Ma run baa in M/weyne ku-xigeenku ka hadhayo tartanka doorashada Madaxtinimada?
Inkastoo aanu jirin wax war ah oo rasmi ahaan Madaxweyne kuxigeenka iyo Madaxtooyadu ka soosaartay arrintaas, haddana siday warar soo baxay tibaaxeen, waxa la sheegay in Axmed Yuusuf Yaasiin uu qorshaynayo inuu ka hadho doorashada raagtay ee Madaxtooyada oo ay xisbiga xukuumadda uga sharaxan yihiin Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu.
Siday muujiyeen tibaaxahaa soo baxay, arrintani waxay salka ku haysaa arrimo Caafimaad, iyadoo Madaxweyne kuxigeenku Jimcihii aynu ka soo gudubnay uu ka soo laabtay arrimo Caafimaad oo uu muddo dibadda ugu maqnaa.
Madaxweyne ku-xigeenka oo qaliin loogu sameeyay Cusbatal ku yaala magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxa uu sidoo kale dhamaadkii sannadkii tegay hawlo Caafimaad u tegay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.
Warku wuxuu intaa ku daray, in Madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa ay mataanaha ku yihiin tartanka murashaxnimada xisbiga UDUB, ay ka wadahadleen in Caafimaadka Axmed Yuusuf Yaasiin saamaxayo sii wadista tartankaas, iyadoo muddo todoba sannadood ah oo ay xilka hayeen ka dib ay haatan u sharaxan yihiin in markale hoggaaminta loo doorto shanta sannadood ee soo socda.
Hase yeeshee, Madaxtooyada Somaliland ayaa ka gaabsatay inay jawaab ka bixiyo warkaa soo baxay oo saddexdii maalmood ee u dambeeyay si wayn la isula dhexmarayay. "Anigu ma ogi waxaas….Waa mala-awaal, wax xog ahna kama hayo," sidaa waxa yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge oo xalay Wargeyska Ogaal wax ka waydiiyay arrintaas. "Adeer, anigu arrintaa ma ogi, ma maqal, wax aan kaaga sheegana garan maayo," ayuu raaciyay Afhayeenka oo la sii waydiiyay in Madaxweyne Rayaale iyo Sheekh Axmed Yuusuf Yaasiin isla soo qaadeen xaaladdo Caafimaad iyo is waafajinta tartanka ay markii labaad kula jiraan Murashaxiinta xisbiyada Mucaaradka oo ay sannadkii 2003 loolan doorasho wada galeen.
Warkaa soo baxay waxa sii xoojiyay qoraal Komishanka Doorashooyinka Somaliland Sabtidii todobaadkan ku direen saddexda xisbi ee UDUB, UCID iyo KULMIYE, kaasoo ay kaga dalbadeen in lixda Murashax ee u tartamaya oo horaantii 2009 gudbiyay shuruudaha sharcigu tilmaamay, ay markale soo gudbiyaan liiska Murashaxiintooda, isla markaana soo buuxiyaan shuruudaha laga doonayo oo uu ka mid yahay Caafimaadka qofka u tartamaya jagada Madaxweynenimo ama kuxigeenkiisa.
Xigasho: Wargeyska Ogaal
No comments:
Post a Comment