02 March, 2010

Dildillaacii Derbiga Asraarta ee Taliskii Hadhaaga Saraakiishii Nabadsugidda!!

Waxay warar Degdeg ahi sheegayaan saaka in ay Fiintu dhex Miraneyso , labadii isugu dhawaa Maamulkan. oo Amiinkii Sirta ee Hawlaha gaarka ah ee Madaxweyne Riyaale, ahna, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cawil Cali Ducaale, laga yaabo in xilka uu ku waayo khilaaf xooggan oo uu eedo ugu Xambaarshey Madaxweynaha isaga oo la sheegayo in uu ku eedeeyey in Lacagtii Dakhliga Maxjarka uu jeebka ku shubtey!! Miisaaniyaddii qarankuna u fadhido iyada!!

Weli wax war-saxaafadeed ahi kama soo bixin Madaxtooyada khilaafkan ka hadlaya, waxase warar xogogaal ahi sheegayaan in la filayo Daqiiqadaha soo socda in war-Saxaafadeed Xil ka qaadista Wasiirka Maaliyaddu soo baxo!! Haddii ay tani Rumowdana, Madaxweyne Riyaale sifo uu xilka ku hayn karo ma jireyso oo waxa bilaabmaya , so bixitaanka , asrtaaro sugan oo fadeexadaha Hoggaanka dalka si qotoma wax uga taabanaya. Taariikhdu waxay inna Bartey in Nickolai chessesko, nin kaga khatarsanaa xagga Nabadsugidda aanu jirin, aakhirkiina isla tabihii uu ku ugaadhsan jirey isagii ay galaafteen. Kooxdii hanti-boobka ku bahowdey, mar haddii ay bilowdey inay gambadho isu-qaataan, oo Wasiir Cawil ku Eedeeyey Riyaale in uu Lacagtii Maxjarka jeebka ku shubtey, xaqii Ummadda laga lunsadey ayuu Alle ugu bidhbidhinayaaye, ha loo fiirsado raad ururinta la isku tuurtuuri doono.

Hana u soo jeedaan Dalkooda. Ummaddu ha ka horjoogsato Ragii xilkalalka Dawladnimo hayey, dhoof ay Dalka dibadda uga baxaan, iyada oo aan lala xisaabtamin, ummadda hantideedana aan meel dhegin. Kuma Faraxsani waxan hordhaciisii bilaabmay oo nasiib-darro wixii aanu ka digeyney ilaa 2004tii , Ummadduna kildhiga madaxa kagala jirtey weeye. Waa nasiib-darro in Dal 8 Jaamicadood leh laga waayo resourceskii Cilmiga ahaa ee Ummadda uga digi lahaa cawaaqib xumooyinkii isa soo daba yaalley ee mar walba oo ay Doorasho timaaddaba , Maamulku abuurayey, tanna waxay uga socdaan, Xayd ma la illaaway!! Dr.Cali Cabdi Muxumed
.

No comments: