08 February, 2010

Dhanxiir iyo Abaarta

Dhanxiir iyo Abaarta

Maansha Allaah, Alleylehe xukuumadeenii waataa intay dadkii iyo duunyadiiba ka naxday qaylo dhaan adduun weynaha u weydiisay ee tidhi; 'Liibaana akhwaana abaaraa nagu habsaday oo bakhtigaa noo xalaale woxogaa qadaadiic ah nala soo gaadha baad iyo biyo aanu siisanee,' eesha calaa dawlad dheh, tallow maantana maxay odhan kuwii odhan jiray wuxuun baa la cunaaye dalka naxariis looma hayo.

Weger; adeer Illaahay ayaa qaniya oo dhuuni Aadame la weydiistay quud kuu noqon maayee, ta kale roob la'aantaba waxaa ka daran abaartan dhaqaale ee Rayaale iyo xertiisu dalka ku noqdeene, waxa dhaami lahayd iyaga oo yidhaahda dalkii sida diirta ayaanu feenanaye baaqiga naga badbaadiye intaanan is kaba raacin.



Jamhuuriya Online

No comments: