01 February, 2010

Abu Yaasir Oo Bilaabay Faafinta Dacaayado Ka Dhan Ah Caafimaadka Xoolaha

Abu Yaasir Oo Bilaabay Faafinta Dacaayado Ka Dhan Ah Caafimaadka Xoolaha Laga Dhoofiyo Berbera Si Sucuudigu U Joojiyo Soo Celintooda

 "Wasaaradda Beeruhu Way Ku Degdegtay Go'aanka Ay Xayiraada Kaga Qaaday Soo Gelitaanka Xoolaha Ka Yimaada Dalka Somaliland Ee Gooni Goosadka Ah"

Wargeyska Al Riyadh


Al –Riyadh, February 01, 2010 (Haatuf) - Ganacsadaha xoolaha ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta bilaabay olole uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka xoolaha dekedda Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaanu Wasaaradda Beeraha ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaaday soo gelitaanka xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd talaabo lagu degdagay iyada oon marka hore la hubin in xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo Bossaso ay ka caafimaad qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee ku dhaca xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka xoolahaas.


Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo dhoofinta waxa uu haatan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka Djibouti waxanu in muddo ahba ku dedaalayay isaga oo la kaashanaya shirkadda Indho-Deero  inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase yeeshee waxa arrintaasi kula tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri, kaas oo aakhirkii ku guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax ah oo uu ku dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo dhoofin dalka Sucuudiga.

Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu bilaabay inuu Wargeysyada Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda Berbera iyo Boosaaso ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay caafimaad qabaan iyo in kale.

Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa Berbera waxa u dambeeyay maqaal dheer oo  arrintaas ku saabsan oo uu maalmihii dorraad iyo Shalay uu soo daabacay wargeyska Al-Riyaadh oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maqaalkaas oo uu wargeysku ku dhaliilayo Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga inay ogolaatay inay xoolo kasoo waaridato wadan aan la aqoonsaneyn oo gooni goosad ah isla markaana aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ahi.

Maqaalka dorraad ee uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu ku sheegay Maxjarka Berbera inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo aan laheyn imkaaniyaadkii caafimaad iyo farsamo ee loo baahnaa " Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada Berbera dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool yihiin, waana wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo qudha  ku filnaado baadhitaanka caafimaadka 480 kun oo neef muddo 8 maalmood ah, sida dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee Berbera ka yimid ay badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon caafimaadkooda la baadhin".


Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo xigtay balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo ah warqadii caafimaadka xoolo dhoofinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu ku ogolaanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha Maxjarka ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000  neef.


Haddaba baadhitaan uu Wargeyska Haatuf ku sameeyay arrintan ayaa waxa uu ku ogaaday in shirkadda Indho-Deero ay 6000 ee  neef ay qaaday doonida la yidhaahdo Al-Rehmat ee uu ruqsadii lagu raray uu soo xiganayo Wargeyska Al Riyaadh.

Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka Sucuudiga ku dhaliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo qoray 21/6/2009 Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda  Sheekh Shariif, taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada Sucuudigu wixii ku saabsan xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay kala soo xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay kala xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada Berbera iyo Boosaaso..


Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad ku soo rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka koobnaa macluumaad ay Wargeyska siiyeen Abu Yaasir iyo ninka Masriga ah ee u shaqeeya ee magiciisa la yidhaahdo Saalax Al Hindi.

No comments: