Waxa aynu fileynaa sida lagu shaaciyey warbaahinta Madaxa bannaan ee Dalka in Sabtida uu Wasiirka Maaliyaddu horkeeno Golaha Wakiillada , Miisaaniyaddii qaranka ee sannadkan 2010ka oo soo muddo dhaaftey waqtigii sharciga ahaa ee in lagu hor keeno ay ahayd Golahan. Dadka dhaqaalaha u dhuun daloolaa, waxay iyagu leeyihiinba, waxay ahayd in dambiga xil-gudasho la'aaneed ee ay arrintanu leedahay sida uu dhigayo dastuurka qaranku loo maro . su'aashu waxay tahay, haddii wxa laga hadlayaa ay ahayd miisaniyadda qaranka, xisaab-xidhkii sannadkii ka horeeyey isla Diisambar in uu dioyaar ahaado ayey ahayd, sabab uu Mamulku leeyahayna , dakhligiin Dalka ee Sanmnadkaas , badh ayaan ilaa imikadan gaadhin weli khasnadda Dawladda!! Wasiirka Maaliyadda oo aan uga baranney in uu sidii tawradaha , wax isaga soo malluuqdo, waxa aan shaki ku jirin muddadaas afarta bilood ah ee sidii la doonayayba loo soo farsameeyey Miisaaniyadda in aan haddana saalo muuqata la aas-aasi kareyn. Guddiga dhaqaalaha ee golaha xildhibaannaduna , waxay xaqiijin doonaan oo ay xilkooda ka gudan doonan, wax kasta oo aan waafaqsaneyn shuruucda Maaliyadeed ee Dalka. Dakhligii qaranka oo qayb weyni maqan tahayna, sida ay Miisaaniyaddanu Golaha u hortegeyso , iyana waa mid dhibaatadeeda leh!! Nimanka dambiyada baadhaa , maaha mucjiso ee khaladaadka ay galan ama sameeyaan dambiilayaashu ee ay degdegga ugaga tagaan goobta dembig ayuun bay ururiyaan oo u tilmama dambiileyaasha. Miisaaniyadda afar bilood soo muddo-dhaagftey ee (hit and try) iyo rule of the thumb lagu soo odoreysayna aan eegno qladadka ka muuqan doona. Waqtigan Daa'ica ah, iyo Xilka ammaano ee saaran , Golahanna aynu eegno, waxa ay ka yeelaan, miisaniyaddan aad mooddo in loogu hanjabayo!! Dr. Cali Cabdi |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
21 April, 2010
Miisaaniyadda Riwaayadda ah ee 2010 ee la horkeenayo Golaha Wakiilada Sabtida!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment