09 March, 2010

Aqoonyahanad u dhalatay Somaliland oo la sheegay in xil Wasiirnimo looga magacaabayo Soomaaliya

Aqoonyahanad u dhalatay Somaliland oo la sheegay in xil Wasiirnimo looga magacaabayo Soomaaliya

Inkasta oo aanay Xukuumadda Soomaaliya iyo Ehlu-sunna midna aanay ka hadal arrintan, haddana siday sheegayaan Warar hordhac ah oo ka soo baxay saami-qaybsi la xidhiidha Dawladda Soomaaliya oo ay ku heshiiyeen Dawladda Shariifka Soomaaliya iyo Ururka Ehlu-sunna ee koonfurta Soomaaliya, ayaa sida uu qoray ee aanu ka soo xiganay Wargeyska Saxansaxo ee Hargeysa ka soo baxaa, waxa Uruka Ehlu-sunna uu xil Wasiirnimo oo ay qayb u heleen u dooran doonaan inay qabato Madaxa Telefishankii RAAD TV Marwo Foosiya Yuusuf X. Aadan Cilmi oo ah muwaadin ka soo jeeda Somaliland.

Warkani wuxuu intaa ku daray in masuuliyiinta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho loo gudbiyay Liiska Magacyo tiro badan oo ay ka mid tahay Foosiya X. Aadan Cilmi, hase yeeshee wali ma cadda go'aanka ay ka qaateen Masuuliyiinta Dawladda Shariifka ee Soomaaliya. Sidoo kale, Warkani wuxuu sheegay in inkasta oo ay Culimada Ehlu-sunna ka gaabsadeen in ay xaqiijiyaan Xilka loo magacaabi doono Foosiya, haddana ay sheegeen in ay Liiskaa ka mid tahay. Hase yeeshee, waxa la sheegay in la dalbaday in Foosiya laga dhigo Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya, hase ahaatee, ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ahi ka horjeesteen.

Si kastaba ha ahaatee, haddiiba ay dhacdo in Xilkaa loo magacaabo Foosiya X. Yuusuf, waxay noqonaysaa masuulkii labaad ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee qabta Xilka Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya intii ay dhisnayd Dawladda Shariif Sh. Axmed.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

No comments: