Madal Ilyartu is Qabatay oo Lagaga Oriyey Xoghayaha Guud ee UDUB iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Rayaale
Weedhihii gantaalaha ahaa ee Faysal Cali-waraabe iyo Dr. Xuseen Bulxan, firka nixii wasiiradda iyo Xoghayaha UDUB "Xaqbaan u leeyahay in la idhegaysto, waana la I dhegaysanayaa" Wasiirka ganacsiga Somaliland ".. anigu ama ooy leeya ama … ma qoladayadii Burco ayaa ku badan meesha qoladaasaa ooyda badan jirtaye" Wasiirka madaxtooyadda Somaliland Hargeysa (Jam)-Fagaare la isku arkay, ayaa marqudha oori iyo foodhi ku bilaabay wasiiro ka socda xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo xoghayaha guud ee xisbiga tallada haya ee UDUB, kadib markii ay damceen inay si gooni gooni ah uga jawaabaan hadalo ay madasha ka jeediyeen guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan. Wasiiradda lagu ooriyey oo kala ah wasiirka madaxtooyadda Md. Xasan Macallin iyo wasiirka ganacsiga Md. Abiib Xasan Filfil oo uu weheliyo xoghayaha guud ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, kuwaasi oo markii dadweynuhu ku foodhyeen doonayey inay ka jawaabaan hadalo falaadh ku noqday oo guddoomiyaha UCID iyo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ka jeediyeen madal ilyartu isqabatay oo ahayd xaflad xadhigga lagaga jarayey shirkadda isgaadhsiinta cusub ee SOMTEL oo shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Md. Faysal Cali-waraabe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in shirqoolo halis ahi ku socdaan Somaliland, isaga oo sheegay in qaybo ka mid ah Somaliland dad kale sheeganayan, waxaanu tusaale u soo qaatay Degmada Saylac oo dhawaan lagu caleemo saaray ugaaska beesha Ciisaha oo ay ka soo qaybgaleen ra'iisal-wasaaraha dalka Jabuuti, isaga oo xusay in wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo sallaadiinta reer Somaliland ee xafladaa ka qaybgalay lagu bahdiley Saylac. ""19 sannadood ayeynu Somaliland, Somaliland meelahaa ka lahayn, waxaan idiin sheegayaa maanta qaranimadeenii waxa lagu soo qaaday weerar, Waxaan taageerayaa Ugaaska Ciise iyo beesha Ciise, waqtigii halgankii Ugaaskii kan ka horreeyey ee beeshaasi xasuuqii Somaliland lagula kacay wuu ka hadlay gacana way ka gaysteen oo beeshaasi taariikh fiican ayey ku leedahay halgankii Somaliland, waanuna ku maamuusaynaa. Laakiin wixii Saylac maalintii dhawayd (waqtigii caleemo-saarka Ugaaska) ka dhacay waxay u eekayd iyadoo qaranimadii Saylac ee Somaliland la inala sheegtay, waxa yimi Ra'iisal-wasaare dal kale ka yimi, waxa joogay Wasiirka Daakhiligeena kumuu hortagin oo soo muu dhawayn, wax allaale wax baratakool ah oo uu wasiirkeenu ku lahaa may jirin, casuumadda caleemo-saarku waxay inooga timi Jabuuti, waxay ahayd in haddii dhulkeenii wax lagu qabanayo aynu innagu bixino casuumadda oo aynu baratakoolka yeelano." "Salaadiinta reer Somaliland waxaan uga digayaa, waar adeerayaalow ha horranina marka la yidhaa meel baa shir ka dhacayaa ee talo ku taga, sharaftiina ilaashada oo idinka oo wax wata oo dadka metalaya taga, haddii qolana hadho, qolana cararto sidii taa ka dhacday ayuun baa cidlo la idinka helayaa oo wax maamuus ah iyaguna may helin." "Soomaaliya maanta waxa laga wadaa arrin ah ha la dhiso, intii is-raaci kartaa ha is-raacdo, khariirado ayaa la samaystay, waxaana kii u horreeyey samaysay UNHCR, Ceerigaabo iyo Laascaanood waa la inaga jaray oo waxa la hoosgeeyey Garoowe, arrintaa dawladdeenu kamay hadal, waxaan tagay Wasaaradda Khaarajiga si aan u idhaa arrintaa maxaad uga hadliwaydeen, wasiirkii wuu maqnaa, ku-xigeenkii wuu maqnaa, kii cusbaa baa joogay [Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibada], kaana waxaan is idhi ninkani waxba lama socdo." "Waxaan idiin sheegayaa reer Somaliland-now, Somaliland aan ficil lahayn oo aan dawladda shaqaysa lahayni ma jirayso, dawladda maanta joogtaa way jirtaa magac laakiin ma shaqaynayso. Markaa walaalayaal doorashada aynu xoogga saarno, inta dawladdani joogtana ha shaqayso oo ha la toosiyo ee waxaanu leenahay dawladdii Somaliland-nay toos," ayuu yidhi; Faysal Cali-waraabe. Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cadillaahi Bulxan oo isaguna madasha la isku arkay hadal ka jeediyey, ayaa si qoto dheer uga sheekeeyey heerka cadaaladeed iyo garsoor ee ka jira Somaliland, waxaanu xusay in caddaalad-darro xumi ka soo gaadhay garsoorka Somaliland, waxaanu dadka shurakada ah ee is qabsada uga digay inay dacwadahooga ula tagaan maxkamadaha dalka ka jira, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; "Berigii ay dalka ka jireen labada shirkadood ee isgaadhsiinta ee SOLTELCO iyo STC, waxaan tagi jiray xarrumahoodii, markaan halkaa tego waxaan arki jiray dad fara badan oo dumar u badan telefoon sugaya amma dirsadaan qiimahuna waxa uu ahaa $2.75 dollar, labada shirkadoodna way u heshiiyeen. Markii aan arkay in aanay ka jabinay shacabka ayaan la hadlay kambanigaygii Washington, waxaan ku idhi in aan bilaabo war isgaadhsiin, sidaas ayaananu ku abaabulnay shirkad, waxaananu sheer wadagalnay, iyada halkaa wixii ka dhacay buug ayey ku qoran tahay oo ka warrami maayo. Waxa markii la yidhi ninkan dibedda ka yimi ee weliba bilaabay isgaadhsiin ee lacagtiina hoos innoogu dhigay oo gaadhsiiyey $0.80, halka markii hore laga qaadi jiray $2.75 doollar, waxaan idhi markii la isqabsaday aynu gaar u wadahadalno, waa la diiday oo waxa la tegay maxkamadda, waxaanu garyaqaankii yidhi; Bulxan siddeed ganacsato ah ayaa isugu tagee, hadduu gaadhi Grande ah iyo guri iga qabyo ah ii dhamaystirayo waan u dhammeynayaa oo isaga ayaa dacwada ku guuleysanaya, arrintaasna waan diiday oo abiil ayaan ka qaatay, maalin kale ayuu nin xafiiska iigu yimid oo igu yidhi toban qodob ayaa la isku haystaaye adigu mid ayaad leedahay, sagaalna iyagaa leh (qoladii isgaadhsiinta ee ay is hayeen) ee lacag maxaad haysaa, taanna waan diiday oo laba jeer ayey ii xukuntay Maxkamadda Sare, kadib ayaa aniga oo dalka ka maqan, ayaa si aan sharci ahayn shirkaddii ay dhismaheeda nagaga baxday $1.6 milyan ee doolar oo anigu aan ku lahaa $950,000 dollar ku lahaa, ayaa anigoo maqan lagu xaraashay $150,000 dollar. Aniga cilmi badan ayaa iiga soo kordhay isgaadhsiinta, markaa waxaan ku telinayaa in aanay maxkamad isla tegin hadii ay isqabtaan, si kale wax u xallista oo culimaa'udiinka iyo odayaasha ula tago." Hadaladaasi ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID iyo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ayaa si weyn uga cadhaysiiyey masuuliyiintii ka socday xukuumadda iyo xisbiga tallada haya ee UDUB, waxayna damceen inay ka jawaabaan dhalliilaha loo soo jeediyey xukuumadda iyo hannaanka garsoorka Somaliland, balse jawaabaha ay bixiyeen may mahadin oo waxa qaylo, buuq, foodhi iyo ori kala horyimi dadweynihii boqolaalka qof gaadhayey ee fadhiyey madasha, kuwaasi oo khajialaad iyo weji-gabax ku noqday wasiirada xukuumadda iyo xoghayaha guud ee UDUB. Wasiirka ganacsiga Somaliland Md. Abiib Xasan Filfil oo damcay inuu jawaab ka bixiyo dhalliilaha guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa u jeediyey garsoorka iyo tallooyinka uu ku bixiyey in haddii dadku is qabsadaan aanay maxkamadaha u tagin, ayey dadkii goobta ku sugnaa kala hortageen buuq iyo sawaxan ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan jawaabta wasiirka, isla markaana u taageersan yihiin tallada guddoomiyaha Jaamacadda, balse wasiirku arrintaa umuu joojin oo hadalkiisii ayuu sii watay, isaga oo markii buuqa iyo qaylada lagaga soo horjeeday joogsadan wayday ku tiraabay "Xaqbaan u leeyahay in la idhegaysto, waana la I dhegaysanayaa." Wasiirka Madaxtooyada Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin) oo isaguna markii uu mambarka hadalka soo istaagay damcay inuu ka jawaabo hadalada Faysal Cali-waraabe ku cambaareeyey xukuumadda madaxweyne Rayaale, ayaa isagana lagu qayliyey, iyada oo loo muujiyey in laga soo horjeedo jawaabtiisa ku socota Guddoomiyaha UCID. "Umaan kicin in aan cid u jawaabo oo siyaasad ka hadlo, waa goob dhaqaale, kelmad uun baan saxayaa xagga xukuumadda iyo Ugaaskii la boqray ah…" markii uu halka marinayo ayey dadkii ku bilaabeen buuq iyo qaylo xad dhaaf ah, arrintaasina waxay ku kaliftay inuu ka lumo majarihii hadalkiisu, isaga oo hadakii isaga dhex yaacay oo khajilsan ayey afkiisa ka soo baxeen weedho aan isku xidhiidhsanayn oo kala googo'ani, waxaanu ku tiraabay; ".. anigu ama ooy leeya ama … ma qoladayadii Burco ayaa ku badan meesha qoladaasaa ooyda badan jirtaye." Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray; "Xukuumaddu way oggaalatay Ugaasku inuu yimaado oo lagu boqro Saylac, nabadgelyadiisana waa la sugay, ciidanka Somaliland oo gaafwareegaya oo nabadgelyada sugaya ayaad telefishanada ka daawateen, ta Faysal oo keliya ka hadlimaayo ee joornaaladana waa lagu qorayey, arrintaa siyaasad cad ayey ka lahayd xukuumadda Somaliland, nabadgelyada innagaa sugnay, laba dal oo kale ayeynu ku soo dhawaynay, ummadda ka mid ah reer Somaliland oo aan shisheeye ahayn ayaa halkaas ku boqranaysay Ugaaskoodii, siyaasadna waanu ka ilaalinay wasiiradda waxa tagay oo keliya intii degaanka u dhalatay iyo wasiirka nabadgelyada oo keliya, wasiir kale kamuu qaybgelin, siyaasad in lala tago annagaa diidnay oo nidhi waa nin dhaqan si sharaf leh oo ammaan mudan ayey ku dhammaatay, cidii ka soo qaybgashay iyo dawladihii yimiba Somaliland way ku ammaanayaan." Xoghayaha guud ee UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa isagana lagu qaabiley buuq iyo sawaxan, kadin markii uu makarafoonka u qabsaday inuu u jawaabo Faysal Cali-waraabe iyo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, arrintaasi oo dadku ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan UDUB iyo xukuumadda Rayaale, isla markaana u taageersan yihiin xisbiyadda mucaaridka ah. Abwaanka weyn ee reer Somaliand Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-ganey) oo isaguna hadalo duur-xul siyaasadeed ah ka jeediyey xafladda xadhiga lagaga jaray shirka isgaadhsiinta SOMTEL, ayaa dadweynaha ugu baaqay inay wakhtiga doorashadda la gaadho iska hubsadaan cidda ay codkooda siinayaan, isla markaan dib u baadhaan diwaan-qorkooda si ay u kala gartaan cida wax u qabatay iyo kuwa kale. "Nimanyow danta gaarka ah waynu naqaanaa ama qof ha lahaado ama kooxi ha lahaatee ama ururro ha la haadaane, laakiin ma naqaano danta guud, danta guud haddii la waayana mid gaar jirimayso. Soomaalidu waxay tidhaahdaa inankaagu habeen keliya ayuu hiil kaaga baahan yahay oo waa habeenka aad hooyadii guursanayso, dalkanina maanta ayuu hiil inooga baahan yahay ee doorasho ayaa jirta Alle ha ka dhigo mid aan ceeb lahayne, waxaan leeyahay aynu xusuus qor yeelano oo waraaqaheena aynu hubsano, xilbaxnimada iyo cilmiga aynu sheeganaa yaanay noqon mid afka loogu dhacay oo adhaxda lagaga jabay. Nin baa beri Berbera la yidhi lacag qaado, markaasuu yidhi waar Berbera wax go' lagu qaado ka wayn, waxaannu leenahay gobonimadu wax halkaa (afka) la geliyo ka wayn," ayuu yidhi; Xasan Ganay. Maaha markii u horaysay ee masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbiga tallada haya ee UDUB laga qayliyo fagaarayaasha muxaafidka iyo mucaaridku isugu yimaadaan, balse waxa hore u dhacday in goobo munaasibado badan oo la isugu yimi lagaga ooriyey xukuumadda iyo xisbigeeda, waxaana ugu dambaysay xafladdii 20 February 2010 lagu qabtay fagaaraha beerta xoriyadda ee lagu xusayey maalinta dhallinyarada Somaliland oo lagu foodhyay xoghayaha guud ee xisbiga UDUB. |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
08 March, 2010
Madal Ilyartu is Qabatay oo Lagaga Oriyey Xoghayaha Guud ee UDUB iyo Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Rayaale
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment