21 February, 2010

Caddaan & MADOW,ABYAD WA ASWAD!!


Aqoontu Maaha wax dhayal layskaga indho-tiro,Waa xaqiiqo aan muhmal iyo Madmadow ku jirin oo toos u tabanaysa waayaha dhan walba ah ee Mujtamac, Cimilo, Caalam oo yaqiin ku dhisan. Waxa aynu ku soo jirney sidii uu Maamulkan Madaxweyne Riyaale talada Dalka u qabteyba , Muran, Argagaxiso, Qaraxyo Dilal , Xadhigyo siyaasadeed , waxyaabo ugub dalkan ku ah oo hantidii qaranka ee ma guuraanka ahayd ee ingiriiskii inooga tegey lagu xaraashey, Dantii Guud oo sariibado, Bakhaarradii inji iyo Dhul Dawladeedba leh ayaa iyana socdey, inta ay waxan oo dhammi dhacayeenna , Mas'uuliin, indheer-garato, odey-dhaqameedyo, waxgarad , iyo Ganacsatoba waynu wada daawaneyney, waanaynu maqleynney wararkooda!!
 
Waxan dhacayaa in ahaayeen aayihii Ummadda oo Dubbe-lagula dhexjiro in uu yahayna innagama maqneyn, waxa aan kala garan la'ahay, in aynu ummad la dhalan rogey noqonney iyo in dadkii dhulkan ku dhaqnan-jirey, wax dhintey, wx dhoofey iyo in aan toodaba ka badin noqdeen , dad kalena lagu beeray dalkii!! Siyaasiga Doonaya in uu Hogganka Dalka u tartamo uu qabto, waxa ugu yar ee laga filaa waxay ahayd in aanu ka jeedsan ,  Tallaabo sharci-darro ah oo Dalka Maamulkiisu ku kaco!!
 
Waxaan qabaa in waajibka ugu horreeya ee inna wada saarnaa ahaa , in uu Maamulku sugo xuduudagha Dalka oo dhulka aynu leenahay aan sinaba hadal u gelin, taas oo Maamulku Mas'uul uu ka ahaa, innagana xil innaga saarnaa in aynu ku daba joogno oo ku baraarujinno waqti walba, Sanaag-bari ilaa imika Dalkan Maamul ahaan wey uga maqan tahay, waana xilgudasho la'aan Maamul. Dalka Lixdiisii Gobol ee hore, oo aan la kala xadeyn, Lacagtii Gudaha Dalka ka socotey oo dhaw Gobolba lacag gooni ah isticmaasho, UDUB qarannimada ay ka hadleyso ee la dhegeysanayo, iyana yaab bay leedahay. Tallaabadan oo sida muuqata lagu kal firdhinanyey Dhaqaale-dhexaad oo Dalku yeesho, wax sanqadh ah  kamay sameyn kooxaha aan kor ku xusey.
 
Maanta oo Maamulkani saddex sano muddo-dhaaf ku yahay Xukunka Dalka, Kildhi Server la yidhaahdo ayaa ummadda Madax loogu ridey. Intii bani-aadmi la wada hadlayey dan ayey aheyde, maanta , in ka badan afar Malyan oo siomalilander ah ayaa Masiisrkoodii  la leyahay Makiinad ayaa ka arrimineysa!! ?? Wax rag ku heshiis yahay maba xuma ee Xisbigan Talada Dalka la kufey ee Udub dhexaadkii Madaxtooyada dhexda ku xidhey, diiddanna in uu akhristo sooyaalkiisa Guuldarro ee Doorasho dambe hungureynayaa, ma aan isdillo ayuu isla kuusayaa!!
 
Madaxweynaha Dalkani, waxa uu ku waayayo is-giijinta inuu si sharafle iskaga dego xukunka oo dhex-fadhiistey , ayaa ka badan waxa ka filayo in uu ku helo is-giijinta, waxaana ugu filan yaqiin  , socdaalkii uu Dalka ku soo marey Beelaha iyo Bannaan bixii lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga kulmiye ee Maamulkiisu amrey in aanu Dalka ku soo noqon karin oo ay Bulshadu Beenisey. Shuruuc la'aanta xumaha lagu muquunsanayo awood dawladeed oo aan rasmigeedu oollin,. bal qiyaasa sannadkan oo keliya inta ay Boolisku toogasho ku dileen muwaadiniin aan hubeyneyn!! Qorshe qaran la'aan shaqooyin Bulshada loogu abuuro, Shuruuc dhaqaale muujin la'aan, si loola socdo hantida ummadda iyo Hay'ad Hanti-dhawr ah oo xul ah, Mas'uuliyadaha qaranka loo hayo oo aan lagu xisaabtameyn, Maamulka oo Mas'uul waliba xafiiska uu hayo dhan ula jeestey, Xuduudihii Dalka oo aan sugneyn, labaatan sano  oo aan wadanku waraaqo aqoonsi lahayn bahal iyo Biddabana iska soo gelayeen, Maamulka oo lagu dhacay hortiisa ,Bulshada uu Mas'uulka ka yahay oo Mashruuc lacageed oo aan ruqsad lahayn iyo Xafiisyo midna lagu dhacay malaayiin Doolar, aqoontii iyo awooddii qaban lahaydna ay noqotey odey dhaqameedyada ku legdama Goleyaasha sharci-Dejinta!! Dalka iyada oo lixdii Gobol ee hore iniba lacag gooni ah u dabran tahay ,haddana uu Maamulkani lix Gobol oo kale iyo lix iyo toban Degmo oo Maalgelin iyo baahi qaran oo jirtey aan ku iman ee dano shakhsi ah oo cod kaga doon beelaha ah loo magacaabey!!
 
Yaa salaam, War Dalkii ma hanti qof u gaar ah ayuu noqdey, sidey u dhacdaa in woodaha qaranku ay isugu tagto Gacan keliya dal Ummad malaayuun ahi wada leedahay oo Dastuur iyo shuruuc shaqeyneysaa jirin. Maamulkan aan awoodin in uu wasiir ka mid ah wasiirradiisa oo qaldamay sharciga u hoggaansiiyo , laba baraara laguma aamini karo marka xilka qaran laga hadlayo. Waad ogeydeen oo Fadeexaddii dhoofka xoolaha , Tii shidaalka , Tii Macdanta ee shidaal Baadhista ahayd, Tii Warshadaha dabveysha noqdey ee Berbera , intaasba guntan ee haddana weliba xil loo cusbooneysiiyo doonaya, inuu dhukuran yahay oo uu dan Dalka iyo Muwaadinkaba Dhaafsan leeyahay ma shakkibaa ku jira?!!
 
Muwaadiniinta Somaliland waxaan leeyahay, Maamulka Curyaanka sitey Calanka kulmiye, garaaca aan raxmadda lahayn askartiisu isaga nasisay ee ay weliba ku xidheen saldhigga Booliska ee Wajaale oo jariimad ku aadamaha laga galo ugu xun ah in rag lixdoodii laxaad qabaa budhadh ku daran-doorriyaan qof naafo ah!! iyo Inantan Makhaayadda aan kaba fogeyn Wasaaradaha Maaliyadda & Arrimaha Gudaha ee Boolisku dhulka ugu tuurey sidey bakoorado, budhah iyo qori dabadii ugu wadeen debina looga dhigey, Calankii Kulmiye ayey Madaxa ku sidatey, Maaha tii Ummadan u adeegeysey ee waa mid ay wax wadaagaan qaar hore noo soo marey , sidii "Cancer"na, waa in loo jaro . Doorkan waa in ay laba mid noqoto, in aynu nahay Ummad iyadu xumaan ka samaysan oo aan samaha shuqulba ku lahayn , noqoneysana wax ku ugub ah Dalkan, iyo in aynu noqonno Ummaddii Miisaan dhexaadka u ahayd Bariga Afrika ee ka Haysey Dunida dad haddii ay Madax la kacaan, caalamku wareer iyo Nabad-gelyo darro la dawakhay!!
 
Maalintii aynu Gacanta qaadney sidii uu Daahu ugu go'ay Bariga Afrika, waa tan ilaa badihii Caalamka lagu waayey Nabadda!! Maskaxdii Ummaddan ka so0o dabbalsiisey Ummadda somaliland weli wey nooshahay ,waanay joogtaa, qoladan sida dhallaanka ummad soo jireen ah hadba riwaayad ula imaneysa,waxaanu leenahay, waar lama garaneysaane, ku xiiqde, Been la sheego oo idiin hadhey ma jirto ee si sharaf leh isga tiriya!! Ummaddu ha tashatee nabadgelyo iskaga dhaafa,waa caddii ay in yar oo dadnimo ahi idinku hadhey, kolleyba wad socotaane!!.
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 
 


No comments: