Xanuunka Dalkan haya oo aynu ku sheegney shuruucdii iyo Dastuurkii oo Magacyo uun ka hadheen, marka uu mamulku muraad leeyahayna jira, marka sidii shimbirtii dheregtey ee Nebiga ( SCW) ku tidhi rasuul Allow sideydii ma idhaahdaa? Yacnii , Baalasha ma ku kala firdhiyaa intii soo hadhey !! ay dhaqaalaha yar ee soo gala marka ay kala firdhinayaanna, ay labaduba fasaxa galaan!!
Wasiirkii Xannaanada Xoolaha, luqmatul xajar ayey ku noqotey, lacagtii $7.5 neefkii dhoofeyba lagaga qaadey xajkii dhawaa, maxjarka Berbera , lagana waayey juwannadii Dakhliga dawladda iyo Bangiga dhexe ee qaranka,Wasiirka Maaliyadduna uu sheegey Guddi hoosaadka Golaha Xildhibaannada in uu lacagtaas mas'uul ka yahay Dr. Idiris, Wasiirka Xannaanada Xooluhu oo aanay maaliyadda lacagtaasi soo gaadhin !!
Waxa maqan ruuxii caddaaladda iyo Haybaddii Hoggaamiye ee Dalka. Goorma ayaa Wasiir Hantidii ummadda noo sheeg halkey martey laga baryi jirey!!? Waa xil uu dhaar ku marey in uu sida ugu habboon u gadanayo, waana wax uu ogaa inay ummadi leedahay. In ay Dalkan Riwaayadi ku socoto, Hoggamiyihii Dalka oo casimadda jooga, ayuu Wasiirkani Dastuurkii, shuruucdii Dalka iyo karamadii Hoggamiyaha aanu waxba iskaga tirinne eega!!? Saddex Daraf oo wada socda sideennaa, oo ay laba wada socoto sidoodaas, midina keli socdo sideennaa,haddii ay sanka isla galaan sideennan, sharcigii kala saari lahaa seexdey siduu yahay, bal suuree adiguba sidey noqon?!!
Waqtiyada Doorasho, sidii ardey qaflad waqtigu ku dhaafey oo maalintii imtixaanka uun hambaabirey, Maamulka aan sii qorsheyn Muddada uu xilka ummadda u hayo, sida kan maanta ayuu gabgableynta fal-kasta oo Dalka ka dhaca uga dhex Muuqdaa. Somaliland waxay fuushan tahay , markaab uu kabtan ka yahay, kii la weydiiyey "Peac Corps ma idiin yimaaddeen?" ee ku jawaabey, "Annaga kabadhada ayeyba noogu jiraan!!" oo kale, Waxba yaan hollinnin, layma sheegi karo waxba, qofkii ila hadlaana wuu saqiiri !!" Waxa isu keen keenay waa waxa aynu wada leenahay oo sidii aynu ugu heshiiska ahayn aan loo wadin ee maaha wax shakhsi ah, iyana waa innagu sandulle in aynu si mas'uuliyad iyo is-dhegeysi leh uga wada hadallo, haddii kale Mrkabka ayaa inaga degaya sidii qaar horeba u degeen!!
Guddiga qaran ee la sheegey in loo xilsaarey la dagallaanka tahriibta iyo fadhiidnimada dhallintu, waa masruuc doorsho oo aan dabadeed la hdal hayn doonin, iyada oo aan asaasyadii Mashruucani jirin ila hadda, sow "shaimbirayahaw heesa" maaha !!. Yaakhii, marka aad dooneysaan inaad Guddi qaran samaysaan waxa ugu horraan mudan in aad samaysaan Siyaasadda laga leeyhay Guddigan, oo tafaasil laga bixiyoo,sababta keentey, wxa uu yahay xilkoodu, waddadee loo marayaa, miisaniyadda ay ku kacayaan qaranka, iyo natiijada laga filayo inay ka dhalato. Intan marka laga bogto, wa in laga sharciyeeyo Goleyaasha sharci-Dejinta. Runta marka lagu hadlayo, Guddigan magacowgoodu waa hawlihii heesta maqashii ,waxna haw qaban ee where are the laws?? si fallaganimada Wasiirka xannaanada xoolaha loogu run sheego, hantida ummaddu in anay cayaar ahayn!!
In aan cidina ka sarreyn karin Qawaaniinta iyo Dastuurka Dalka , Darajo kasta uu leeyahay!!
Waddooyinka laamiga ah ee Bulshada Degmada Axmed Dhagax ee Caasimaddu gudo iyo Dibadba isugu habar wacdeen ee ay kharashkooda bixiyeen, Dawladda hoose ee Caasimaddu sidey u sheegatey fulinteeda, waa caadada Mas'uuliinta dalka maanta ee wax dad qabsadey, ama Hay'adi qabatey, isku shaambadeeya iyagu !! Wuu mahadsan yahay muwaadin kasta oo ka hawl-galey wddooyinka bilicda Caasimaddu, waana adeeg joogto ah oo ummaddu wada leedahay.
Dr. Cali Cabdi Muxumed
No comments:
Post a Comment