Djibouti (Saraarnews)– Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdi u hogaaminaayey oo maanta duhurkii soo gaadhay madaarka magaalada Jibouti ee xarunta Jamhuuriyadda Jibouti ayaa halkaasi kala kulmay meeqaam soo dhawanayd oo aad u hoosaysa, iyadoo keliya xubno ka tirsan waaxda baratookoolka ee madaarka Jibouti ay Madaxweynaha ka hor tagtay iyadoo aanay jirin xubno wasiiro ah ama dawladda Jibouti ka tirsan oo Madaxweynaha iyo wefdigiisa madaarka Jibouti kaga hortagay.
Madaxweyne Rayaale oo caawa u dhaxay hotelka Kimibinski ee magaalada Jibouti ayaanay sidoo kale jirin xubno sare oo ka tirsan xukuumadda Jibouti oo ku booqday Madaxweynaha hotelka uu degenyahay, waxaana wararku intaasi ku darayaan inuu maalinta berri ah la kulmi doono Ra'isal wasaaraha jamhuuriyadda Jibouti Delayte Maxamed Delayte balse ma cadda inuu Madaxweyne rayaale arki doono Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynaha dalkaasi.
Xukuumadda Jibouti ee uu hogaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hore u caddaysay inaanay taageero iyo niyad siyaasadeed u haynin qaranimada iyo madax banaanida Somaliland waxaana tiraba laba jeer ay dalkeeda ka caydhisay diblomaasiyiin reer Somaliland ah oo Jibouti joogay, balse sannadahii ugu danbeeyey ayaad moodaysay in xidhiidhka labada dal uu oxoga ka soo raynaayey.
source: Golisnews
No comments:
Post a Comment