01 February, 2010

Goormey is-wada haysataa, mabaanu miisaamine?!! La suga xisaabtanka yaa yidhaahda!!

"Ninka shaqaale Dawladeed ah ee UDUB u codeyn waaya, shaqadiisa wuu waayayaa!!" Cali-Asad, Guddoomiyaha Ololaha Doorashada UDUB, berbera, Jug-soo Dhacay, Xoghayaha Guud ee UDUB, Ceerigaabo,  "Odeygii markii hore na dhaqdhaqaajiyey, ayaa markii dambana naga bxay" Axmed Nuux Furre!!  " haddii aan la'ii banneyn, xilkaba waan iska casilayaa!! " Mujaahid Cali-Gurey oo layska hortaagey Madaxtooyada in uu Galo!!" Wasiirrada Axmed Xaaji Daahir iyo Wasiir ku xigenka Arrimaha Dibadda oo si toos ah umadda u tusey sifooyinka ay ku hyaan xilalka , waxay ku hadleenna keentey dhulkii shaley dhaqaaqey ee wada Akhdarka iyo Huruudda noqdey!! > Shaley UDU jabbaa dhacay !! Calool adeygna sidan ayey ka noqotey wax kasta oo ay kharribteyba.
 
Akhristaha su'aal baa hortaalla, "dhaqanka caynkan ahi, ma yahay dhaqan Mas'uuliin qaran?  Maamulka sharciga siiyey in uu ugu hanjabo shaqaalaha Dawladda haddaad UDUB u codeyn weydaan, shaqada ayeydun waayi waa kee? Weedhanu waxa ay kefadda saareysaa oo litmus test ku tahay, Guddiga Doorashooyinka qaranka ee Amaanta degdegga ah la horwado oo aan leeyahay, waanu idin hubsaneynaa mudaneyaal, qaar hore ayaanu ku hungownayeb ee arrintan Xoghayaha Guud ee UDUB iyo Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee UDUB inaad fasax aan la iclaamin u siiseen kkambeynka iyo inaad xeerka Doorashooyinka marisaan, labada mid aan idinka hello. Digdigtan iyo hanjabaadda shaqaalaha Dawladda xuquuqdooda asaasiga ah ee ay xaqa u leeyihiin sidan xishmadda Aadanaha uga baxsan loo middi-roorteynayo, waxaad ka tidhaahdaanna u fadhinee!! Garoonkii Ciyaartaba iyada oo aan laysla soo gaadhin haddii la dhakoolo, sow
aan cidhifyada isku xidhanno ma noqoneyso? Na tusa inaad soo jeeddaan!!
 
Ummadda Somaliland ee sharafta iyo karaamadaba leh, waxa ay ka istaahishey Maamulka in ay kaga fillaadaan remote controollada lala daba-socdo saraakiisha qaranka ee Gobolka sool iyo qaraxyada habeysan ee lagula dhexjiro, halka ay xaq-darradii ay shaley ku heshiiska ahaayeen ay maanta isu-beeninayaan, Albaabbada ku kala xidhanayaan, ugana hadlayaan qaladaad ay wadar u wada galeen oo durba la soo qalloocdey !!
 
Mas'uuliinta Dalka kumaanu ogeyn qaar mucawaqiin ahe, maxa loogu bixi-waayey ee loo soo qiimeyn waayey dhibaatooyinka Gobollada Abaaruhu ka jiraan, inta ay leeg yihiin, Baahiyaha Bulshooyinkaas mid deghdeg ah iyo mid taakuleyn dambe ahba , oo Maamulku Muwaadiniinta dhibaateysan isu garab taagi waayey? Hawshaasu se mid u taallaba miyaanay ahayn?!! Dawlad waxa lagu yahay waa bulshada , wax dal ku hano-qaadaana , waa xoogga, aqoonta iyo waxqabadka Bulshadiisa, isuma sheegeyno halka uu Maamulkani ka joogo arrintan ee aan eegno , go'aanka bulshada!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed

No comments: