ABWAAN SANGUB OO CADEEYEY SABATA UU U TAGI WAAYEY HARGAYSA IN AY TAHAY SUAASHA " MAXAAD KA QABTAA GOONI ISUTAGA SOMALILAND"
Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise ( Sangub) oo waayadan dambe ku noolaa dalka Jabuuti ayaa sheegay hadii uu Hargaysa tago in suaal uu ka gabanaayo jawaabteeda la waydiinaayo taas oo ah maxaad ka qabtaa Jiritaanka Somaliland , taas oo uu suaasheeda ku macneeyey hadii uu yidhaa waxbana uu ka faquuqmaayo Somalidii kale hadii uu maya yidhaahdona ay isku dhacayaan dadkii Reer Somaliland , taas oo ay macnheedu yahay ama uu cadaysanaayo arintii lagu sheegayey ee ahayd in uu ka soo hor jeedo gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland , dalkaas oo u ahaa laf dhabar sugaantiisa iyo kobaciisaba.
Abwaanka ayaa waxaa waraysi la yeelatay BBC da mar uu ka soo qayb galay caleemo saarka Ugaaska Ciisaha ee ka dhacday magaalada Saylac taas oo laga waraystay halka uu baryahan ku dambeeyey ee uu ku noolyahay waxanuu sheegay abwaanku in uu iskaga soo cararay wadankii Maraykanka ee uu ku noolaa sabab uu sheegtay awgood waxaanuu sheegay in uu gabood ka dhigtay dalka Jabuuti .Sidoo kale mar uu ka waramaayey sababta uu Hargaysa u iman wayeyday waxa uu yidhi "Haragaysa waxaan u iman waayey hadii aad u timaado nin oo aad tidhaa wado bariis ma taqaan bal se aanuu garanayn oo ordaya oo xaydan ayaa soo galay magaaladii , maraka dhibaatoyin badan ayaa dalka soo martay , adunyada maradaa kugu gubatay ma maqashay , hadii uu qays kale i dhibaateeyo waan gabyi lahaa oo waan caayi lahaa bal adigu Aabahaa iyo Hooyadaa midna amaan midna cay"
Sidoo kale waxa uu Abwaanku ku cadeeyey hadalkiisa in aanu isagu aqoon sanayn Somaliland isaga oo hadalka sarbeeb u dhigaya waxa uu yidhi mar la waydiiyey sababta uu u tagiwaayey maadaam abwaanadii la midka ahaaba lagu soo dhaweeywa
"Nin yahaw sababta aan u tagi waayey ee aan diidanahay hadaan kuu sheego Somaliland waxay leedahay maamulka oo ciidankiisa leh oo shacigiisa leh , dastuurkiisa leh , dabeedna waxay i odhanayaan Somaliland gooni isu taageeda maxaad ka qabtaa hadan idhaa markaa waxbaan ka qabaa waan ka bixi beeshii hadaan idhaa ha goadana beeshii kale ayaan ka baxayaa markaa ciroole ayaan sidaa awgeed waxaan goostay in aan dadkaygaa midba meel ku dhaqaaleeyo oo aan iska asluubsado ee ugamaan joogin waxbaa lagu yeeli, Hargaysa markaan maqlo waxaan ka sugaa way xuntahay dabeedna waanu isk dilnaa ninka amaana waad fiican tahay ayaan idhaa , markaa Haragayi waa deegaanka la igu tiriyo ee abiti iyo seedi wax walba aanu isku nahay "
Sangub waxa kale oo uu sheegay in aabihii uun ka soo jeedo Daarood lakiin se dadkani ay abti ilaa ka awaw ka awaw isu yihiin oo xitaa digaankuna isku xidhiidhsan yahay , sidoo kale waxa uu carabka ku dhurtay in ay jiraan dhibaatooyin sidaa awgeed hadii aan wax idhaa in ay boogo badan ay damqayso sidaa awgeedna uu sheegay in uu u gabsaday .
Warqabadka togaherer
Haraysa
No comments:
Post a Comment