09 February, 2010

Go'aannada Shirkii odey-dhaqameedyada Sool ey Puntland duduuceysey,Qidhimta Maamula Dalka & Wadciga jiiraanka!!


 
Hashu , Maankeyga gaddaye, ma masaar bay liqdey,  ayaa nin laga hayey. Mid Allaha aan cidina u warramin ee wax muuqda iyo mid qarsoonba ka warqaba ayaanu weydiisannay in aafooyinkan socda, oo Mukirkiisu hagayo uu naga salaamad yeelo, midna wxaan odhan lahaa , odey dhaqameedyada Sool ee wax aan dantooda iyo ta Deegaanka ay odeyada u yiohiinba aan ahayn ee Maamul-Goboledka Puntland dabada ka riixayo. Waxa habboon inta aanay isirnimada lagu khiyaamaynayo, ee Gurigooda lagu gubayo oo ilaa kiiniya taxan inta mu'aamaradda hageysaa, ay horta is-weydiiyaan, ma ka jirtaa , Caalamkan aynu ku nool nahay shuruuc aqoonsata wax isirnimo la yidhaahdo oo dhul Dawladi leedahay Guluf Colaadeed lagu kiciyo oo gar lagu heli karo?
 
Si dhaw haddaan ugu dhigana, Dawladda aynu jaarka nahay ee itoobiya, ra'iisal wasaaraheedu waa nin tikrey ah, halka Eriteriya oo xuduud la lehna uu Madaxweyne u yahay, Mr Afawerke oo Tigrey ah isna. labada dal wey ka war hayeen oo idaacadaha ka ma qlayeen Dagaalkii  faraha lagaga gubtey ee ay isku hayeen Tuulo yar oo xuduudka labada dal ku taalla oo "Badme". la yidhaahdo, Culeyskii dhimasho eelabada dhinacbana keeney in ay UN(ku) Ciidan dhexdhigaan bal si loogu guntado , in aan naf dambe go'in.
Dhul isirnimo Dawlad lagagama qaadi karo , qabiilna qaran caqli marka lagu hadlayo, kuma damaaciyio karo, khuraafaadka caynkan ah ee ninkii xalay BBCda ka hadlayey ee Sheydaanka u heer-yeysnaa , iska naar ayaanu leenahay. Ummadda sool waa Bulsho Somaliland ah, Dastuurka Ururka Midowga Afrika, waxa ku qeexan in Xuduudaha dahlalka loo daayo sidii ay isticmaarkii ahaayeen. Haddii uu adeerkaa Afweyne, kuu calaamadiyey , Khariidad  uu klu samaysanayey boqortooyo, isaga iyo damaciisiiba aboorka ayaa cunay!!
 
Caqliyadda caynkan ahna dad naf iyo nololba aan kala maarmi karin oo dhiig iyo dhaqan wadaaga ayuun baad dooneysaan inaad colleysiisaane, Haddii gurigaaga dabka aad ku waddaa qabsado, sidii sheydaankii ibnu Aadanka gaalow ugu baaqay ee markii uu gaaloobeyna yidhi, anigu Alle ayaan ka baqayaa, Allena cadaabtiisu wey kulushahay!! ayey kuwan ku duduucayaa , qosol kugu dhafi oo ay naftooda ula baxsanne, Dagaal wiil talinaya maanta ayaa ku dhinta, hanti maanta gacanta ku jirta ayaa ku tagta, la'idiin sheegi maayo oo waad ogtihiin, haddaba idinka oo aan cidna u daneyneyn, waxa idinka lumaya iyo waxa aad heleysaan bal is-garab dhiga oo ta idiin dan ah ku dhaqaaja!!
 
Isirnimo haddaan ku soo noqdo, Beesha aad magaceeda huwantihiin, waxay la isir tahay dad dega Kiinya, Somalia iyo Itoobiya, Somali-Galbeed Mashruucii uu ku dagaallamay Afweyne, Somalia ayuu galaaftey, NFD iyo Koofiyad dhuubtii , Gallad lagalama tegin oo rag is-guraya waa tii Xildhibaannada iyo Mdaxda sharciga ku joogey ee Dawladda Somalia, karaamo ka qaad jeelasha Nairobi loogu gurey!! Fikirkan iyo ka alshabaab waa laba cudur oo aan dawo kale lahayn in laga takhalluso mooyee weeye!! Muslinka markuu muslin kale dilo shahaadada dilkiisa murtadnimo ku sheegaya, ma qalbigiisa ayuu kala dillaacshey uu ka dhex arkey, ma waxyi in uu ku soo dego oo loo warramo ayuu sheeganayaa, yaase keligood u xilsaarey in ay shuruucda Alle sida ay doonaan u fuliyaan?!!
 
Carabtii ay Diintu ku soo degtey waxa ay ugaga horreyn waayeen Al-Shabaab , nidaamkoodan ee ay uga jiri weydey Dawladaha carabta ugu waaweyn ee Masar, Sucuudiga , iyo kuwa kale ee khaliijku sow maaha wax ay Madaxnimo iyo Maamul ugu gabbanayaan Diinta Alle. Dadkii Cilmiga ehelka u ahaa waxay nooga tegeen ha rumeysannina hana aaminina Mukurka Alle, Madaxda iyo Mas'uuliinta qoriga ku raadinaya
Masiirka ummadaha inay ugu taliyaan iyo kuwan isir-ku-dirirka ahiba, waa laba mushkiladood oo ka qiiqaya Geeska , haddii aan degdeg loo bakhtiinna laga sheekeyn doono. Goorgoortan far yaro muggedna ha noqotee, qarannimada Somaliland, dhulkeeda iyo Bulshadeeda midna , cid lagala gelayaa ma jiro ee soo jiidh wanaagga, jeeniga klu soo qaad, ama oodda soo jebi, dhaxaan belo u joognee!! Walaalnimo rag wuxuu ku dhaamo , hortiin jiraba waa. Ciidammada qaranka Somaliland Dalkooda halka ay doonaan ayey ka degi karaan, hadalkii shakhsigii hadlayeyna , wax miyir qab lagu yiodhi ma ahayn, ee bal cirka ha soo dumiyo haddii uu karo!!
 
Dr. Cali Cabdi Muxumed
 


No comments: