Baaqa Somaliland
Hogaamiyayaasha Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, ayaa ku biiray dhinaca Soomaaliya oo laga soo jeediyay baaqyo lagaga dalbanayo burcad badeeda in ay sii daayaan lamaanaha British-ka ee lagu haysto Soomaaliya.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan, Axmed Maxamed Diiriye {nac-nac} oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta golahaasi ee Hargeysa ayaa baaqa jeediyay.
Maalintii Sabtidii, aya golaha hogaanka dhaqanka Hawiye waxay sheegeen in ay burcad badeedu ku xadgudbayaan diinta iyo dhaqanka Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana ay ka dalbadeen in ay si deg deg ah u sii daayeen lamaanaha Paul iyo Rachel Chandler.
Kooxaha burcad badeeda ah ee lamaanaha ka qafaashay badda meelo ka baxsan badda Soomaaliya, iyagoo saaran doon gaar ah oo ay leeyihiin, ayaa horay u dalbaday lacago madaxfurasho ah in la siiyo si ay u sii daayaan lamaanaha.
Caafimaadka lamaanaha ayaa aad looga dayriyay, iyadoo Dr Xangul oo dhowaan soo eegay caafimaadkooda uu sheegay in ay xaaladoodu ay aad u liidato ayna adag tahay in ay nolol ku gaaraan todobaadyada soo socda.
Wuxuu sheegay in ay haysato nafaqo daro, caafimaadkooda dhinaca maskaxdana uu sii xumaanayo.
No comments:
Post a Comment