| Salaadiinta originka ah ee ay Beeluhu lahaayeen, wey ka warqabaan Go'aammadii isimmada Sool/Sanaag-bari oo ay guddoomineyso Maamulka Budhcad badeedda ah ee Puntland ku go'aansadeen inay Dagaal hubeysan ku soo qaadayaan Dalkan Somaliland , yoolkooduna yahay , in aan Doorasho Gobolladaas ka dhicin!! Waxa ay Daawanayaan Gal-Dacwadeedkan la majare habaabinayo ee ka bilaabmay Madheera, halkii uu Mxkamadda Ciidanka ka furmi lahaa!! waxa ay ka war-qabaan dhulkii ay shaqaaqadu dhacdey Dhimashada iyo dhaawacaba lahayd ee Bardaale, oo Maamulku dambas huwiyey ee hoosta ka nool oo iyana jirta waqti doorasho la hadal hayo!! Waxa kale oo Hawadu soo sidaa boqor Baki u dhashey oo in lagu Caleemo saaro Gobolka salal la doonayo, Beesha Selelena aanay raalli ka ahayn Calemosaarkaas iyaga oo sheegaya in Gobolkoodii ay dad aan ahayni qabsadeen!! Waxan oo Mashaqo ahi waxay soo baxayaan waqti ay ummadu Suunka giijisatey si ay u kacdo Dayuuraddii Doorashada qaranka ee lagu dhammeystirayey geeddi socodks Siyaasadeed ee Dalku. Waxa aydun BBCda ka maqleyseen dhaqdhaqaaqa Alshabab ee Sanaag bari laga wado. Marka aynu u geynno Miisaaniyadda qaranka ee Bishii Afraad ee Sannadka maqan, Lacagtii Brbera maxjarka xoolaha lagu qaadey ilaa imika khasnadda Dawladda ka maqan, bal eega suuradda idiin soo baxaysa!!? Salaadiintii Dalku sidan kuma fayooba ee halkee bay ka xidhmi la'dahay?!! Madaxda Beeluhu wey arkaan haddii ay imika meel goobaha aan tilmaamay ka mid ah ay ka dhacdo, in ilaa lawyacaddo ay mar qudha wada holcayso ee waxa ay la hoganayaan maan garan!! Salaadiinta Dalka waxa lagu yiqiin inay ka horreeyaan dhibaatooyinka oo ay bakhtiiyaan inta aanay qiiqinbba, Maantase qaraxii oo qudha oo hadhsan inay sidii Xuunshadii qacda oo ay ku war helaan , ay sugaan waa mid ku ugub ah dhaqankooda!!. Waan ku kalsoonahay in ay Bulshada Somaliland Caqli ku filan leedahay ay danteeda ku garato, Xamar ayaa wax ku noqon lahayd haddii Dagaal oogis wax lagu noqonayo. Maamulkan xaaraan ku xoogsiga ah ee puntland , haddii ay doollarrad xaaranta ah ee ay maraakiibta Budhcdnimada kaga qaadaan Baadda, uu tusay dhulka Somaliland leedahay in uu wax ay "ISIR" ugu yeedheen , adduunka iyo qawaaniinta dawliga ahina aqoonin ku damaaciyo, Dadkayaga Sool iyo Sanaag-bari maaha dhibaatadu ee waa Maamulkan, Odey-dhaqameedyada dhulkaas Doolarka ku xasharinaya ee in uu Dal ku helo deydeyaya, waqti Bulshadu ay u diyaar garoobeyso Doorasho, Mana aha markii ugu horreysey.ee Puntland Dalkan soo weerarto. Markii hore laas-Caanood oo qudha ayey ahayd, maantase shaxda sida loo dhigayaa , waa ilaa lawga!! Puntland Alle dib umuu sameyn ee kuwii shaley aanu hoggaankoodii Dagaalka jeelasha ku haynnay kadib markii ay laba saacadood Gudahood , Ciidammada qaranku iyaga oo aan qashar ridin, gacanta ku soo dhigeen!! Imikana kuwii shaley Odey dhaqameedyada Buuhoodle lagu sharfey ee xcafiska Madaxweyne loogu sii daayeye, kuwan imika dabka xaabada looga dhigayo wejigii Buuhoodle looga Mudaaharaadey ma loogu helayaa cafis Madaxweyne?!! Rag hadli waayey, iyo Riyo ciyi-waayey , labuduba reerkoodii gabe.!! Dr. Cali C. Muxumed |
No comments:
Post a Comment