08 February, 2010

SHALAY IYO MAANTA: MAHADHOOYINKA WEEDHAHA SIYAASADEED EE WASIIRKA WARFAAFINTA AXMED X. DAAHIR.

SHALAY IYO MAANTA: MAHADHOOYINKA WEEDHAHA SIYAASADEED EE WASIIRKA WARFAAFINTA AXMED X. DAAHIR.

"Madaxweynuhu Waa Idinka Ninka Reer Awdal Ee Diidani Inaga Mid Maaha, Inoomana Qalmo"

"Injineeradii Idaacada Rakibi Lahaa Waxa Lagu Yidhi Hadaad Somaliland Tagtaan Waa Laydinku Dilayaa, Siilaanyo Faqashtii Wasiir Buu Ka Soo Ahaa"

Wasiirka Warfaafinta

Qormadeenan taxanaha ah ee shalay iyo maanta oo aanu idiinku soo gudbino weedhaha siyaasiyiinta ee mucaaridka iyo muxuufidka ay ka jeediyeen masraxyada siyaasada iyo saxaafada oo aanu daraasad ku soo samaynay siyaasi kastaa weedhaha uu ka yidhi mawduucyo siyaasadeed oo wakhtiyo kala fog uu ka yidhi madasha siyaasada, kaas oo qormadeenan ay si siman usoo bandhigi doonto mucaarid iyo muxaafid, qormadeenan 21-aad ee shalay iyo maanta waxaanu idiinku soo bandhigi doona  wasiirka  warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi iyo weedho uu ka yidhi masraxa siyaasada isagoo horana u soo qabtay jagada wasiirka Qorshaynta qaranka kaaso oo lagu badalay xiligaasi Axmed Xasan Caafi oo ay isku beel ka soo jeedaan wakhtigan xaadirka ahna ka mid ah xisbiga KULMIYE, wasiir Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo mudadii uu xilka wasaarada warfaafinta xilkeeda hayey  laga hayo balan qaadyo uu dhawr jeer ugu balan qaaday ummada idaacad cusub oo dalka la keenay horaantii sanadkii 2007-dii balse aan ilaa hada ka hawl galin dalka inay wada gaadho.

Laguna xanto dadweynaha dhexdiisa wasiir kiniin,

Hadaynu soo qaadano weedhihiisii siyaasadeed qaar ka mid oo uu ka kala jeediyey madalo kala duwan waxaa ka mid ahaa ololihii xiligii doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 14-ki April 2003-dii  Axmed Xaaji Daahir oo ahaa wasiirka qorshaynta oo khudbad ka jeedinayey fagaaraha khayriyada magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxaa ka mid ahaa weedhihiisii

reer Awdaloow madaxweynuhu waa idinka ninka reer Awdal ee diidaa muxuu doonayaa madaxweynuu haystaaye. Axmed Xaaji Daahir oo xiligii ololaha doorashada madaxtooyada khudbad u jeedinayey dadweyne ku dhaqan dagmada Baki ee gobalkaas Awdal ayaa waxa ka mid ahaa weedhihiisii Baki  2) Ninka reer Awdal ee madaxweyne ku xigeen isku soo sharaxa ee raadinayaa inaga mid maaha inoomana qalmo.

Axmed Xaaji Daahir oo mudadii loo magacaabay wasiirka warfaafinta horaantii 2007-dii ka hadlayey idaacada cusub ee la soo iibiyey dabayaaqadii 2006-dii ayaa waxa ka mid ahaa weedhihiisii "idaacada cusub ee la keenay waxay dalka si rasmiya u wada gaadhaysaa June 2007-da 4) fadhiga golaha guurtida oo uu hortagay dabayaaqadiisii 2007-dii waxna lagaga waydiiyey balanqaadyadii hawlgalinta idaacada iyo Injineeradii rakibi lahaa waxaa ka mid ahaa weedhihiisii wasiirka warfaafinta "injineeradii rakibi lahaa idaacada ee shirkadu inoo soo dirtay waxaa lagu yidhi hadaad somaliland tagtaan waa laydinku dilayaa arintaasi ayaa dibu dhaca keentay"

5) mar uu ka hadlayey wasiirka warfaafintu xafladii lagu furaayey  mawjada Fm-ta  idaacada  laanta afka somaliga ee lagu rakibay duleedka idaacada Radio Hargeysa waxa ka mid ahaa weedhihiisii uu madashaasi ka jeediyey "khilaafkii anaga iyo axsaabta mucaaridka naga dhexeeyey waanu ka heshiinay ee warbaahintu xaalad abuurka hanaga dayso "anaga iyo mucaaridku wax kale iskumaanu hayn ee waxaanu isku haynay kursiga anagaa fadhiisanayna iyo anagaa fadhiyeyna wax kale oo aanu isku hayney ma jirto"

7) bishii June 2007-dii mar uu ka hadyey golaha wakiilada waxa uu yidhi "xildhibaanada golaha wakiiladu waa dhuuni qaatayaal awrkiraalayaala"

8) wasiir Axmed Xaaji Daahir mar uu ka hadyey xiligii ololaha doorashada golaha wakiilada lagu jiray ee dalka ka qabsoontay 29-kii September 2005-tii oo uu ka hadlayey fagaaraha khayriyada magaalada Boorama bishii augst 2005-tii waxa ka mid ahaa hadaladiisii "reer Booramoow baarlamaanka ay mucaaridku ku bataan madaxweynahay cidhiidhi galiyaan ee u codeeya musharixiinta UDUB ka sharaxan si aan madaxweynaha cidhiidhi u galin mucaaridku"

9) wasiirka warfaafintu warsi xaafadeed uu soo saaray badhhtamihii bishii hore ee January 2010 –ka waxa ka mid ahaa weedhihiisii "waayo cida aan faqash soo ahayni, Siilaanyo wasiirbuu ka soo ahaa, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahina saraakiil sarsare ayey ka soo ahaayeen cid aan faqashtii xil ka qabani ma jirin"

10) bishii May 2009-kii mar uu la hadlayey musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Maxamed Rashiid Sh. Xasan waxaa ka mid ahaa weedhihiisii uu ku duray wasiirka warfaafintu "gobolkasta way ka soo jeedaan koox dhuuni qaatayaala oo Maxamed Rashiid oo kale ahi oo shacabka qalbi jabiya"

11) waa la ogyahay in hay'ado ka soo horjeeda Somaliland ay kaa danbeeyaan oo aad kula soo shirtay magaalada Nairobi ee Kuula taniye iskaga tag"

12) badhtamihii sanadkii 2007-dii mar uu ka hadlayey wasiirka warfaafintu fadhiga golaha guurtida waxa ka mid ahaa weedhihiisii "caalamka laguma arag xeer saxaafadeed aan ciqaab lahayn, xeer cusub oo sexaafadeed oo ciqaab leh ayaanu soo samaynay waana laydin hor keeni doonaa"

Haatuf

No comments: