13 April, 2010

Nin daad qaadey, Xumbo cuskey, Calool adeyg wehel weeye ninkii, Alle garansiiyo!!


Degmada Axmed Dhagax 99.9 waa Kulmiye, waxaana ka marag ah Bulshada Caasimadda, codadka degmaduna way caddeyn doonaan . Lama yaabayo in ay UDUB oo ay wadhi ka raacdey aqoon darrada bvaahsan ee dhinac kasta ka soo garbaduubtey , inay sheegato dadka isku ereyga ah ee go'aanka lagu yaqaanno, waayo waa nin sdaad qaadey xumbo cuskey xaalkeedu !! Calool jilkeyc iyo jixinjix midnaba aan ku heleyn, liitinimada iyo sida aan milgaha raganimo ahayn ee aynu ku naqaanney taliskii nabadsugidda Faqashta oo xataa markii lala sii kacayey lahaa, waa dhawr qof oo kiniin soo liqa oo iyaga oo daroogeysan meella aan ka leexaneyn ee weeraraya meesha ay doonaan, iyaga oo ay k fajicisey dhiirranidida Mujaahidiintii Dalka oo runti xaqooda iyo dhukooda hooyo u dirarayey!!
Filimkii "Easy come, Easy go" ee Maamulka Riyaale ka metalayey Dalkan Sonmaliland, waxa uu soo gaadhey last minuteskii, Waqtiga uu reer magaalku sarajoogga ku daawado gbogebada. Waxaan aad u dhoola-Caddeeyey, Marka uu Gabiiley iyo Axmed-Dhagax uu naf moodey, isaga oo illaabey, sooyaalkiisa dhaqan ee labada Saldhig siyaasadeed ee soo jireenka ah , halka ay u kala tagneyd.Aqoon hoosaadna aan u lahayn ama lahashada kursig Madaxtooyadu illowsiisay!! Qarannimadu in anay ahayn Riwaayad ee ay tahay Xil-Gudasho Masiir ummadeed oo Malaayiin ah Tuurta loogu rito, iyo in ay noqoto Kursi xinka iyo yootanka ummadda lagu odoroso, Ciyaartii badh baa ka hadhey ee Xisbiyada qaranka ee Mucaaridka ah, waxa aanu ka rabnaa in ay caddeeyaan, Maamulkan in aan xilka lagala wareegeyn ilaa lala xisabtamo, lagulna xisaabtamo Mas'uuliyadaha xilalka ay hayeen ee ay ummadda u hayeen. Muwaadinkii loo adeegsasadey Awoodda Qaranka iyada oo sifo shakhsi ah loo waasiinayo xaq uu lahaa, ama lagu xidhey awood qaran iyada oo lagala Dagaallamayo Karaamada , sharafta iyo Milgaha uu ku dhex leeyahay Bulshada, ama lagu horjoogsadey garashada iyo Aqoonta uu leeyahay, weynnu uga hiilanney Maamulkan sii dabeyshanaya haddii aynaan Madaxdan maanta ku qaban iney Dastuurkii ay shaley hortaagnaayeen ama jebiyeen , maanta u laqimin inay ku gafsanaayeen Ummadda. Kuwa ay uurkooda sidaasi ku jirto ee aan weli xil qabannina ay wax ugu qaataan, qarannimada in dhawr tobaneeyo oo Mas'uuliin Bulshadu xilka u igmatey ahayn, Sharcigana loo siman yahay Madax iyo Muwaadinba.
Hantida Ummadda ee Haad iyo Bahalba loo loogey, si baaxad leh loogala xisaabtamo Maamulka, Wasiirrada intii aanay xilka qaban iyo xilka ka dib, sidii la arki jirey loogalka xisabtamo. Ms'uulka la helo in ay jiraan wax muujinaya xisaab muujin xaq ahna loo mahadnaqo lagana wareejiyo xilka, ka xoolihii ummadda ka dhistey, ka baayac mushtaray, isagana loo gudbiyo sharciga, lagana soo cesho Hantida Ummadda ee ku maqneyd. Arrin xeer siyaasiin geli karta maaha, qofna qaladaatka uu galo, wax ay ummadi wda leedahay, laguma sahashan karo, deano siyaasadeed.
Gbogebo, si aanu dib dambeysa ugu qaldamin hoggaanka Dalka nin aan buuxin karin shuruudaha Madaxweynenimo, waa in kan l;agula xisaabtamo Xilgudan waaga, haddii ay dhuici weydabna, waa khasaare , waxa aynu usoo halganney iyo waxa aynu Dawladnimo Iskeed u taagan oo Madax-bannaaniba. Maamulku wuu garanwayey in uu xil ay ummadi leedahay qaadey, lagulana xisaabtami doono, Maantana wuu calool adeygi la'yahay oo si geenimo leh uga ruqi la'yahay , meel aan lagaba rabin!! waxaanu leenahay " kuuma taallo'e ka Bul- dheh!!" haddii ay ku qancin weydana, waraaqda codka ayaa ku odhan, hal il-bidhiqsina, sii fadhiyi mayaan kooxdan xulka xumaha ku bahawdey!! Innaga hubsada nuxurka UDUBKA ku gadaaman!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed

No comments: