RESOURCE CENTRE OF DEMOCRACY, GOOD GOVERNANCE,TRANSPARENCY,ACCOUNTABILITY,AND HUMAN RIGHTS FOR EMERGING DEMOCRACIES IN THE HORN OF AFRICA AND THE MIDDLE EAST. THE BLOG IS TRI-LINGUAL: ENGLISH, SOMALI AND ARABIC. There is no democracy without effective opposition. And there is no effective opposition without free and independent media. CONTACT: samotalis@gmail.com
24 February, 2010
Madaxweyne-Ku-Xigeenka Dalku ,Duco ayuu innaga istaahilaa, Caafimaad sareecan ah Alle a siiyo, Udubta Is-beddel doonka ahina,Waddaninimo,& Aqoonsi Walaalnimo ayey Muteysatey
Sida aynu wada ognahayba , waxa Dalka fransiiska, cisbitaal u jiifey Madaxweyne-ku Xigeenkii Dalkeenna , Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin. Inkasta oo mar ay ina soo gaadhey xanuunkiisu inuu cuslaadey haddana , waa Alle mahaddii ee Xaaladdisu wey ka soo rayneysaa, Allena waxaynu uga baryeynaa in uu Caafimaad sareecan ah siiyo. Waxa ayaamahanba dhuxdhuxda goobaha siyaasadda laga maqlayey, lagan arkayey, fukucleyn ay Mas'uuliinta qarkood ku quud-darreynayeen in ay qarsoodi ku sii meel-marsadaan , haddii ay jagadanu sidan sii ahaato, iyaga oo sida la sheegey gabbood ka dhiganaya Qodobka 86 ee Dastuur beri hore ay Madaxtooydu Cagta saartey!! oo Dr. Idiris, Wasiirka Xannaanada Xooluhu kubad ka dhigtey, Markuu diidey in uu hortago Guddiga dhaqaalaha ee Golaha wakiillada ay ummaddu sida xorta ah ugu dooratey , ilaalita iyo sameynta shuruucda Dalka.
Ragga meesha la duduucayo oo loo doonayo salaad aan waqtigedii jooginba, waxay aragti fiicn ka bixineysaa, inta aynu Talada u dhiibanney inay xerada insaaniyddaba, dibadda ka yihiin !! Sidee Damiirka Dad Mas'uuliin ah, uu Xanuunka Sariired ee Mas'uulkii labaad ee Dalka, naftoodu u siin karta isagii oo nool iney u kala baratamaan jagiidisa!!?
Dadka sidan ay Raxmaddu taksiga uga raacdey, ee Walaalkood sidan ula dhaqmay, ma maato iyo shicib jilicsan ayey inay daadeheeyaan laga sugayaa!!? Madaxweyne Daahir Rayaalena kuwa sumcadda ka diley waa kooxda sidan Manhajkoodu yahay. Fadhiid kasta ha ahaado, waayo aragnimo Maamul Rayid ahi ha ku yaraato, Kooxda la shaqeysaa noocan ha ahaato, waxa "Cretic iyo Saaxiibba aan laysku khilaafeyn in uu akhlaq wanaag leeyahay, khaladaadka Maamulkana intooda badan ay dano-Xeerin uga hoosaan ama loo marsiiyo, afkiisana uu ka sheegey mar la waydiiyey, Dawladdii Tirada yareyd ee Tayada Badnyd ee uu khayriyada ummadda uga ballan qaadey 18kii May, 2004tii, isaga oo yidhi,waa lagu kallifey!! Wanaagga akhlaaqeed ee uu leeyahay haddii ay Dalka iyo Bulshadiisuba ku lumayaan, ka-dhursugid, go'aan- qaadasho iyo qurux haween, midna ma laha
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Waa bogsanayaa idamka Ilaahay, dhakhsona wuu ugu soo noqonayaa Dalka, Ragga ay Cimaamaduhu kaga dhaceen kamiinka ay ka muujiyeen arrinkan, raganimadaa ay ku qamaameen haddii ay u yeelan waayaan inay si dhawrsan ay xilka isaga casilan, ha u diyaar garoobaan in heeso iyo Gabayaba ay ku soo bixi doonaan.
Maaha dhaqan uu Dalkani Leeyaghay in waalaal xanuunsadey isagii oo xay ah , rag u soo xarragoodaan Mansabkiisa!! waar apptite wanaagsanaa!!
Waxa bogaadin, ixtiraam iyo hambalyo Waddaninimo mudan , Madaxda iyo Dhallinta Doonidan UDUB ee ay Biyuhu afka hore ka soo galeen , ka goostey Life-Boatska. Runtii aan kala Mabda' ahaanno xisbi ahaan, waxayse muujiyeen in Dalku yahay lama garacaan oo Haddii Siyaasadda Xisbiga ay ahaayeen ku qalloocatey Jiritaankii iyo u adeeggii Dalkan iyo Bulshadiisa, ay aqoonsadeen in ay Magacii xisbigooda iyaga oo Huwan ay haddana ka diga rogtaan, Maamulka imika xisbigaa hoggaaminaya, Jiritaanka iyo Horumarka Somalilandna aanay weligood cidnaba u daba fadhiisanayn!! Waa rag aqoon iyo qawmiyadnimo halkaa ugu baxay , waana walaalahayo dhab ah, ha noolaadaan, ayaanu leenahay, wanaa sida waddanimada runta ahi !!. Waxaanu ka mideysannahay oo naga wada go'an in aanu Dawlad Dhab ah oo aan Magac ahayn, Dalka iyo Bulshadana u adeegta , Adduunkana sumcad wacan ku yeelata aanu dhisno!! Dastuurka, Shuruucda iyo Xilaka mas'uuliyadedna lagu xisaabtamo, ka muteysta abaalgudna la siiyo, ka ummadda dib u jiidayana loogta jiheeyo.
Allahayow inta wax toosisa ee aan wax gembiyin naga yeel, inta samo ka talisa ee aan xumaan isu garabsan, inta waxay Aqoon iyo Dadnimo ay leeyihiin Dalkooda iyo Ummaddooda hagar la'aan ugu celisa iyaga oo aan cidna abaal kaga sugeyn, kana dooneyn, kaaga ahayn naga yeel . Allahayow inta xumahooda aragta ee aan xumaha walaalahood arkin naga yeel, inta haddey shaqeynayaan, hurdaan , ama sare fadhiyaan aanu Dikrigaagu carrabkooda ka dhammaan naga yeel. Allahayow, nagu saacid dibugu noqoshada Dhaqankayagii iyo Diintayaadii aad noogu soo dhiibtey sayid Al Mursaliin, Nebi Maxamed , Sallallahu Caleyhi Wasallam, sidan aanu nahay maanta sinaba maaha'e Allow ha noo rumeyn mukurradaada, Allahayow ,Waxaanuu kaaga magan nahay, Cimi aan Intifaac lahayn, Duco aanad aqbalayn, iyo Calool aan dheregga aqoon!! Aan khatimo ee Al-xamdu lillahi rabbil caalamiin.
Dr. Cali Cabdi Muxumed.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment