12 March, 2010

Ciidamada Qaranka iyo Asluubta ee Laascaanood oo Rasaas isweydaarsaday iyo Wasiiro dhexdhexaadiyay

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirada Gaashaan-dhigga, Boosaha iyo gaadhsiinta iyo taliyaha Aagga bari ee Ciidanka Qaranka, ayaa dareen shaki ku gedaaman yahay oo soo kala dhex galay Ciidamada Qaranka iyo kuwa Asluubta Somaliland ee magaalada Laascaanood ka hawl galay sidii loo furdaamin lahaa.

Sida aanu ka soo xiganay Idaacadda Madaxa bannaan ee Horyaal oo Warkan baahisay, Ciidamada Asluubta ee ilaaliya Jeelka Magaalada Laascaanood iyo Ciidamada Qaranka Somaliland ee deegaankaas, ayaa shalay gelinkii hore Rasaas tacshiirad ah isweydaarsaday, ka dib markii ay Ciidamada Qaranku ka shakiyeen Albaabada Jeelkaas oo uu ku xidhan yihiin eedaysanayaasha loo haysto Dilkii Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka, kana mid yahay Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool la furay habeen hore saqdii dhexe, taasina ay keentay in shalay uu muran arrintaa la xidhiidhaa dhex maray labada Ciidan, isla markaana ay isku af-dhaafeen sababta loo furay Albaabka Jeelka waqti aan munaasib ahayn.

Warkani wuxuu intaa ku daray in Ciidamadan ay kala dhex galeen Wasiirada Gaashaandhigga iyo Boosaha oo dhawaanahanba socdaal ku joogay Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool iyo taliyaha Aagga bari ee Ciidamada Somaliland. isla markaana soo af-jaray khilaafka u dhaxeeyay dhinacyadan kala duwan.

Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa dusha kala socda dhaqdhaqaaqa Saldhigga magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ku xidhan yihiin eedaysanayaal loo haysto dilkii Taliyihii qaybta 12aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland oo sanadkii tegay Qarax lala beegsaday ugu geeriyooday magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu ka mid yahay Taliyihii Ciidanka SIrdoonka Somaliland ee gobolka Sool.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

 

No comments: