09 February, 2010

DHANXIIR,RIYAALE IYO MABUUTO SEEKO-SEEKO

DHANXIIR,RIYAALE IYO MABUUTO SEEKO-SEEKO

 

Maansha Allaah, Alleylehe waa kaa Raxamanku inaga soo qaboojiyey abaartii iyo omoskii Jiilaalka dabada dheeraaday oo durba waxa dadkii niyada u dejiyey daruuraha shuuxa watay ee Hargeysa iyo deegaannada kale ee dalka dul hoganaya, Illaahay raxmaadkiisa ha ina wada deeqsiiyo, ducada iyo alla barigana ha la badsado oo dunuubta iyo xaasidnimada ha laga dheeraado, toobad keentana ha la badsado.

Weger; Adeer horta raxmada Alle marna lagama quusto, qaylo dhaantii xukuumadduna wuxuu I xasuusiyey Madaxweyne Mabuuto Seeko-seeko oo haysan jiray ul dheeman ah, ayuu wasiirul-kharajigiisii yidhi; 'Afrika abaaraha iyo cuno la'aanta halooga soo gurmado.' Kolkaasuu dhigiisii Belgim ugu jawaabay, 'Afrika inteeda kale waa la caawin ee idinku madaxweynihiina ka ammaahda.' Markaa tallow lacagihii dekedda, dhulka danta guud, Total iyo kuwa kale ee aan la ogayn maa wadaadka laga sii ammaahdo si loogu taakuleeyo dadka iyo duunyada jilcay.!!!



Jamhuuriya Online

No comments: