31 March, 2010

Siyaasadeynta Qadiyadda Dilkii Taliyaha Ciidanka 12aad ee qaranka, isla sidii loogu buquujiyey Mandheera tii Madaxda qaran iyo Mas'uuliintii Haatufbga!!




Qaddiyaddan oo mid qaran ah, ma aha wax laga aamusi karo laba sababood oo aad ugu muhiim ah Nabadgelyada qaranka iyo Dhameystirka Geeddi-socdka Siyaasadeed ee Dalka oo ku saleysan Doorasho xor ah oo Xalaal ah ,kana qabsoonta Dalka oo dhan si Nabadgelyo leh. Dilkan oo uu ku eedeysan yahay, Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Sool ee Madaxtooyadu, ilaa maalintii la qabtey , Wasiirrada Dawladdu Faraha kalamey bixin ee hadba raabo cusub ayaa tegayey Laas-Caanood. Intii ku soo siyaaratey Jeelkuna way sajalan tahay. Korneylka qaranka Difaaciisa ku jirey ee Korneylka Nabadsugiddu Miinada Hagahja meesha fog lagu qarxiyo ku kharajiyey, Waxa "Civil " Case marka hore ka dhigey, Maamulku burhaanteeda ha keeno!! Kiiskani waxa uu ahaa in Maxkamad Ciidan ay noqoto ta keliya ee xaq u lahayd iney qaaddo, marka laga hadlayo Sarkaal la diley iyo sarkaal loo haysto Dilkiisa, waayo waa arrin Ciidan, Asraaro qaran in ay gelisona baadhitaankeedu Shaki kuma jiro.
Maamulka Riyaale, Cadceedda Caddaaladda Baabacada gacanta kuma qarin karayo ee Ummadda Somaliland , Maaha inay sugto inta ay arrimuhu gacanta ka baxayaan ee Waa in ay Xumaha ka hor tagto ay dhibtiisu Dadweynaha dib ugu soo noqonyso!! Maamulku haddii uu isku qanciyey in jeelka Madheera ama dhismayaasha Dawladda ee ku dhaw uu caddaaladda ku buqoojiyo oo ay sidaa ku ku soconeyso, cabdo qalad xisaab, inay tahay ay ogaadaan weeye. Qadiyaddan iyo Tan Dambaska huwan ee Bardaale oo aan si labada Darafba ay ka raalli yihiin oo Caadil ah aan loo xallilin, inaan Doorasho gobolladaas ka dhaceyn xataa haddii Rangerska Mareykanka la geeyo , ma su'aal baa ka taagan? Dhigga Muwaadinku Gobolka uu doono ha ka tirsanaadee, ma aha mid la siyaasadeyn karo , Cawaaqib xumdeeduna , ma nooneyso mid la Mahadiyo.
Waa dhab in ay Dawladdu waraaqeheeda waxa ay doonto ku qoran karto. Haddiise aan Dadweynuhu ku qancin wxan ay qoreyso ama ku hadleyso, sow hl bcaad lgu liseyma noqoneyso?!! Majaro habaabinta Gal-Dacwadeedkan oo ha lagu helo ama ha lagu waayee ay xaq u leedahay maxkamad ciidan, Gacantan Rayidka ah ee saaxil laga soo amray, kooxda Xildhibaannada ah ee ila imika ku xoonsan Dacwaddanu , lagu ladho wasiirradii ka cag dhigi la'aa Laas-Caanood tan iyo Maalintii Dilku dhacay, oo muujinaya daneyn gar ah oo Madaxtooyadu ku danyneysey Gal Dacwadeedkan , waxa aan marnaba wax lagu qanci karo ahayn in arrintu ay sagaalka qof ee la horkeenay maxkamadda , Caddaaladduna waxa baabaco ay qarin karto ahayn ee haddii aan hadafku ahayn muran gelinta Doorasho ka dhacda Dalka, lama garan waayin in Gal Dacwadeedkanu yahay mid maxkamad Ciidan ee degdeg ha loo saxo , inta aan Bulshadu iyadu saxanin!! Arrinta khuurinysa ee Bardaalena ha la dhammeeyo inta aan Doorashadu soo gelin, haddii kale ma dhacayso doorasho xor h oo xlaalihi .
Waqti ay Puntland iyo Koox Odey-dhaqameedyo sawaaban oo Beelohooda inay dab sudhaan u muhaya , iyaga oo kaga aarsanaya diidmo hore loogu diidey weerar ay soo abaabuleen oo Ciidammada qaranku laba saacadood Gudohood ku soo qabteen Hogaannadii Ciidankaas watey, Markii dambana Madaxweynuhu ku sharfey reer Buughoodle odey dhaqmeedyo ka socdey oo uu saamaxaad madaxweyne ugu sii daayey,
Gobolna ugu Magacaabey Buuhoodle, Abaalkeedu aanu ahayn in Gobolka Bulshadiisu u Mudaaharaadaan wasiirka kalluumeysiga Puntland, kuna shegtan inay reer Puntland yihiin!!.
Aqoontu, waa amaano, Amaanaduna waa xil qoorta u sudhan qofka ay la taalo in uu sida ugu wanaagsanm u guto Xilkeeda. Maamulka waxaanu leenahay, Waran idinku soo noqonaya ha riddeynina, Cadceed aydaan calaacal gacmeed ku qarin karinna ka daaya buquujiska Madheera, oo Maxkamadda Ciidammada qaranka Galkeeda ku wareejiya , haddii aad Caddaalad ka hadleysaan, Bardaale Dambas ayey huwan tahay ee lama xallilin weli, waana hubaal arrintan oo aan dhab loo xallilin in aan doorsho xo0or hji k qbsoomeynin Gobollada Galeedka. Puntland iyo inta ay Doolarrada Budhcadnimada ku soo kireysato, waxay maleegayaan in ay weerark la sugan ila malinta Doorashada, waaxanu ka war haynaa oo keliya in aan dhawdhawdo caduur uba dhicin weli!! Musiibada Miisaaniyaddii qaranka ee sannadka 2010ka oo bishii Afraad aan weli la hor-keenin Baarlmanka iyo Lacagtii Maxjarka Berbera ee wasiirka Xannaanada Xoolaha ku maqneyds oo Maqan, qalloocinta Gal-dacwadeedkan la majaro habaabiyey , intuba wey iu il-jebinayaan!!
Caddaalad la helo oo qudha ayaa demin krta waxan oo Daruuro mugdi ah soo dul-xoonsan
Somaliland, waqtigan doorasho ee kala guurka ah. Allahayow xaqa iyo Nabadda nagu sug adigaa salaam ehe!!

Dr. Cali Cabdi Muxumed

No comments: