29 March, 2010

Tacsi Marxuum Maxamed Xasan Mataan


Anigoo ku hadlaaya magaca ururka Somaliland Democracy Shield waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, walaalada, ehelka, qaraabada, iyo xigaalka uu ka geeriyoodey Marxuum Maxamed Xasan Mataan oo ku geeriyooday magaalada London, maanta oo Isniin ah 29/03/10.lagu aasi doono Magaalda Boorame oo loo qaaday.Waxaan tacsida u diray Soomaliland guud ahaan, si gaar ahna Gobalka Awdal ee uu ka soo jeeday, iyo xisbiga UDUB ee uu hawlwadeen uga ahaa UK.
Waxaan marxuumka Illaahay uga baryayaa inuu danbigiis dhaafo, kuna mannaysto jannatul fardows. Ehel iyo asxaabna waxaan leeyhay "samir iyo iimaan".

Axmed Carwo
Cardiff
U.K

No comments: