Abwaan Sangub oo Shaaca ka Qaaday Mowqifkiisa ku Waajahan Dacwadda ka Dhanka ah Cali Samatar Muxuu ka yidhi xasuuqii Hargeysa, madaxbannaanida Somaliland iyo ka uu taageersan yahay saddexda xisbi qaran? Jabuuti (Jam/Hornpress)- Abwaanka caanka ah ee Soomaaliyeed abwaan Maxamuud Cabadillaahi Ciise (Sangub), ayaa markii u horeysey ka waramey aragtidiisa ku wajahan sababaha uu u tagi waayey magaalada Hargeysa iyo fikirkiisa ku waajahan gooni isu taaga Somaliland. Abwaan Sangub magaaladda Saylac warbaahinta kula hadlay intii lagu guda jiray caleemo saarka Ugaaska beesha Ciisaha, ayaa ka hadlay siyaasada xisbiyada ku tartamaya hoggaaminta tallada Somaliland, isaga oo abwaanku faafaahin ka bixiyey arrin ku wajahan dacwada Cali-Samatar kaga socota dalka Mareykanka ee xasuuqii iyo burburintii Hargeysa ee 1988kii. Isaga oo Sangub iska difaacay eedaymo loo soo jeediyey oo ahaa inuu hore u yidhi hadalo reer Somaliland aad uga cadhoodeen oo 'Hargeysi wey muteysatey in laburburiyo' isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:. "Cali-Samatar anigu maan daaficin ,ee dacwadiisa intaan imid goobtii lagu qaadayey markaas oo uu ka hadlayey nin majeerteen ah oo lahaa anagaba waanala laayey oo Maxamed Cige iyo Canjeex iyo rag badan ayaa nalaayee maa la iska daayo Cali-Samatar ,kadibna nin gabooye ah oo Cumar Dhuule seedi u yahay ayaa yidhi raggii kale wey iska joogaane, anaga kaayaga qolo yaraan ayaa lagu eryanayaa, markaas ayaan fikir ka jeediyay halkaas,oo waxaan idhi 'waar wixii dhacey yaan la gocane waxbaa dhacey oo daadbaa ina qaadey ee siidhka yare ee soo hadhey yeynaa hada isdabar goynine oo aynaan yacdaasuun heynine Soomaalinimo aynu ku dhaafno oo qurbahan is weheshano, tiibaa wax laga soo saarey oo warbaahin kasta lagu qorey,oo qowdii kadhacey hadii la igu hayo waxaan idhi ragbaa duubayey,e miyay ii xil qarin lahaayeen sow codkeygii may sii daayeen, manin weyn ayaa odhanaya Hargeysa in lagubaa xaqbey aheyd, ninka duubayey Cabdisalalan Xaaji Aadan ayaa abti u ahaa,oo ina Buubaa ayay aheyd tii duubaysey iimay qariyeen hadaan hadalkaa idhaahdo." Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub) oo ka hadlayey qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland, waxa uu yidhi; "Horta Somaliland qadiyadeeda inaan ka hadlo aadbaan isaga dhowrayaa sababtoo, ah hadaan maraacsani idhaahdo waa khalad oo waxan faragaliyay ummad dhan oo dastuur leh oo guurti leh oo ciidamo leh oo madexweyne leh oo dadaaley, hadaan idhaa waan taageersanaheyna waxan filayaa in dad badan oo ka soo horjeeda kala go'a ayaa iqoonsanaya, laakiin hadaan wax ka idhaa Somaliland ummad weeye, ummadana xukunkii raaga oo dhanbaa ceebta u keena markaa xisbigan UDUB in badanbey soo hayeen Somaliland waxeyna, u baahan yihiin in laga nasiyo talada dalka, Faysal Cali Waraabena, waa nin mutacalin ah laakiin adduunku waxay wax u dhiibtaan nin waayo arag ah dalkana waayo arag uma aha dhowr goor oo uu hadleyna daris badan ayaa qoonsadey, anigu Axmed Siilaanyo ayaan taageersanahay waxaanan ku taageerayaa maamaah ayaa tidhaa 'Nin weyn bay haadi cuntaa' ninkani waa waayo arag waayo badan soo marey, gobanimadii ka soo qayb qaatey, SNM buu ahaa oo ku soo dagaalamay, wuu soo halgamey, raaxo kumuu imane dhib ayuu u soo maray, waxaanan qoonsadey waxyaabo badan oo aanu muteysan oo lagula kacay, beerta xoriyadaa laga joojiyay maqabato, islaantiisa oo shaqo heshay waalaga joojiyay, maxay tahay taasi, aniguna taageero weynbaan u ahay (qosol) ilkahaaga soo du lama yidhaa qofkee saddexda xisbi hadaan si kastaba u eego KULMIYE-yaan ahay, waayo-aragnimaanan ku raacsanahey, kolay qaarbaa ka hadlaya oo odhanaya Sangub maxaa galiyay, maxaa I galin waayey miyaanan dalka xaq ku laheyn, dadkana waxan ku waaninayaa in ay Siilaanyo raacaan oo KULMIYE siiyaan codkooda hada kadib waan ka hadli qofkii I xasardeeya waan xasardeyn." |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
08 March, 2010
Abwaan Sangub: Saddexda xisbi hadaan si kastaba u eego KULMIYE-yaan ahay......
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment