Mudane Yusuf Tallaabo , Wasiir-Ku-Xigeenka Caddaaladda ayaa ka dhawaajiyey in Dastuurka Dalku qabyo yahay, iyaguna ka wasaarad ahaan ay ka baqdeen inay isku furfuraan!! Qabyada Dastuurku yey u taalley inay dhammeystirto, Miyaanay Dawladda ahayn? Golihii Xildhibaannada ee la soo doortey, Bulshaduna awood Buuxda u siisay arrimaha Sharci-Dejintu sow kuwii hawl-galka ahaa. Indho adkaanta Maamulkan iyaga oo lagu dul-taaganyahay raqda ay ku fadhiyaan ,aanay waxba ku ahayn in ay yidhaahdaan, malaha wey kuula ekoonaatey ee maaha raqdani neefka aad dooneyso!! Hadalkan iyo Sharikadda Shiinaha ee Dumarka Taalooga leh wafdigeedu u badnaaba wey nala hadlayaan oo noo sheegayaan arami nagu soo maqan . Maamulka oo ogsoon mawqifka Dadweynaha reer Somaliland ka taagan yahay, ee Maalgashiga Shisheeyaha u hanqal taagaya weli iyada fadeexaddan Al-Jabiri ee Wasiir Idiris Haadka geed Waayey ka dhigtey aan la daboolin Furkeeda, waa Lax Dhukani Abaar moog!! Waqtigan Doorasho ee kala guurka Geeddi-Socodka Siyaasadeed ee Dalku ku dhammeystirmayo, waxaan arkayaa in Axmaqnimo ta ugu weyn rag malafsi bartey aanay ka waabineyn inay iskudey dambe ku qaadaan Habsami u socodka Hawlaha Doorasho, taas oo faraha ka bixin doonta haddi laysku dayo, Nabadgelyadii aynu quraaradda ka daawaneyney ee aynu labaatanka sano ku dul wareegeyney sida Bagwaanka Hindida!! Marxaladdanu maaha mid Jaahil ee Mas'uulka hadlaya, waxaanu ka codsaneynaa in uu ku hadlo , wax la taaban karo , xilka uu hayana u qalma in uu kaga xog-warramo. Waxaanu leenahay Xildhibaannada Ummaddu soo Dooratey, Waar afar heshiis ayaa Dawladdu Magaca Somaliland ku gashey, idinkuna Wakiilladii Bulshada ayaad ahaydeene, Maxaad noogaga warrami weydeen waxa ku qoran heshiisyadaas, illeyn toos ayey noo saameeyaane, Maxaa warbaahinta loogu Bandhjigi waayey illeyn waa Xaqiiqo rasmi noqotey oo ajnebi lala galay, wixii lagaga gafaana dib ugu soo noqonayo qaranka eh. Adduunka oo Tuulo-weyn ah maanta , Haddii Maamullada Mucangagga ahi wax qarsan jireen maanta Albaab qaldan ayey garaacayaan haddii ay is-yidhaahdaan sidiinnii ku wada!! sida aynu hordhaceedii aragney, ee arrimaha sharciga aan suuragalka ku ahaayn, beryahanba C.I.Dda Dalka lagu dabamarteynayey!! Mar labaad, Mamulka waxaanu ka codsaneynaa in aanu gallad moodin, ku dhiirashada xadhigyada aan sharciga waafaqsaneyn ee Muwaadiniinta sharafka leh lagu tacjadinayo xarunta C.I.Dda, hana yaqiinsadaan in Shicibku yahay awoodda dhabta ah ee Dawladnimo, Si aad u sahlanna Mawaaziintu isu beddeli karto!! Dastturku keligii qabyo Maaha ee Haykalka dhisme ee Dawladnimo, ayaamarka horeba qabya ah, Ciidammada Abaabulka saarkooda ayaa qabyo ah, Sugidda Xuduudaha ayaa qabyo ah, Mideynta Lacagaha Gudaha ka soda ayaa qabyo ah, kala xadeynta Gobolladii Riyaale ka horreeyey iyo Degmooyinka ayaa ka mid ah, kala xadeynta kuwan uu Ciirta ku seexshey iyo lix iyo tobnkooda Degmo ayaa usuushii sharciga waafaqsiin lahayd marka hore ay qabyo tahay, mar labaadka Miisaaniyadihii lagu hirgelin lahaa iyo dhismahoodii Maamul ayaa qabyo ah, Marka Maamul la leeyahay, Macnuhu maaha, been ma sheegi taqaan, Xaalad abuur iyo iska horkeen Bulsho ma awoodi karaa , ee waxa weeye Aqoon iyo aragti Hoggaamiye Gobol ama Degmo ma leeyahey. Sanaag bari maxaa maamulku uga jeestey ee Nin Hargeysa jooga looga dhigayaa mid uu Gobolku xasilan yahay iyada oo Maamul Puntland ka dhisan yahay? Miyaaney ahayn khiyaamo qaran, Marka Ummadda xaqiiqada ka jirta Gobolkaas laga qariyo!!? Haddii ay Ciidammadeennu fadhiistaan kaabada Xuduudda ee innaga iyo Maamulka Budhcad-Badeedda Puntland u dhexeeya, waxa hubaal ah in ay Gobollada Sool iyo Sanaag bari, Isirnimada uu Maamulkan ku shuqshuqeynayo uu ku illoobi lahaa, illeyn wadnaha yar uu ku shaqeynayo, ayaa gacanteennu gaadheysaa markaase, Waase arrin mafhuuma Ciyaarta yaxaasyadu inay xerarkeeda leedahay !! ya caku, ya caku!! Dr Cali Cabdi Muxumed. |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
09 March, 2010
Dawladdu maanta ayey leedahay Dastuurkeennu waa qabyo!! Waqti uu wasiir Hantidii Ummadda Xaabsadey, Miisaaniyaddii u fadhido!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment