaama labada musharax madaxweyne ku xigeen ee Kulmiye Saylici iyo Ucid Dr Maxamed Rashiid Sh Xasan iyo madaxweyne Rayaale oo isaguna ka sharaxan Udub ay kasoo wada jeedaan gobolka Awdal waxa la sheegayaain bulshada Awdal a u codayn doonto doorashada madaxweyneha Rayaale, arrinkaasi sided u aragtaa?

J: Horta waxaan kuu sheegayaa bulshada reer Awdal waxay maanta kaga kalsoon yihiin madaxweynenimada Rayaale beelaha kale ee reer Somaliland oo madaxweyne noqda, iyagoo u arka in jagadii madaxweynaha aanu waxba ugu qaban muddadii uu xilka hayay.

Source: Haatuf

No comments: