29 April, 2010

Muuse Biixi oo Caddeeyey in Haddii KULMIYE ku Guulaysto Talada aanay ku Dhaqmi Doonin Heshiisyadii Rayaale Galay Mudadii Dheeraadka ahay ee uu Xilka Hayey

Muuse Biixi oo Caddeeyey in Haddii KULMIYE ku Guulaysto Talada aanay ku Dhaqmi Doonin Heshiisyadii Rayaale Galay Mudadii Dheeraadka ahay ee uu Xilka Hayey

'Waxanu ku Hawlgalaynaa Waqtiga Komishanku Gooyey oo ah ugu Dambeyn 30-ka June inay Doorashadu Dhacdo wixii ka Dambeeyana Iskuma ogin, mana oggolin, wixii'

Hargeysa (Jam)- Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hanjabay in xisbi ahaan aanay sinaba u aqbalay in doorashada madaxtooyadu dhaafto bisha 30 June ee sannadkan 2010, isaga oo xusay wixii ka dambeeya maalintaas aanay oggoleyn doorasho dhacda.

Muj. Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlayey munaasibad xisbiga KULMIYE Jaamacadda Burco ugu wareejinayey gaadhi noociisu yahay Serf oo ay hore ugu ballanqaadeen, waxa uu ku nuux-nuuxsaday in cidda ku hawlan carqaladaynta qabsoomida doorashada aan sinaba looga yeeli doonin.

"Sida aynu wada ognahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu ballanqaaday oo uu go'aamiyey in bisha June doorashada dhacayso, waanan soo dhoweynaynaa, waxa maalmahan u dambeeyey xisbiga talada haya ee UDUB ka soo baxayey hadallo is-khilaafsan, waad maqasheen Madaxweyne-ku-xigeenku warraysi uu siiyey BBC-da, waxaannu sheegay inay si cad diyaar ugu yihiin doorashada inay qabsoonto waqtigeeda, aad ayaannu u soo dhoweynaynaa dhawaaqaa Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, isaga oo raaciyey haddii nagala helo si xilkasnimo leh ayaanu u wareejinaynaa, waa dhawaaq masuuliyadeed, xilkasnimo, waddaniyadeed, waxaanan leenahay xisbiga UDUB halkaas ha ka leexanin, war aan kaa ahayna yaanaan kaa maqlin.

Isla xalay [habeen hore] waxa khilaafay hadalkaa Madaxweyne-ku-xigeenka qaar ka mid ah xisbiga UDUB oo Tv-ga Qaranka iyo saxaafadda ka lahaa, waa lagu degdegay iyo diyaar uma nihin, waxaannu raacaynaa hadalka Madaxweyne-ku-xigeenka, doorashadana wixii carqaladaynaya halaga daayo.

Waxaynu ognahay in aynu gelnay heshiis lix qodob ah oo adduunku innagu dhex joogo, waxa ka mid ahaa wixii Seerfarkaa ka soo baxa in aannu aqbalayno oo aannu hore u saxeexnay, xisbina ka hadli karin, waxaananu ku hawlgalnay wixii ay soo saaraan aqoonyahannada ay gacantooda ku jirto ayaanu ku hawlgalaynaa.

Waxaannu ku hawlgalaynaa waqtigaa uu gooyey Komishanku oo ah ilaa 30 June ayey noo calaamadiyeen, ugu dambeyn 30-ka June inay doorashadu dhacdo wixii ka dambeeyana iskuma ogin, mana oggolin, wixii carqaladaynayana waxaannu leenahay waa waxaan loo fadhiyey iyo hadimo horlee ha laga daayo," ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ee KULMIYE.

Muj. Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in xisbi ahaan hadii ay talada dalka ku guulaystaan aanay aqbalayn heshiisyada madaxweyne Rayaale mudadii dheeraadka ahayd ee uu xilka hayey galay hadii aanu golaha wakiiladu ansixinaanay, isaga oo xusay in hoggaamiyayaasha bulshadooda ixtiraamaya marka wakhtigu ka dhamaado aanay wax cusub curin Karin, heshiisyana geli Karin, balse ay yihiin oo qudha qaar xilka sii haya inta si sharci ah loo dooranayo cida beddelaysa.

Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi; "Geeska Afrika dab ayaa ka qarxayaa, maalin walba waxaynu aragnaa dagaallo iyo budhcad-badeed iyo sida adduunku u hayaano oo ah meel gubanaysa, Somaliland waxay ka mid tahay meelaha yaryar ee nabdoon, waxaanna nabaddaa keenay dadkooda oo isku dulqaatay, marka la isku dulqaadanayo qoys, saaxiibo, ganacsato, laba arday ha ahaato, nin baa wax ku qaldan oo qalooca ah ku dulqaadanay. Markaa Somaliland intii u soo dhibtooday ee u soo halgantay ee lexejeclada ka qabtay ayaa mar walba u dulqaadata, dulqaadka ay kuwaas ku dulqaadaan ayey nabaddu ku fadhidaa, markaa waxaynu maraynaa xukuumad shan sanno la doortay oo siddeed sanno sii cago-cagaynaysa, laba sanno iyo badh Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku waxay ku fadhiyaan muddo-dhaaf, codkii lagu doortayna kuma joogaan, madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka marka uu wakhtigoodu dhammaado awoodaha qaar ma laha sida caalamka awoodaha waaweyn, wadamada garaadka badan ee ixtiraamaya bulshadooda, hadii wakhtigiisu dhammaado ma badali karo wasiir, heshiis caalami ahna ma geli karo, wax cusubna ma curin karo, waayo waxa uu sugayaa oo uu sii haynayaa si la iskugu soo gaadho oo dowlada dambe ee timaadaa hawlaha halkaas uga sii wado.

Waxa aanu lee nahay, intan uu wakhtigiisu dham maaday, (madaxweyne Rayaale), intaas oo heshiis ayuu galay maalin walba wasiir ayaa la magacaabaa, waxaasi waxay u eegtahay meel ka dhac oo maamulka dowladnimo ayay meel ka dhac ku tahay, mid kaliya ayaan ku soo koobayaa heshiis yada caalamiga ah ee la galay mudadaas, haddii aanay ansixin golayaasha sharciga ahi waxba kama jirayaan, dowlada soo socotana ma qabanayo sharcigaasi, waayo wakhtigiisa ayaa dhamaaday oo sharci kumuu fadhiyin, markaa waxa wanaagsan in la dhowro maamulka iyo sharciyada iyo siday dowladu u dhaqanto."

Waxa kale oo uu ku dheeraaday Muj. Muuse Biixi Cabdi kaalinta uu ka qaado xisbigoodu waxqabadka bulshada iyo siday xukuumaddu marwalba ugu fashilanto bixinta qaadhaannadau ballanqaado bulshada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo ka guddoomay gaadhigaas, ayaa si weyn ugu mahadnaqay xisbiga KULMIYE oo uu sheegay inay ka qaybqaateen horumarka bulshada Somaliland, isla markaana ay gaadhigaasi dusha sare kaga xardhi doonaan, 'Waxa Gaadhigan Jaamacadda Burco ugu deeqay xisbiga KULMIYE.'



Jamhuuriya Online

No comments: