01 April, 2010

Dareekii reer Boorame ee socdaalkii Madaxweynaha

M/weynaha S/land Oo Weli Boorama Jooga, Jawiga Siyaasadeed Ee Ku Gedaaman Socdaalkiisa Iyo Dareenada Qarsoon Ee Dadweynaha


Boorama-(Lug)-Madaxweynaha Somaliland Daahir rayaale ayaa weli booqasho ku jooga magaalada ugu weyn gobolka Awdal ee Boorama kaddib markii uu halkan kaga qaybgalay aaska marxuum Maxamed Xasan Mataan oo afar maalmood ka hor lagu aasay Boorama . Booqashadan madaxweynaha oo haatan u muuqata olle siyaasadeed oo uu taageero badan kaga raadsanayo dadweynaha gobolka ,ayaalabadii maalmood ee Aan soo dhaafnayba wadahadallo gooni gooni ah la yeeshay qaybaha dadweynaha kuwasoo u badan maamulayaasha xukuumadda ee gobolka odayaasha, ganacsatada iyo shakhsiyaad uu si gaar ah u daneeyo.

Madaxweyne Rayaale oo haatan ku keliyeystay socdaalkiisa Boorama isla markaana uu dib iskagasoo celiyey raxan ka mid ah masuulyiinta xukuumaddisa ee Hargeysa kasoo raacday marka laga reebo wasiirka warfaafinta iyo wasiirka dalxiiska oo golaha wasiirada kaga jira Awdal iyo Selel ayaa kulannadan uu yeelanayo qaybaha dadweynaha oo inta badan iskaga fogeeyey saxaafadda madaxa bannaan ee Somaliland ,marka laga reebo TVga madaxtooyada oo aad mooddo in maareeyaha TVgaasi Boorama usoo raray ,.

Sida laga soo xigtay ilo xogogaal kulanadan madaxweyne Rayaale la yeelanayo qaybaha bulshada reer Awdal ayaa inta badan ku kooban khudbado ka imanaya dhinaciisa oo keliya isla markaana aanay jirin cid kale oo dood ama talo kale ka jeedisay, isla markaana ka qaybgeleyaasha kulanadaasi yihiin uun dhegeystayaal qaadanaya talooyinka, awaaamirta iyo dardaaranka madaxweynaha kuwaasoo ama ka qaybgeleyaashaasoo aan sheegan karayn waxay ka tabanayaan xukuumaddiisa iyo madaxweynaha laftiisaba .

Wararkan ayaa sidoo kale sheegay in madaxweyne Rayaale badi khudbadihiisaasi uu kaga hadlay sida uu u ogyahay dareenada shacbiga gobolka ee ku saabsan dibudhaca dhinaca horumarka isagoo odayaashaasi uga calaacalayey duruufaha iyo itaalka xukuumaddiisa kuwaasoo u saamixi waayey inuu wax badan xukuumaddiisu kusoo kordhiso gobolka gaar ahaanna jidka xumaantiisa laga qayliyey ee u dhexeeya Boorama iyo Dila, jidkaasoo haatan dadweynaha reer Awdal go'aansadeen in qiimo kasta haku kacee gacantooda ku hagaaajistaan .

Wararkan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in madaxweyne Rayaale mar kale odayaasha iyo masuulyiinta dawladda ugu ballanqaaday inuu wax badan u qaban doono horumarinta gobolkiisa haddii ay mar kale u doortaan xilka madaxweynenimada taasoo haatan mugdi badani saran yahay .

Kulanadii ugu dambeeyey ee uu madaxweyne Rayaale la yeeshay qaybaha dadweynaha ayaa waxa ugu dambeeyey kulan uu shalay xarunta gobolka Awdal ugu qabtay maamulayaasha laamaha dawladda iyo isuduwayaasha wasaaradaha tirada yar ee ka hawlgala magaalada kuwaasoo uu u sheegay inaysan dawladdiisa haysan imkaaniyaad ay ku dhammaystirto adeegyada xafiis kastaa uga baahan yahay hawlqabadkiisa sidaa darteedna uu masuulyiinta dawladda iyo isuduwayaashaba kula dardaarmay inay u adkkaystaan duruufaha shaqo ee ay ku shaqeeyaan , una ballanqaaday inay ka bixi doonaan wakhtiyada soo socda .madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeerr hawleed kusoo maray isbitaalka Guud ee Boorama halkaasoo dadka bukaan jiifka ah qaarkood lagasoo xigtay inay madaxweynaha kaga cawdeen maamulxumo baahday oo gobolka ka jirta una baahan in degdeg wax looga qabto.

Si kastaba ha ahaatee booqashada madaxweyne Rayaale ee doorkan ayaan u muuqan mid dadku sidaa u xiisanayaan iyadoo la ogaa in booqashooyin hore uu ugu yimi gobolka sanna dihii innasoo dhaafay , badi dadweynaha gobolku xiisayn jireen , muwaadiniin badanina ku tartami jireen aragtidiisa balse doorkan ay aad hoos ugu dhaceen shakhsiyaadkii, siyaasiyiintii iyo saaxibadii ay ilaalada madaxtooyadu kala hri jireen , isla markaana qaar badan oo ka mid ah ay tukhaantukhin jireen balse maanta ciidankaasi ka nastay buuqii ka jiri jiray albaabka looga galo hguriga madaxweynaha.

Dhinaca kale masuulyiinta xisbiga UDUB ee heer qaran ayaa sidoo kale socdaalka madaxweynaha kusoo beegay xaflado nuxurkoodu yahay Taageerayaal UDUB soo galay oo Kulmiye ka baxay , xafladahaasoo ay horseed ka yihiin rag aan aqoon fiican u lahayn dadweynaha gobolka Awdal , degaanada gobolkana ay maanta ugu horreyso .

Dhinaca kale madaxweyne Rayaale ayaan weli isku keenin xoogagga ugu firfircoon bulshada gobolka oo ay ka mid yihiin ururada dhallinyarada , ardayda jaamacadaha iyo ururada rayidka ah iyo taageerayaasha xisbiga UDUB isla markaana kulanadasi ku ekeeyey madaxdhaqameedyo iyo odayaal uu aaminsan yahay inay wax uga tari doonaan doorashooyinka soo socda haddii ay dalka ka dhacaan .kuwaasoo ama odayaashoo kulanka madaxweynaha ay la kulmeen u haysta xushmayn , tolnimo iyo qaddarin aanay hore uga arag madaxweynayaashii hore .

Si kastaba ha ahaatee xafladsahan ayaa u muuqday kuwa cismaan Hindi iyo xisbiga UDUB ku doonayeen inay kaga farxiyaan oo keliya madaxweyne Rayaale oo aanay doorkan ka muuqan farxadii badnayd ee uu ku qaabili jiray guud ahaanba beelaha kala duwan ee G/Awdal .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqasho ku tegey degaankii uu ku barbaaray ee Qulujeed isla markaana soo kormeeray jaamacadda Cammuud ,isbitaalka Al Xayaad iyo meelo kale oo ka mid ah adeegyada ama mashaariicda horumaarineed ee muwaadiniinta gobolku iskood u samaysteen balse ay iskaba yarayd gacanta dawladdu ku lahayd hadiiba aanay ka madhnayn .

Ugu dambayntiina lama oga in Rayaale sii joogi doono Boorama iyo inuu meelo uga kicitimi doono Boorama hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegeya inaan .



Wariye:-
Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
Lughayanews-Borama

No comments: