17 April, 2010

MUJAAHID CALI GURAY OO RAALI-GELIN KA BIXIYAY AMARKII WASIIRKA CIYAARAHA


MUJAAHID CALI GURAY OO RAALI-GELIN KA BIXIYAY AMARKII WASIIRKA CIYAARAHA


Afhayeenka xisbiga UDUB Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa raalin gelin ka bixiyay amarkii uu Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md. Maxamud Siciid Maxamed, isku dayay inuu ku joojiyo wareeg kubadeed ka socday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa, amarkaas wasiirka oo keenay rabshado xoogan iyo dhaawac soo gaadhay Caaqil Cabdi Iimaan Cawad oo ay haleeshay xabad uu Boolisku ku ridayay dhallinyaro go'aanka wasiirka ka gadooday.

Afhayeenka UDUB, waxa uu tacsiyadeeyay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay amarkaas Wasiirka, waxaanu sheegay in si deg deg ah loo sixi doono isagoo ku tilmaamay khalad. Afhayeenku, waxa kale oo uu ka hadlay sarkaal ka tirsan xisbiga UDUB oo shalay naqdiyay xisbigiisa oo uu sheegay inaanu u babac dhigi karin xisbiyada mucaaradka, waxaanu Afhayeenku sheegay inay UDUB ka go'antahay inuu doorashada galo.

Mujaahid Cali-Gurey, oo hore uga tirsanaan jiray xisbgia mucaaradka ah ee KULMIYE, waxa uu arrimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika shalay la yeeshay. Waxa kale oo uu Cali-Gurey ka hadlay sida uu u arko go'aan la sheegay inuu qaatay Wasiirkii hore ee Caafimaadka Md. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), oo ah inuu dhawaan ku biiri doono xisbiga KULMIYE. Waraysigaas oo uu Afhayeenka UDUB sidoo kale kaga hadlay taageerayaal dhawaan ku biiray xisbiga KULMIYE, oo abuuray dood iyo dareen badan, waxa uu u dhacay sidan:

Xoghayaha difaaca UDUB Mr Cabdilaahi Caray, ayaa xisbiga UDUB ee aad afhayeenka u tahay dhaliilo u jeediyey, sheegayna in aanu doorasho diyaar u ahayn, sidaa daradeed maxaad ka odhanaysaa, se dareen noocee ah ayay idiin samaynaysaa?

Guud ahaan xisbiga UDUB gudihiisu wuu is-dhaliili karaa, wuu is-canaanan karaa, laakiin anigu waxaan qabaa taasi waxay u baahan tahay inay ka dhex dhacdo madal UDUB ah dhexdeeda, oo haddii ay doonto saxaafaduna ay goob-joog ka tahay, laakiin fikrad ahaan ma waafaqsani in qof UDUB ah oo xil xoghayenimo ah u haya oo golaha dhexe ee xisbiga ku jiraa uu kalidii War-saxaafadeed ku cambaareeyo xisbigiisa, laakiin waan ogolahay in wixii dhaliilo ah ee jira la isku sheego, laakiin ay xisbiga gudihiisa ay noqoto.

Mida kale anigu ma jecli inaan hadalka Cabdilaahi aad ugu sii tunto, laakiin waxaan ogahay inay UDUB ka go'antahay inuu dioorasho gallo xisbi ahaan iyo dad ahaan iyo taageerayaal ahaanba, una arkaya in xalka kaliya ee dhibaatada siyaasada ee maanta dalka taalaa uu yahay doorasho xor ah oo xalaal ah oo dalkan ka dhacda, markaa gabi ahaanba fikradaa Cabdilaahi anigu waxa aan qabaa mid ka soo hor jeeda, UDUB waa diyaar, doorashadana waa u diyaar, tartankana wuu galayaa, haddii uu isagu kala daadsanaado iyo haddii uu aloosnaadaba guushiisa ayay saamayn ku yeelanaysaa laakiin waa u diyaar doorasho.

Cabdilaahi Caray waxa kale oo uu sheegay in gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigu aanay jirinba, arintaasi ma jirtaa mise way jiraane waanay shaqaynin.?

Cabdilaahi Laftiisa ayaa qirayaba in labadaasiba (Golaha dhexe/gudida fulinta xisbiga UDUB) xisbiga ka jiraan, waayo waxa uu isagu sheegtay ama yahayba xoghayaha arimaha difaaca, taas oo aan qabo inay macnaheedu tahay xubin golaha fulinta ka mid ah, isla Cabdilaahi waxa uu sheegay inuu golaha dhexe ee xisbigana xubin ka yahay, markaa hadalka Cabdilaahi ayay ku cadahay inay labadaasiba jiraan, waxaanse aaminsanahay intii shirkii ka dambaysay labadaa midna lama badalin, inkasta oo sharciga UDUB la iga badiyo haddana waxa aan aaminsanahay gudidii fulinta ee jirtay ilaa gudi fulineed oo kale la soo dooranayo inay gudi fulineed tahay, golihii dhexe ee xisbiguna inta xubno kale oo gole dhexe ah la soo dooranayo inay xilka ku sime uun yihiin, markaa ma waafaqsani labadaa midna malaha.

Haddii aynu hoos u dhaadhacno, haddii ay jiraan gudiyada fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga UDUB, balse aanay shaqaynin, iskuna imanin ilaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga, sidee ayaad ula tartami kartaan xisbiyada Mucaaradka ee aan awoodooda adiga lagaaga waramayn.?

Horta anigu xisbiyadda xog-ogaal ayaan u ahayn, xisbi uu golihiisa dhexe uu si caadi ah uu iskugu yimaado ma jiro, waxaana qoran inuu sanadkiiba hal mar isku yimaado, ma jiro saddexda mid uu sanad walba marka bisha bisheedii ay gaadho si rasmi ah iskugu yimaado golihiisa dhexe, taana waxaanu la qabnaa xisbiyadda kale waana arin horumarka dhismaha xisbiyada khusaysa, waana ku dadaalaynaa in sanad walba golaha dhexe ee xisbigu isku yimaado waana meel aanu hiigsanayno, laakiin anigu odhan maayo wuu dhacaa sanad walba, cida ka talisa xisbiyadda kaleba maaha gudiyo fulineed iyo qaabka dhismaha golihiisa dhexe iyo gudigiisa fulinta maaha cida go'aamada gaadha ee shakhsiyaad-baa gaadha, xisbiyadda qaarkoodna lamaba garanayo cida go'aanka u gaadha ama ay yihiin kuwo aan xisbigaba ku jirin, anaga waxa go'aanka gaadha dad xisbiga ku jira, waxa ka taliya dad xisbiga ah, laakiin xisbiyadda kale waxaaba u taliya qaar aan xisbigoodaba ahayn.

Mujaahid Cali Guray, waxa aad noo faahfaahisaa dadka aad sheegtay in aanay xisbiyadda ka mid ahayn balse ay go'aamadooda gooyaan.?

Anigu ma doonayo inaan wax faahfaahin ah ka bixiyo, laakiin xisbiyada Mucaaradka mid ahaan taladiisa cida goysaa maaha cida xisbiyadda joogta, maaha cida wajiyadooda la yaqaano, haddii laga yaqaanana ragga ugu adagi maaha rag xisbigaba ka tirsan ama dadka xisbiganba lagu arko maaha, waa dad iyagu aan shaashada aan ka muuqanin oo meel dambe fadhiya, dadka xisbiga taageersanina aanay u qabin ama cida u talisaa ay tahay cida ay iyagu taageersan yihiin, markaa way jiraan laakiin ma jecli inaan magacaabo xisbiga.

Afhayeen, waxa jirtay in dhawaan xisbiga KULMIYE ay ku soo biireen tagaeerayaal tiro ahaan badnaa, xaflad ayuu ugu qabtay Huteelka Kaah ee Hargeysa, xaflada ka hor wasiiro ka mid ah xukuumada xisbigaaga ayaa isku dayay inay is hortaagaan, sidaa daraadeed adiga ka siyaasi ahaan arinkaasi sidee ayaad u arkaysay.?

Inta aanan is-hortaaga ka hadal, meesha waxa la yidhi ardayda jaamacada ee reer Hebel ayaa KULMIYE ku soo biiraysa, waxa nasiib daro ah rag waawayn oo aqoonyahan ah inay ardaydii jaamacadaha u kala abtiriyaan oo ay ugu kala abtiriyaan qabyaalad, haddii ridal ficliga Wasiiradu uu taa ahaa oo ay ka hor-tagyeen in aan ardayda Jaamacadaha qabyaalad loogu kala abtirina dhinaca sharciyada maaha laakiin dhinaca Mooralka waa laga damqan karaa oo falkaa waan jidaynayaa, laakiin xaq u lahaanshaha in loo diido in huteel dad ku shiraan anigu mabda ahaan in cida taageeraysa xisbi la yidhaahdo iska hortaaga midna ma waafaqsani, waxaase ii muuqata waxyaabo aan ka sheegayay xisbigaasi inay soo muuqmuuqanayso durba, maanta waxaynu arkaynaa in la leeyahay ardaydii jaamacadaha ee reer hebel, waxaan filayaa inay talaabada ku xigtaa noqonayso ciidanka qaranka ee reer hebel, ciidanka bileyska ee reer hebel, taasina ay tahay sidii Somaliland oo dhan gabigeedaba dib reer reer loogu celi lahaa, taana anigu waan ka soo horjeedaa.

Mujaahid Cali, Dhawaan xisbiga KULMIYE waxauu diyaariyey wareeg kubadeed oo ilaa hadda socda, balse imika ka Hor Wasiirka ciyaaraha ayaa bixiyey amar lagu joojinayo, taasna rabshado dad ay ku waxyeeloobeen ayaa ka dhashay, sidead u aragtaa talaabada Wasiirka.?

Arintaa anigu aad ayaan uga xumahay inay dhacdana may ahayn haddii la isku qabto carruurtu way ciyaaraysaa iyo ciyaari maysana anigu ciyaartoy ayaan ahaan jiroo kol walba waxaan raacsanahay way ciyaarayaan.

Ficilka Wasiirka maan jeclaysan runtii anaga UDUB ahaana waxtar noomuu ahayn waayo xiligii ololaha ayaanu ku jirnaa, waxaanuna jecelahay Wasiiradu haddii aanay ololaha UDUB wax wax u taraya ku kacayn ficil ahaan iyo hadal ahaanba inay ka joojiyaan wixii ololaha UDUB waxyeelaya, cidii wax ku noqotay anigu waan tacsiyadeynayaa waxaanuna leenahay khaladkaa waala saxayaa, raalina halanaga ahaado ayaanu leenahay.

Hadda waxaad ka soo baxday shir Madaxtooyada aad kaga qayb gashay, inta badana hadda waxa la sheegaa in xukuumada iyo xisbiguba ay ka wada hadlaan ololaha doorashada Madaxtooyada, maxaa la odhan karaa xisbiguuna doorkan ololaha ayuu ku galayaa oo uu dadka u sheegayaa, maadaama umaddu idin taqaano.?

Madaxtooyada waxaanu ku kulanay dad badan oo Wasiiro iyo masuuliyiin xisbiga ah, runtii arinta aanu maanta (shalay) ka hadlaynayna waxa uu ahaa sidii Madaxwayne ku xigeenk Md Axmed Yuusuf Yaasiin dalka loogu soo dhawayn lahaa, marka uu jimcaha ka soo dago Magaalada Barbera, isaga oo dalka dibadiisa ugu maqnaa arimo caafimaad, markaa waxbaanu iska waydiinaynay bal cida Barbera tagaysa iyo cida Hargeysa joogaysaba, arinka ugu muhiimsanina kaas ayuu ahaa.

Mida kale, anagu doorashada horta waxqabad itaal kasta oo aynu leenahayba waanu qabnaa mudadii uu Madaxwayne Rayaaale Madaxwaynaha ka ahaa dalka uu waxqabad muuqdaa jiray, waala gaabiyey iyo lama gaabin iyo itaal ayaa halkaa ahaana waa wax laga murmi karo, isbadal kasta anagu ma qabno in loo baahan yahay, shacabka reer Somaliland fariinta aan halkan (Geeska Afrika) ugu gudbinayaa waxa weeyaan isbadalka aad u baahan tihiin waa isbadal idiinka raynaya, isbadal idiinka daraya uma baahnidin, ilayn isaguba waa isbadale, haddii la yidhaahdo isbadal ayuunbaa loo baahan yahay oo isbadalku yahay mid la eedayo kaa caadiga ah, imika jaamacadaha waala dhigtaa oo ardayda waadigan arkaya ee qabyaalada lagu kala qaybinayo, jaamacaduhu inay furnaadaan xukuumadu miisaaniyad ayay ku kabtaa oo waxbay tartaa, kuwa xidha looma baahna inuu isbadalku wato, haddii la doonayo inuu isbadal run ahi ka dhaco Somaliland-na wuu ka dhici kari lahaa, laakiin waxay ahayd inuu isbadalku ka soo bilaabmo xisbiyadda Mucaaradka ah dhexdooda oo ay soo baxaan musharixiin cusub oo aan ahayn kuwii markii hore la tartantay Daahir Rayaale, dadkuna ku qanacsan yihiin in hogaamintoodo inay u dhaami lahayd ta UDUB ee maanta iyo Xukuumadiisa, laakiin haddii ay tahay aniga mooyaane qof kale ma jiro shacabka reer Somaliland-na inay karbaashaan baan qabaa anigu, kuwa fursada u diiday isbadalka waa Mucaaradkee.

Cabdilaahi Dirawal oo hore u ahaan jiray Wasiirka Caafimaadka, waxa la filayaa inuu dhawaan si rasmi ah ugu biiro xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ah. Sidee ayaad u aragtaa haddii ay dhacdo oo uu ku biiro, se saamayn intee leeg ayuu xisbigiina arintaasi ku yeelan doontaa.?

Saamaynta ugu wayn aniga ayay igu yeelanaysaa. Anigu ilaa hadda waxaan qabaa inuu UDUB yahay, waa laga saaray iyo waxaasi aniga ima marto, Cabdilaahi waa qof qiimo badan, waa nin aanu saaxiib nahay, waa dadka aan aqaano ee ugu daacadsan uguna niyadda-san ee ugu wanaaga jecel dadka, dadku wuu isku dhacaa oo carab iyo labadiisa daan ayaa isqaniina, anigu ma qabo in cadhadii ka dhacday shirwaynihii UDUB daraadeed uu laabaha ku dhaco oo uu ku dhaco meel aan hubo in aanu la qabsan karaynin, ragga meesha sii joogana wuu wada garanayaa Cabdilaahi, amiirada meesha sii joogana wuu garanayaa, isaga oo cadhada uu qabbo daraadeed taana indhihiisu aanay aad u arkayn haddii uu ku gallo waxa aan qabaa waxa uu kala kulmaa aanu nqon doonin wax isaga raaligaliya, anigu maan maqal inuu KULMIYE galay xanta'se waan maqlayay ah xaggaas ayuu u socdaa, aniga'se way isku kay qaban la'dahay aqoonta aan Cabdilaahi Darawal u leeyahay iyo aqoonta aan KULMIYE u leeyahay marka aan labadaa eego inay is-waafaqi karaan aniga way isukay qaban la'dahay, laakiin waynu eegi bal mustaqbalka sida ay noqoto.

No comments: