21 February, 2010

UDUB iyo Xukuumadda Rayaale oo Fadeexad iyo Guuldarro Siyaasadeed Kala Kulmay Fagaarihii Xuska Maalinta Dhallinyarada

UDUB iyo Xukuumadda Rayaale oo Fadeexad iyo Guuldarro Siyaasadeed Kala Kulmay Fagaarihii Xuska Maalinta Dhallinyarada

Daandaansigii Waqaf, Foodhidii iyo Orintii Xoghayaha UDUB, Farxaddii Axmed-Siilaanyo iyo Damqashadii Wasiirka

"Dhallinyarada waxaan leeyahay UDUB way tageysaaye ha tahriibinee jooga"

Waqaf

Hargeysa (Jam)- Xalfad ballaadhan oo lagu maamuusayey xuska sannad-guuradii 29aad ee ka soo wareegtay kacdoonkii dhagax-tuurka Hargeysa kala hortageen taliskii Siyaad Barre 20 February 1982, ayaa shalay lagu qabtay fagaaraha Beerta Xorriyadda ee caasimadda Hargeysa.

Xuska 20-ka February 1982-kii oo lagu asteeyey inay noqoto maalinta dhallinyarada Somaliland oo ay soo qabanqaabisay dalladda ururrada dhallinyarada ee SONYO, waxa ka qaybgalay wasiirro, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, xubno ka tirsan aqoonyahannada UFFO ee uu ka dhashay dhagax-tuurka ardayda ee 1982-kii, dhallinyaro iyo boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa.

Haseyeeshee, munaasibaddan oo ahayd mid loogu talogalay in lagaga hadlo dhibaatooyinka haysta dhallinyarada Somaliland iyo xusuusta waayihii qadhaadhaa ee lagala kulmay cadaadiskii taliska Afweyne, ayaa si lama filaan ah mar qudha isugu beddeshay gole siyaasadeed ay ku loollamaan axsaabta mucaaradka iyo xisbiga UDUB iyo xukuumadda.

Xiisadda ka aloosantay xafladda lagu xusayey 20 February oo ka abuurantay hadal duurxul ah oo uu Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga UCID Mr. Aadan Maxamed Mire (Waqaf) ku duray baylahda UDUB ee horumarka dhallinyarada, ayaa sababay fadeexad iyo guul-darro siyaasadeed soo wajahay Xoghayaha Guud ee xisbul-xaakimka talada haya Mr. Jaamac Yaasiin Faarax, kadib markii ay si lama filaan ah ugu foodhyeen boqollaal dadweyne ah oo xuska ka qaybgalay, kuwaas oo aan mar keliya foodhida kala jarin tan iyo intii uu wareejinayey marakafoonka hadlaka, balse arrintaas kama horjoogsan inuu dhammaysto khudbad nusa-saac socotay oo uu si geesinimo leh ugu difaacay xukuumadda xisbiga UDUB, isla markaana si dadban ugu weeraray mucaaradka madasha la fadhiyey ee duufaanka ku kiciyey.

Haseyeeshee, waxa orintii iyo foodhidii ka qaybgalayaasha xusku mar qudha isu rogtay sacab uu kala go' lahayn iyo mashxarad markii hadalka lagu soo dhoweeyey Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu farxad aannu fileyn kala hayday fagaaraha lagu maamuusayey maalinta dhallinyarada Somaliland.

Sidoo kale fadeexadda ku habsatay Xoghayaha Guud ee UDUB waxay saamayn weyn ku yeelatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Siciid Maxamed oo intii foodhidu socotay kursiga xamili la'aa, isla markaana aad looga dareemayey cabsi ka dhalatay guuldarrada siyaasadeed ee xukuumadda iyo xisbiga uu ka tirsan yahay madasha kala kulmeen. Laakiin, waxa uu markii dambe sakatigii haystay kaga xuubsiibtay hadal canaan huwan oo saddexda xisbi qaran oo sheegay inaan dhallinyaradu uga baahnayn yooyootan siyaasadeed aan waxtar5 lahayn, balse ka sugayaan hoggaamin ku jihaysan dhinaca horumarka.

Xafladda loogu dabbaaldegayey xuska sannad-guuradii 29aad ee ka soo wareegtay dhagax-tuurkii Hargeysa oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxa kale oo ka hadlay marwada Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, waxaanay ka warrantay muhiimadda dhallinyaradu u leeyihiin bulshooyinka caalamka iyo sida ay laga maarmaanka u tahay horumarintoodu, gaar ahaan garaadkooda ku jihaysan dhismaha mustaqbalka noloshooda.

Mujaahid Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi oo ka mid ah aqoonyahannadii UFFO ee uu ka dhashay kacdoonkii ardayda Hargeysa, kadib markii taliskii Siyaad Barre xabsiga taxaabay oo isna halkaa ka ahdlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababihii keenay dhagax-tuurkii 20 Feb 1982 iyo duruufihii qallafsanaa ee ay kala kulmeen xabsigii dheeraa ee maamulkii Afweyne kula kacay koox aqoonyahanno ah oo isu bahsatay inay aqoontooda iyo muruqooda ku horumariyaan adegyada bulshada ee magaaladooda, gaar ahaan Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud waxa uu ku eedeeyey xukuumadda iyo xisbiga UDUB inay ku guul-darreysteen oofinta ballankii sannadkii hore ay qaadeen inay maalinta dhallinyarada ka dhigaan maalin qaran, isla markaana ka gaabiyeen u hawlgalkeeda.

"Cid kasta oo reer Somaliland ahi way u baahtan tahay in la xuso maalintaa iyo taariikhda Somaliland oo ardayda iskuullada loogu dhigo oo manhajka lagu daro, maanta way joogaan. Hore waxa u ballanqaaday Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xoghayaha UDUB in maalintan laga dhigo maalin qaran oo dalku fasax ahaado oo qaranka gasha," ayuu yidhi Md. Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada SONYO Mr. Yaxye Maxmauud Ubaxle, ayaa faahfaahin ka bixiyey siday ku timi maalinta dhallinyarada oo uu tilmaamay inay tahay maalin qiimo gaar ah u leh da'yarta reer Somaliland, isagoo dhallinyarada ka wacyigeliyey dhibaatada tahriibka.

Intaa kadib markii hadalka loo wareejiyey xisbiyada siyaasadda ayaa waxa markeliya isbeddelay jewigii iyo majarihii munaasibaddu ku socotay, waxana halkaasi ka bilaabay hadallo xanaf leh oo ay isku weerarayeen masuuliyiinta axsaabta ee madasha ka hadlay, arrintaas oo sababtay in fadeexad iyo guuldarro siyaasadeed soo waajahdo xisbiga talada haya ee UDUB, kadib markii dadweynihii xuska ka qaybgalay oo u badnaa dhallinyaro si weyn ugu oriyeen, isla markaana foodhi iyo qaylo kala hortageen markii Xoghayaha Guud ee xisbigaas makarafoonka lagu wareejiyey.

Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga mucaaradka ee UCID Md. Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo isagu horseed ka ahaa bilowga hadallada xiisadda kiciyey, ayaa khudbad uu munaasibaddaas ka jeediyey waxa uu kaga warramay guuldarrooyinka xukuumadda talada haysaa dalka ku hayso, gaar ahaan dhallinyarada oo mustaqbalkoodu mugdi galay, taasina ay keentay inay tahriibaan oo badaha isku guraan.

"Maanta [shalay] oo ay 20-tan tahay February waa maalintii dhallinyaro reer Somaliland ah shafka u dhigeen kaarihii iyo xabbadii taliskii umul-dooxa ahaa ee dhagaxtuurka ka sameeyeen, waanna maalintii ay shideen shamacaa shidaya. Waxay ahayd maalintaasi ay tuseen dhallinyaradu in aannu qori ku haysan karin Siyaad Barre, waanay is-taahilaan in maalintaa la xuso oo la weyneeyo. Dhallinyaradu waa xoogga keliya ee halkankii hore iyo kan dambeba labadaba u darbadanaa, isla markaana ka midho-dhalin kara isbeddelka aynu doonayo. Dhallinyarada waxaan leeyahay UDUB way tageysaaye ha tahriibinee jooga, aniga oo u soo jeedinaya inay kala doortaan inay xisbiyada ku kala doortaan barnaamijyada siyaasadeed ee la soo bandhigo, waxaan leeyahay dhallinyaradu waa ahmiga ummaddeena, hirka nolosheena, waa hoyga cadowgeena."

Intaa kadibna waxa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax oo markii uu makaroonka gacanta saaray mar qudha fagaaraha Beerta Xorriyaddu isla oogsaday qaylo iyo foodhi isaga lagaga soo horjeeday, arrintaasi ay isku dayeen inay dejiyaan badan oo ka mid ahaa kuwii xafladda joogay iyo askartii booliska ee madasha joogay, iyagoo dhinaca barxadda dadweynuhu istaagaan ee fagaaraha ugu dareeray maslaxaad ay dhallinyarada ka baryayeen inay joojiyaan qaylada iyo foodhida, balse isku daygaasi wuxuu noqday mid ay ku guuldarraysteen oo fashilmay.

Haseyeeshee Xoghayaha Guud ee UDUB Jaamac Yaasiin Faarax isagu qayladaasi iyo foodhida lagala hortagay dheg-jalaq umuu siin ee wuxuu hadalo cadho badani ka muuqato ku weeraray mucaaradka oo uu sheegay inay dhallinyarada been u sheegaan.

"Maanta waxaan moodaayey in la xusuusanayo taariikhdaa caanka ah ee qaran, balse maan moodayn in laga dhigayo taariikh yooyootan laga sameeyo halkan mid been iyo riyo ah oo aan ognahay in aanay soconayn, lagaga dhowaaqo maan fileyn halkan ragga qaar u tartamaya madaxtinimada waxa ku hadlayaan, maaha in halkan lagu maaweeliyo dadka, waxaynu ognahay dhallinyaradu u baahan yihiin inla shaqaaleysiiyo, annaga og inay qiimehay dhallinyaradu leeyihiin."

"Annagu haddaanu nahay xisbiga UDUB waxaanu dhalinyarada u hirgelinay waxbarasho heer walba leh, laakiin ma aha in la maqlo dadka naxliga abuuraya ee bulshada isku diraya ee dhalinyarada niyad jabinaya ee leh baddaha isku gura waxba la idiinma hayee. Dhallinyarooy nabadgelyada dalka ciddii xumaynaysa ha dhegaysanina," ayuu yidhi Jaamac Yaasiin Faarax.

Jewiga madasha ee cakirnaa iyo foodhida lagaga soo horjeeday Xoghayaha Guud ee UDUB, ayaa mar qudha xaaladda u beddeshay sacab iyo mashxarad lagu soo dhaweeyo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo marka kadib hadalka lagu soo dhaweeyey, waxaana Guddoomiye Siilaanyo uu bilaabay inuu ka faa'iidaysto guuldarradaas siyaasadeed ee xisbiga UDUB fagaarahaasi ka soo waajahday.

"Maalinta 20-ka February waa maalin ku timi la dagaalkii dulmiga, maamul-xumada, caddaalad-darrada, ayaa halgan iyo xorreyn dheer oo loo soo maray caddaalad iyo dadnimo iyo qarannimadii oo la baabi'inayo, maantana taariikhda waa in aynu halkii oo kale ka joognaa tii oo kale, waxaanan dhallinyarada ugu baaqayaa inay taariikhda isbeddel ku sameeyaan.

Waxaynu ognahay siday xukuumaddu dhallinyarada ka yeeshay, intay qaar xidhxidhay, inay xabbad la dhacday, inta la xukumay bilaa maxkamad, una baahnin doorasho dambe oo dib u dhacda, mana aqbali doono doorasho dambe oo dib u dhacda ee waxaynu diyaar u nahay doorasho," ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in maamulka talada hayaa uu dalka caqabado badan ku hayo, halkii uu wax u qaban lahaa, waxaannu dhallinayrada ugu baaqay inay u diyaargaroobaan sidii ay isbeddel uga samayn lahaayeen dalka ee ay uga qaybqaadan lahaayeen sidii maamulkan talada looga wareeji lahaa.

"Maanta wax dalka iyo dadka dhisaya ka heli mayno xisbiga UDUB ee maanta jooga, waxaynu u diyaar nahay doorasho inaga raagtay iyo dimuqraadiyad la damcay in la beydhiyo oo wakhtigeedii dhexda lagaga dhego taa yeelimayno, nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo sharafteenaba inagaa ilaashanayna, qaab dimuqraadiyadda ah ayeynu ku beddelaynaa, maamulka maanta jira daaqada ayeynu ka saaraynaa."

"Haladii halkna ninkii ugu dambeeyey ee magaca meelaha ka soo dhacay lahaa [Xoghayaha UDUB] ka hadlayey, hadalada dhataqda ah ee ka soo yeedhayey waad maqlayseen ee aanay wax ay ku fadhiyeen jirin ee aan taariikh huwanayn ee waxba huwanayn," ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

Waxa kale oo munaasibaddaasi ka hadlay Boobe Yuusuf Ducaale, marwada Madaxweynihii Somaliland ee geeriyooday Maaxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Cismaan Awrliqe oo ka mid ah dhalinayaradii halgankii hubaysnaa ee SNM gashay, Mujaahidiin kale, haween ka mid ahaa dhalinyartii dhagax-tuurka iyo xubno kale.



Jamhuuriya Online

No comments: