Wasiirka Qorshaynta: Qowda Maqashii Waxna Ha u Qaban!! Cali Maxamed Ibraahim (Cali Sanyare) Wasiirka qorshaynta qaranka markaad maqasho waxa maskaxdaada ku soo halwanaysa Wasiir xirfadiisii ku habboonayd u haya qaranka. Waxa durba aad xasuusatay inuu yahay wasiirku nin in badan la soo shaqeeyay hay'adaha caalamiga ah, maadaama wasaaraddiisu tahay mid ku shaqo leh qorshaha hay'adaha caalamiga ah uga howl-galaan dalka waxaad shaki la'aan isku qancisay inuu si khibrad leh ugu tilmaamo baahidda ay dabooli karaan hay'aduhu ee kaga aadan dalkan Somaliland, isagoo kaashanaya waayo-aragnimada uu u leeyahay la shaqaynta hay'addaha caalamiga ah. Inahaas haddaan kuu sheegay waa gar inaad sidaa u fikirto, balse iswaydii maxaa ka run ah qorshayaasha wasiirku markasta saxaafadda u kulmiyo, in afka laga sheegana ku macaan. Meel fog ba ha ka doonin? Dhowr maalmood ka hor ayay ahayd markii uu Cali Sanyare shir jaraaid oo uu qabtay ku tiiq-tiisaday qorshe uu ku sheegay la xisaabtanka hay'adaha caalamiga oo sannadle ah. Wuxuu sheegay inuu hay'adahaas ku wargaliyay inay soo gudbiyaan sannad kasta qorshahooda waxqabad ee ay waddanka ka fuliyaan. Haddii aynu maskaxaha saliimka ah ka shaqaysiinno waxaynu ogaan karnaa marka laga hadlayo la xisaabtan inay leedahay qaab loo waajahi karo. Tusaale ahaan; wasiirku marka uu leeyahay sannadkastaa marka uu dhammaado hay'aduhu ha soo gudbiyaan wax qabadkooda, miyaanay ka habboonayn in Hay'adaha loo sheego inay soo horreysiiyaan mashaariicda sannadka soo socda u qorshaysan inay qaban doonaan iyo maaliyadda ay ugu talo galeen, isla sannadku marka uu dhammaadana lagula xisaabtamo waxa uga hirgalay qorshahoodii ay soo gudbiyeen iyo waxa u qabsoomi waayay sababahoodii. Waxa marag-ma-doonto ah in sannadkasta mashaariic badan oo ay hay'aduhu ugu talo galeen lacagtoodu dib-ugu noqoto Nairobi, wasiirka qorshayntuna isagoo og aanu taas ka hadal. Tu Kaloo ka Daran Baa Jirtee Aan Tilmaamo: Waxa la yidhi oodo dhacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa, Wasiirka Qorshayntu wuxuu marar kale ka hadlay in uu shaqayn doono sidii lahaa xakamayn lahaa shaqaalaha ajnabiga ah ee ka howlgala waddanka iyadoo la heli karo muwaadiiniin qaban kara xirfadda dalka kaga shaqeeyaan kuwan ajaanibka ahi, haba u badnaadeen shaqaalaha Kenyan-ka ah. Daah ma saarna in aqoonyahanno badan aynu leenahay, waxa tusaale kuugu filan jaamacado badan oo dalka ka unkamay inay sannadkasta ka soo baxaan dufcaddo aqoonyahanno ah oo dhallinyaro u badan, dhallintaasi muddooyin badan waxay ugu dhabar-adaygayeen siday cilmi, aqoon iyo xirfado shaqo u kasbadaan si ay uga howlgalaan hay'adaha caalamiga ah oo u muuqda wakhtigan shaqaalaha ugu dhaqaalaha roon marka loo eego kuwa hay'adaha dowliga ah ama gaarka loo leeyahay. Nasiib-darro barbaartaasi waxay ku hungoobeen hammigoodii markii shaqaalo ajnabi ahi ka qaadeen xirfadihii ay muddada badan ku soo tabcayeen, iyadoo kaga aqoon iyo cilmiba badan kuwa shisheeya. Wasiirka Qorshaynta oo waajib ka saarnaa u rumaynta hiigsiga dhallinteena aqoonta leh, xisaabtaba uguma jirto, shirkiisii jaraa'id ee uu maalinkii dhawayd qabtayna inuu ka hadlo ha joogtee afkuna kamuu xadin. Mar aan la kulmay dhallinyaro ay mushkiladaasi si toos ah u saamaysay oo ii xogwaramay waxay ii sheegeen iyagoo ah urur dhallinyaro farsamo yaqaano ah in mashruuc ay qaban kari lahaayeen loo dalbaday shaqaale Kenyan ah! Haddii aan ku boobay maxaad xukuumadda ugu caban waydeen waxay iigu jawaabeen in ay cabasho ugu tageen wasaaraddaha dowladda ee ay khusayso sida Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqada iyo tan Qorshaynta, halka wasaaradda shaqadu si fiican dhallintaas ugu hawlgaleen, nasiib-darrase waxa ishortaagay wasiirka qorshaynta oo si badheedha ugu dooday in wasaaradihii arrintaas ka hawlgalay in la joojiyo shaqaalaha ajnabiga ah kuwa qar jafaya amase qarda-jeexaya! Wasiirku qorshayntu wuxuu kaskii ku dooday haddii loo hiiliyo muwaadinka in hay'aduhu innaga cadhoonayaan. Xogtaa aan ka helay dhallinyartaas xukuumaddoodii hiil ka waayay waxay igu kalliftay su'aalo badan oo aan naftayda ku mashquuliyay! Mar waxaan idhaahdaa wasiirka qorshayntu la xisaabtanka af-gobaadsiga huwan miyaanay kamid ahayn xaqa dhallinteenan muwaadinka ah ee waliba aqoonta leh, wasiirku ma waxa uu illaaway in uu muwaadinka wax ku yahay xilkana u hayo "Nin walaalkii doorsaday Ilaah darajo siin waaye." Markale waxaan iswaydiiyay xukuumadda uu wasiirku ka tirsan yahay oo matala xisbiga UDUB miyaanay berri cod ka rabin dhallinyarta oo ka mida miisaanka u weyn bulsho-weynta Somaliland, marna waxaan idhaa maadaama Wasiirka Qorshayntu u soo shaqayn jiray hay'adaha caalamiga ah malaha waa safiir u fadhiya shisheeyaha dalkan kulana soo ballameen ilaalinta danahooda gaarka ah. Markii ay isku kay qaban waydey af-gobaadsiga wasiirka ee ah inuu dhallinta fursadaha shaqo ee ay qaban karaan uga howlgalayo iyo xaqiiqda biyo-kama dhibcaanka ah ee uu ku sifoobay waxaan ku suureyn lahaa wasiirka qorshaynta hiyi-kiciye caalami ah oo dhallinyaro badan oo ku xisaabtamaysa hadal tiro afka baarkiisa si sahlan uga dhawaaqo, isagoo aad moodo inuu qareen ama loyar u yahay shisheeyaha, taasoo ay isugu soo biyo-shubanayso qowda maqashii waxna ha u qaban!! Markaan ka imaad xashaashaqa naftayda saacado badan kula shawrayay, waxa nasiib darro ah Wasiirka Qorshaynta oo isku yaqaana inuu xukuumadda uu matalo uga aqoon badan yahay Hay'adaha caalamiga ficilladaas aynu sheegnay ay dhaqan u tahay, isla markaana uu ka faa'idaystay dhallinteenan huruda iyo dawaladda oo aan lahayn siyaasad cad oo lagu xakameeyo shaqaalaha ajaanibka ah. Halka aan waayay cid iga shaafisa meesha uu ku danbeeyay xeerkii xakamayn lahaa shaqaalaha ajaanibka ah oo horyaallay golayaasha qaranka. Ugu danbayntii waxaan ka digayaa khatarta ay leedahay aqoonyahanka muwaadinka ah ee da'da yar oo xaqiisii shisheeye ku naaloonayo, taasoo keentay in qaarbadan badaha ku halligmaan suurto-galna ay tahay kuwa yar ee soo hadhay inay ku fikiraan mushkiladaha casrigan innagu xeeran inay dan moodaan oo ay kamid tahay dhaqdhaqaaqyada diinta huwan ee gobolka saameeyay. Taasoo ay masuuliyadeeda dusha u ridan doonaan xukuumadda iyo intay khusayso, wakhti aan habboonayna la iswaydiin doono!! Qallinkii: Sacad Maxamuud Jibriil (Qaraami) , smahamodk@yahoo.com |
Jamhuuriya Online |
RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
07 February, 2010
Wasiirka Qorshaynta: Qowda Maqashii Waxna Ha u Qaban!!
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment