Somaliland waa dal soo maray marxalado kala duwan, laga soo bilaabo xiligii guumaystihii Ingiriiska, lamidawgii dawoladi somaliya, iyo lasoonoqoshadii madaxbannaanida. Somaliland marxaldahaa kala duwan ee ay soo mareen waxay umaddeedu dhaxal lama ilaawaan ah ka dhigtiin isku duubnida, ilaalinta nabad galyada iyo ku talaabsiga horomarka dalka iyo dadka taasi oo noqotay tilmaan wacan iyo muraayad laga daawado mustaqbalka Somaliland ee soo socda.

Taasina marka kowaad waxa mahadda iska leh Illaahay (SWT) iyo marka labaad shacbi wayenaha Somaliland qaybihisa kala duwan iyo mamulka noocyadisa kaladuwan ee waddanka Soo maray.


Walaalayaal inaga oo dhamaan ku amaanayna madaxdeena maamulka ino haysa sida hagar la'aanta ah ee ay halgan ugu jiraan sidii aan u gaadhi lahayen himiladeena iyo hadafkeena iyaga oo ay kamid yihiin madaxda dawlada, axsaabta qaranka goloyaasha umadda.
Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ku muujiyo aragtidayda ku waajahan in aan xal u helno dhibaatooyinka yar yar ee ina soo foodsaaray wakhti xadirka ah iyada oo dhammaan xalka umadda iyo wadankuba inoo dhex yahay cid gaarana aan lagu haleynaynin, oo yeelayna sidii horeba aan u dhamyesan jirray arimaheena in soo food saaraa .
Xalka waxaan u arakaa isbeddel ku yimaada maamulka haatan ee dalka sababahan awgood
1) In marar badan dib loo dhigay doorashadii oo aanay qabsoomin xiliyadii loogu talo galay. Taasina ay keeni karto in ay saamayn ku yeelato sumcadda iyo magacii Somaliland.
2) Muddo faro badan oo mamulkani haystay xukunka.
3) Xoriyadii oo luntay, ma jirto cid ka hadlaysaa dhibaatada haysata ama qofna ma muujin karo aragtidisa afkisan kuma hadli karo.
4) Sharaftii oo ay xukuumaddu kaqaaday golayaasha.
5) In ay luntay majarihii iyo jihadii loo socday, oo wareer bulshadii ku yimid.
6) Safarrada dibadda loogu baxo ee dawladdu ka dhigatay fasaxyo ama in ay dano gaara ka soo qabsdaan iyaga oo shacabku u haysto in ay ku maqnaayeen hawlo shaqo.
7) Maamulku waa ka gaabiyeey wixii ay umaddu ka sugaysay.
8) Hantidii umada oo noqotay meherad u furan nimanka xukuumadda ku jiraoo kaliya, kii maskiinka ahaana uu ka qatan yahay.
9) Arrimaha nabad galyada oo isa soo taraaya malinba malinta ka danbaysa.
10) Iyada oo mamulka aanu wax talo ah u soo bandhigin aqoon yahannada, siyaasiyinta kale, culimada, dhalinyartada, haweenka.oo aanay waxbaba ka qayb galinin, waxa u baahan in wax laga qabto oo ay iyagu isku koobaan hawsha mar walba.
In kasto ay jiraan dhalilo faro badan oo ay naan ku soo koobaynin halkan, oo lawada darimikaro. Mannta waa in aynu dhinac uga soo wada jidsanaa ilalinta dawladnimadina muxaafid iyo mucaaridba.
Haddaba xalku waa isbeddel ku yimaada maamulka dalka
Eng: Farhan Ahmed Mahamoud
Agaasimaha guud ee hayada MSFYA
Malta
No comments:
Post a Comment