Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye kuxigeenka golaha Wakiillada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in dib-u-dhac markale ku yimaada doorashada raagtay ee Madaxtooyadu uu dhibaato u horseedi karo Somaliland. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo uu shalay waraysi gaar ah la yeeshay Wargeyska Ogaal, waxa uu qiray inay jiraan waxyaabo gole ahaan laga filayay oo umaddii dooratay aanay u qaban, taasina ay ku timi cadaadis iyo caqabado Xukuumadda Madaxweyne Rayaale kala hortimi. Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana uu kaga hadlay shir uu dhowaan kaga qaybgalay dalka Ingiriiska, rejada bulshada Caalamka iyo dadka reer Somaliland ka qabaan doorashada Madaxtooyada, dacwada Maraykanka kaga socota Gen. Maxamed Cali Samatar iyo qodobo kale, waxa uu u dhacay sidan; S: Guddoomiye; ugu horayn bal faahfaahin naga sii ujeedada shirkii aad dhowaan kaga qaybgashay dalka Ingiriiska? Samaale: Sidaan marar horeba u sheegay, shirkaas oo aanu ka qaybgalay aniga iyo Xildhibaan Aadam Tarabi Oogle oo ah guddoomiyaha guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa, wuxuu ahaa shir ay lahaayeen Baarlamaanada wadamada Barwaaqo-sooranku (Common Wealth), wuxuuna ka dhacay caasimada Ingriiska ee London iyo magaalada Belfast ee dalka Ireland. Shirku wuxuu ahaa mid qiimo badan oo ay iskugu yimaadeen Baarlamaanada wadamo fara badan oo ay ka mid yihiin kuwa adduunka ugu waawayn oo uu dalka Ingiriisku ka mid yahay, kuwaasoo ay ka sodeen guddoomiyeyaasha ama guddoomiye kuxigeenada ama xildhibaano ka tirsan Baarlamaanada 44 dal ee shirkaa ka qaybgalay. Shirku wuxuu ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee loo qabto Baarlamaanada dalalka ku jira Barwaaqo-sooranka. Dabcan, Somaliland dal la ictiraafsan yahay maaha, kumana jirto wadamada Barwaaqo-sooranka, laakiin si rasmi ah baa loogu martiqaaday shirkaas, xidhiidh aynu la leenahay wadamo badan oo ku jira Common Wealth-ka awgeed, gaar ahaan dalka Ingiriiska, casuumada shirkaas ee lanagu martiqaadayna waxa u soo fidiyay Baarlamaanka Somaliland oo ku martiqaaday Afhayeenka Baarlamaanka Ingiriiska oo magaciisa la yidhaahdo John Bercow. Runtii John Bercow waa nin aad u jecel, hawlaha Somaliland-na aad ugu ololeeya. Shirkaasi wuxuu socday 31 January ilaa 6 February, wuxuuna ka socday magaalooyinka London iyo Belfast. Waxa lagaga hadlayay doorka Baarlamaanadu ku leeyihiin wadamadooda, gaar ahaan dhisida nabadgelyada, la-dagaalanka musuqmaasuqa, toosinta Xukuumaddaha, sugida Caddaalada wadamada ay Baarlamaanada u yihiin iyo guud ahaan waxyaabaha ay nabadgelyadu u baahan tahay ee la'aantood aanay nabadgelyo jiraynin. Runtii shir qiimo badan oo dad aqoonyahano ah la iskugu yeedhay buu ahaa, dadka khudbadaha jeedinayayna waxay ahaayeen kuwo la soo xulay. Sidoo kale, muddadaa waxa socday dood ku saabsan dhibaatooyinka dunida ka taagan, sababaha keena, sababaha keena in meelo badan oo dunida ka mid ah nabadgelyadeedu aad u hoosayso, sidii colaadaha loo damin lahaa iyo sidii nabadgelyada wadamada Afrika oo lagu tilmaanay in aanay nabadgelyadoodu lugo adag ku taagnayn loo adkayn lahaa, looguna adkayn lahaa waxyaabaha ay nabadgelyadaasi u baahan tahay. Shirku wuxuu culayska saarayay sida aanay nabadgelyadu uga maarmin Caddaalad oo haddii nabadgelyo la doonayo waa in marka horeba la helaa Caddaalad ay umaddi hesho oo cidda talada haysa, cidda xukumaysa, masuuliyiinta qaranku iyo guud ahaan umadduba waa inay Caddaalad heshaa, taas uun baana umaddana deeqi karta, nabadgelyada sugi karta. Waxa kale oo laga hadlayay siday nabadgelyadu ugu baahan tahay horumar oo haddii wadan horumari waayo, dhaqaalihii kor loo qaadi waayo oo dhaqaalaha wadankaa la curyaamiyo oo uu burburo ama dhaqaale adagba aanu yeelan, in nabadgelyadiisu noqonayso mid aan lugo adag u taagnayn oo si fudud ku burburaysa. Waxa kale oo aad looga hadlay wadamada Afrika ee qalalaasaha siyaasadeed ka taagan yahay ama colaaduhu ka taagan yihiin inta badan in sababteedu tahay masuuliyiinta wadamadaas oo wixii yaraa ee wadamadooda soo gelayay intay jeebado gaar ah ku shubtaan, umaddiina aan ula iman maamul wanaagsan iyo talo wanaagsan iyo hantidii umaddahaasi lahaayeen oo ay si gaar ah ugu takrifalaan – sidii loo dawayn lahaa, doorka Baarlamaanadu ka qaadan lahaayeen sixida iyo toosinta Xukuumaddahooda. Waxa kale oo laga hadlayay in nabadgelyadu u baahan tahay aqoon, in cilmigu nabadgelyada dhisaan, jahliga iyo aqoon-daraduna ay nabadgelyada iyo horumarka dumiyaan. Waxyaabaha aad hoosta looga xariiqay ee nabadgelyadu la'aantood aanay jirin waxa ka mid ahaa; Caddaalad, horumar, Dimoqraadiyadda, Saxaafadda madaxabanaan iyo sida loogu baahan yahay in loo helo Saxaafad xor ah oo si run ah u qorta waxyaabaha wadamadooda ka jira oo aan culays lagu saarin in amaan iyo sacab loo tumo kolba cidda talada haysa. Waxa kale oo shirka lagaga hadlay doorka haweenka iyo dhalinyaradu ka qaadan karaan horumarka wadamadooda iyo guud ahaan in umaddu isku tiirsato. S: Ma jirtaa madax ka mid ah kuwii shirka ka qaybgalay oo aad la kulanteen? Samaale: Intii shirku socday madax kala duwan baanu la kulanay oo aanu fursad isu helay in aanu kulano oo aanu kaftan iyo isbarashoba iswaydaarsano. Dadka aanu shirkaa isku baranay, aadkana ugu wadahadalay waxa ka mid ahaa; Guddoomiyaha ama Afhayeenka Baarlamaanka dalka Ingiriiska (House of Commons) John Bercow, kaasoo noo muujiyay sida uu Somaliland u taageersan yahay, uguna dedaalayo in Somaliland horumar gaadho. Waxyaabaha uu nalagu taliyay waxa ka mid ahaa; in Somaliland sumcadeeda aad loo ilaaliyo, in Somaliland laga ilaaliyo in mar kale doorashadu qabsoomi waydo, in masuuliyiinteedu horumarka wadanka aad ugu dedaalaan. Runtii martiqaadkan ka hor, wuxuu Baarlamaanka Somaliland hore ula soo sameeyay xidhiidho, talooyinka ugu soo gudbiyay. S: Marka aad eegto dareenka Qurbajooga reer Somaliland ee ku dhaqan UK ka qabaan arrimaha dalka ka taagan iyo doorashada, maxaa dareenkooda kaaga baxay oo aad nooga sheegi kartaa? Samaale: Runtii umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogtaba, waxay aad ugu heelan yihiin uguna halgamayaan sidii Somaliland horumar u gaadhi lahayd, ictiraafna u heli lahayd. Runtii kulamo badan oo aanu jaaliyaddaha Somaliland ee UK ku dhaqan la yeelanay ma jirin, laakiin kulan ama laba kooban baanu ka qaybgalay. Markaa guud ahaan dadka reer Somaliland waxay maanta aad u xiisaynayaan, una danaynayaan oo adduunka oo dhamina danaynayaa in si degdeg ah loo qabto doorashada Madaxtooyada Somaliland. Doorashadaas oo saddex jeer dib-u-dhacday, waxay shacbiga reer Somaliland ee dibaddaha jooga iyo Adduunka oo dhami u arkaan in dib-u-dhacaasi uuSomaliland dib-u-dhac u keentay. S: Masuuliyiinta ajaanibka ah ee aad kulanka la yeelateen, rejo intee le'eg bay ka qabaan in Somaliland doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo? Samaale: Somaliland in doorasho xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo Somaliland bay dani ugu jirtaa, marka cid kasta oo kale laga yimaado – taasoo Somaliland ka dhici waydaana waxay ku tahay burbur iyo baaba.' Markaa qof kasta oo Somaliland danaynayaa inuu arrintaa daacad ka noqdo ayaa la gudboon, waxaana dadka iyo dalkaba dantiisu tahay in doorasho wanaagsan oo xalaal ahi ay dhacdo. Waxa muhiim ah in aynu fahamno, waxa markii hore Somaliland loogu soo joogsanayay doorashooyinkii ay qabsatay bay ahayd, imika waxa looga durkayaa ee looga didayaa waa doorashadaa la qaban la'yahay iyo kursigaa la sii jeclaystay. Markaa waa in la taas la fahmo iyo in kursigu meerto yahay, qofka bani'aadamka ahna raad uun baa ka hadhee, raad wanaagsani inuu dhammaanteen inaga hadho ayaa wanaagsan – qofku shaqada iyo xilka uu hayo wuu ka tegayaa, adduunkana wuu ka tegayaa oo Qabri madow buu ka gelayaa, laakiin maxaad kala tagtay baa qiimo wayn leh. Waa in Somaliland wixii is xag-xagasho iyo xumaan u keenaya laga ilaaliyo, cidda wax wanaajin karta ee taladeedu ka go'aysaana waa cidda taladeeda ugu saraysa haysa. Taariikhaha hore iyo kuwa dhaw ee adduunku soo maray in wax lagu qaato weeye, sababtoo ah taariikhda waxa soo maray dad badan oo hoggaamiyeyaal ahaa baa oo wadamadooda magac wanaagsani intay ku yeesheen, haddana markii dambe magac-xumo kala tegay, si xun u dhintay oo si xun u tegay. Markaa waxa wanaagsan in taariikhahaa hore laftoodu cibro noqdaan, qofkuna wuxuu sharaf ku leeyahay iyadoo la jecel yahay inuu xukunka si wanaagsan u sii daayo. Markaa cid kasta oo umadda xil u haysaa inay dadka iyo dalka xeeriyo ayaa qurux badan. S: Guddoomiye; golaha Wakiilladu waxa uu xilka hayay muddo shan sannadood ku dhaw, markaa ma is leedahay wixii umadda reer Somaliland idiin soo dooratay waad u qabateen? Samaale: Runtii, qof waliba siduu isagu iskaga waramo maahee waa siday umaddu uga waranto. Anagu waxaanu nahay golihii Wakiillada Somaliland ee u horeeyay ee la soo doorto, waxyaabo badan oo goluhu umadda u qabtay oo la xusi karo oo taariikhdu xusi doontaa way jirtaa, dhaliilana goluhu wuu yeelan karaa waanu leeyahay. Waxaanu anigu qabaa in dhaliilaha ugu badan ee goluhu yeelan kartaa tahay cadaadis iyo dhibaatooyin kaga yimi Xukuumadda Somaliland oo sidii la rabay aan golaha ula shaqaynin, balse dagaal iyo xumaan kala hortagtay – ta ay tahaybana waxqabadka golaha iyo wixii dhaliilo ahba taariikhdaan u dayn doonaa oo wax badan ka odhan maayo. Laakiin, waxaan qabaa in Somaliland maanta ku amaanan tahay inay leedahay gole Wakiilo oo la soo doortay oo umadda metelaya oo dheelitir Xukuumadda u ah, inkastoo Xukuumaddu marar badan wixii goluhu xaq u lahaa ama go'aamo ah ee ka soo baxayay ay diidaysay, taas lafteeduna waa wax taariikhda geli doona. S: Way jireen murano badan oo gole ahaan Xukuumadda idiin dhexeeyay, imikana waxa muuqata in muran cusubi ka soo ifayo arrinta Miisaaniyadda qaranka oo muddo-dhaaftay xilligii la sii soo gudbin lahaa, taas maxaad ka odhan lahayd? Samaale: Maadaama ay guddi dhaqaale oo golaha u qaabilsan hawsha Miisaaniyaddu jirto, iyadana ayaan u dayn doonaa, waxaanan rejaynayaa in wada-shaqaynta Wasiirrada iyo guddiyaduna ay wanaagsanaadaan oo waajibka la isku leeyahay la isku ixtiraamo, waayo taas baa umadda iyo dalkaba u dan ah. S: Ugu dambayn, waxaad la socotaa in Maxkamadda Sare ee Maraykanku gacanta ku hayso dacwad ay muwaadiniin reer Somaliland ahi ku oogeen Gen. Maxamed Cali Samatar, markaa taas sideed u aragtaa? Samaale: Horta, qof kasta oo bani'aadam ah oo dambi galaba Illaahay baa la xisaabtami doonaa oo haddii qofka adduunka lagula xisaabtami waayo, aakhiro ayuu Illaahay kula xisaabtamayaa. Umadda reer Somalilnd dunuubtii laga galay iyo dadkii la xasuuqay, cid kasta oo dambi ka gashay ama Cali Samatar ha noqdo ama kuwa maanta Somaliland jooga ha noqoto ama cid kale oo meel kale joogta ha noqotee, Illaahay baa og oo la xisaabtami doona. Inta Illaahay ka sokaysa hadday suurtogasho oo meel qofka bani-aadamka ah lagula xisaabtami kartaa jirtana, qiimaheeda ayay leedahay oo taas lafteedu waxay dabar u tahay dambiyada kale ee umadda laga gelayo ayaa istaagaysa marka qofku dambi uu galay lagu Maxkamadeeyo. Way fiicnaan lahayd in Cali Samatar Maxkamaddaasi wuxuu galay intay ku xukunto ayay umad badani ku faraxdo oo umadda Soomaalidu meel kasta oo ay joogtaba ay ku faraxdo nin dambi galay oo dunida lagula dul xisaabtamayo, taasina waxay keeni lahayd in kuwo weli dambiyo gacanta kula sii jira oo shucuubta sii dhibayaa inay ka joogsadaan oo ay xasuustaan in maalin ay noqotaba lala xisaabtami doono. Runtii dambi wayn buu ahaa oo umad dhan buu gumaaday, waxaana xusid mudan in xilli hore sidaan idaacadda BBC-da ka dhegaystay uu Cali Samatar qirtay inuu isagu bixiyay amarkii lagu duqaynayay Hargeysa oo maba uu inkirin. Waxaan filayaa in xilliga uu arrintaa qiranayay inay ahayd xilli uu awood lahaa oo uu is lahaa lagula xisaabtami maayo. Haddii uu maanta Maxkamad horjoogo, Maxkamaddaasi inay si Caddaalad ah u qaado oo ninkaasi dambigii uu lahaa lagu qaadaa qiimo wayn bay umadda reer Somaliland iyo guud ahaan umadda Soomaalidaba u tahay, wayna fiicnaan lahayd in cid kasta oo dambi gashay lagula xisaabtamo. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
12 March, 2010
In doorasho xor iyo xalaal ahi dhici waydaa Somaliland bay burbur ku tahay, cid kastana…”
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment