26 March, 2010

XUBNO OO HORKAACAYO AXMEDNAASIR CAGAWEYNE OO AHAA MADAXDA XISBIGA UDUB EE M. HAYBE OO XISBIGA KULMIYE KU BIIRAY XAFLADNA LOO QABTAY.

XUBNO OO HORKAACAYO AXMEDNAASIR CAGAWEYNE OO AHAA MADAXDA XISBIGA UDUB EE M. HAYBE OO XISBIGA KULMIYE KU BIIRAY XAFLADNA LOO QABTAY.

Xaflad balaadhan oo lagu soo dhawaynaayey xubno ka soo baxay xisbiga Udub kuwaas oo uu hogaaminaayey gudoomiyahii degmada Maxamuud Haybe ee xisbiga Udub Axmed-Naasir Maxamed Xaashi (Naasir Caga-weyne) kuwaas oo ku soo biiray xisbiga Kulmiye ayaa maanta ka dhacday Huteel Scandinavian ee magaalda Hargaysa.

Xaflada oo ay ka soo qayb galeen madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye oo uu hogaminaayo Axmed Siilaanyo iyo xildhibaano ka socda golaha wakiilada ayaa khudba aad u dheer waxaa ka soo jeediyey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo waxanuu sheegay in xukuumadii laga sugaayey hurumarka ay wax kale daayoo hagbadii dumarku ku xireen ay ka baxsan wayday , saxaafadii xidhi xidhaysa , dhalinyarada ayada ayaa tahriibka ugu waxan isaga oo arimahaas ha kadlanayana waxa uu yidhi

"Maanta dalkeenu marxaladda uu marayo ee uu taagan yahay waynu garanaynaa iyo waqtiga aynu joogno ee aynu u adkaysanay ee dadkii xilku ka saarnaa ee waajibku ahaa inay dalka doorasho u qabtaan ee ay ahayd inay dimuqraadiyadda hirgeliyaan ee ay ahayd inay horumarka dalka wax ka qabtaan oo ay caddaaladda sugaan, isla markaana dhalinyarta Badda isku guraysa ee mustaqbalkoodii lumay ay ahayd inay mustaqbal u samayso oo ay niyadda u dhisto iyo maamulkii iyo dawladdii aynu uga baahnayn inay dadka qanciso oo ay rejo u abuurto oo ay dunida ina dhaadhiciso, waa ta aynu maanta arkayno maalin walba dhalinyaro xisbiga Kulmiye ah ayay xaafad eryanaysaa oo ay Xabsiga u taxaabaysaa. Waa ta maalin walba xabbadda la dhacaysa, waa ta ay Saxaafaddii ka baxsan wayday, waa ta ay Hagbaddii (Lacagtii) yarayd ee ay Haweenku halkaa dhiganayeen ka baxsan wayday."

Sidoo kale waxa uu Siilaanyo ka hadladay arinti uu daraad ku kala daray Madaxweyne Riyaale gudidii cusbtaalka wayn ee Hargaysa taas oo uu sheegay in ay xilkoodii gudan waayeen, mir Siilaanyo oo arintaas ha hadlayaana waxa uu yidhi

"Waa ta maanta cusbatalkii Hargeysa ee aynu ogayn waqtigii dhalinyarta Hargeysa u gurman jireen ee dadku ay dhisi jireen ee halgankii SNM uu ka bilaabmay, waynu ognahay oo waa taa oo markii madaxtooyadii ka soo horjeedday cusbatalku ay wax u qaban wayday, guddidii, shacabkii iyo dadkii is-xil qaamay ee dibedda wax uga doontay ee dhaqaalaha dibedda uga soo ururisay ee maamulka wanaagsan u samaysay, waa ta dawladdii maanta ka takhalustay ee dhaqaatiirtii caanka ahaa ee dalka iyo umadda wax u qabanayay, waa kuwaa yidhi Shaqadii waanu idinka fadhiisinay,

Mar uu ka hadlaayey dhinaca nabad gelyada waxa uu sheegay "In badan waxa nala waydiiyaa oo ay xukuumaddu isku daydaa had iyo jeer in ay ka dhaadhiciso Umadda in xasilloonida iyo degannaanshaha dalku uu ku xidhan yahay maamulka maanta talada haya. Waa ogtihiin in ay maalin walba dad badan oo Xisbiga Kulmiye ah oo gobollo badan ka tirsan ay xidheen oo ay yidhaahdeen halkan ayay wax ku qarxinayeen oo dhibaato ayay wadeen. Nabadgelyada dadka iyo ilaalintiisa Xisbiga Kulmiye iyo shacabka ayaa cid walba uga lexe-jeclo badan oo ilaalinaya. Waxaanu in badan caddaynay in xasilloonida dalka, dimuqraadiyaddiisa iyo midnimadiisa aanu u ilaalinayno sidii aanu xornimadiisa u ilaalinaynay. Waxaanu ku kalsoonahay in aanu cod iyo ikhtiyaar shacabku leeyahay aanu ku qaadayno."

"Haddii Daahir Rayaale Kaahin iyo maamulkiisu ku kalsoon yihiin inay cod wax ku helayaan oo dadku taageero u hayaan, waxay maraysaa 7 sanno iyo badh inta Doorashadii la qaban waayay, waynu ognahay oo Dunida oo dhan baa isugu keen timi. Maanta Telefoonada ugu badan ee dibedda ka yimaadda waxaanu ka haynaa dadka Doorashadii ma dhacaysaa, goorma ayayse dhacaysaa? Waa qodobka kaliya ee lays waydiinayo. Anagu inta kaliya ee aanu dadka u sheegno iyo kalsoonida aanu ku abuurnaa waxa weeye, Doorashadii way dhacaysaa oo waqtigeedii ayay dhacaysaa, Dawladdana gacanta uguma jirto. Waxaanu leenahay oo aanu uga digaynaa Dawladda in aanay wax dambe oo musuq-maasuq ah oo dhibaato ah oo luggooyo ah ula iman geeddi-socodkaa Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka. Waxaynu maanta ku talo-galaynaa oo aynu sugaynaa oo dhegteenu u taagan tahay waa Guddida Doorashada oo inoo sheegta oo ku dhawaaqda maalinta ay Doorashadu dhici lahayd." Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay Axmed-Siilaanyo.

Sidoo kale waxaa isna goobtaasi ka hadlay gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub u fadhiyey degmada Maxamuud Haybe Axmed-Naasir Maxamed Xaashi (Naasir Caga-weyne) kaas oo iminka hormood u ahaa xubnahan xaflada loo qabtay waxanuu aad ugu mahad naqay madaxda xisbiga Kulmiye kuwaas oo uu sheegay in ay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen xisbiga , sidoo kale waxa uu sheegay in xisbigani yahay xisbigii dalka iyo dadkaba anfacaayey , waxaanuu balan qaaday ina y la shaqayn doonaan hiil iyo boobana la garab istaagi doonaan xisbiga.

Sidoo kale xubnihii madashaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Maxamed Muuse Abees ka tirsan madaxda xisbiga Kulmiye,Axmed X.Cali Cadame iyo xildhibaano ka socda golaha Wakiialda Somaliland.

Warqabadka Togaeherer

Hargasya

No comments: