DHACDADII DHAGAXTUUR FEBRAAYO 20 1982
Waa taxane socon doona maalmo insha Allah laguna eegayo maalintii dhacdadii dhagaxtuur ..
Wixii talo iyo tusaale ah waa lagama maarmaan…
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
http://www.farshaxan.com
Dhacdadii Dhagaxtuur:
Hordhac:
Fasaliyo tusbaa jira, Fadka guban ka muuqdiyo,
Fallaadhaha cad-ceedaan, Ka sidaa farriimoo,
Way fayowday niradii, Fooraha dhacaayaa,
Ma kii Feebarweri baa, Fiintu waxay ka oydaa,
Fadka soo onkodayee, Dhahar waa fakirayaa,
Anna farax daraadii, Foolashaan daleel dhigay,
Fooraha dhacaayaa, Ma kii Feebarweri baa,
Shan kastuu falaagiyo, Ciidan fara leh soo tubo,
Faashiiste celin waa, Shicib fool adaygoo,
Gobannimo u faytaye, Fooraha dhacaayaa,
Ma kii Feebarweri baa, Waxay fool waliisha ba,
Ama feedho guranta ba, Duluc furatay heegadu,
Daad baa la filayaa, Faqash dooxaday taal,
Fooraha dhacaayaa, Ma kii Feebarweri baa,
Beebeeyo soo fuul, Foosiyo laxaad keen,
Fura yidhi rasaasaa, Baqan weyday fadal dheer,
Ka fashilantay xaajadu, Fooraha dhacaayaa,
Ma kii Feebarweri baa,
Fooraha dhacayaa ma kii Feeberweri baa
Abwaan Axmed Aw-geedi "Dheeraad"
Xilli ku beegnayd bishii Febraayo 20dii, 1982kii, waxaa si isdabayaal ah uga dhacey kacdoon xooggan oo ay hogaaminayeen ardeyda wax ka barata goboladii woqooyi xilligaa (iminkana ah wadanka Somaliland).Si ay suurtogal ku noqoto in dhacdadani la fahmo waxay bahda mareegta farshaxan guddo iyo dibadba u hawlgashey inay si faahfaahsan uga waramaan dhacdadani oo daahfur cad u noqotey muujinta dareenka dadweynaha deganaa degaankaa iyo wiiqankii dawladii Afweyne.
Waxaa haddaba mudan sheegisteeda xaallada uu dalku ku sugnaa berigaa.Dawladii dalka ka talinaysay waxay talo ka noqotey cabudhinta dareenka dadka, dhaca hantida ganacsatada,iwm . Xorriyadii lixdankii ka hor dhismihii hantida guud iyo daryeelkooda wax iska badaley ma jirin.Dhamaan daryeelka hantida guud ayaa faraha ka baxdaye sida cisbataaladii, dugsiyadii, wadooyinkii,iwm. Xilligan waay dawladu ku afgobaadsaneysay si wax looga qabto dhibtan jirta iyo baahiyaha tirada ka batey ee danta guud waa in goboladii woqooyi lagu soo rogo cashuur aan gobolada kale la qabin oo boqolkiiba lix (6%),looguna magacdarey cashuurta "Iskaa Wax u Qabso".Sida ta ay dawlada Somaliland ku soo rogtay xarumaha ganacsiga ee 2% si wax looga qabto degaanada gobolada bariga . Hase yeeshee labaduba waxay noqdeen kuwo aan lagu fulin hawlaha loo igmadey oo la soofdaran habaabiyey.
Waxaa markaa aqoonyahanadii, saraakiishii ciidamada iyo gannacsatadii ka soo jeeday goboladii woqooyi garawsadeen dhibtu intay leegtahay, siyaalo kala duwana wax uga qabteen. Koox waxay ku dhawaaqeen ururkii SNM oo diyaarintiisu muddo badan socotey laguse dhawaaqey bishii May 6,1981kii.Tani waxay cadaadis badan saartey dawladii oo dareentay inay gacantooda wax badan ka sii baxayaan dibu habeyn maamulna sameeyey sida taliyihii ciidamada 26aad ee General Salxaan oo lagu badaley dhiigyacabkii Gaani. Koox kale oo u badan aqoonyahano markaa ku soo laabtey goboladii woqooyiina ,kana soo kala hayaamey dhulalkaa Carabaha iyo gobolada koonfureed waxay goosteen inay iyagu daryeelaan cisbitaalada iyo dugsiyada oo gacantooda wax kaga qabtaan,kuna hawlgaleen barnaamijkii dawladdii jirtay ku afgobaadsan jirtay ee "Iskaa Wax U Qabso".
Markay arini halkaa mareyso ayaa ardeydii dhigan jirtay dugsiyada sare ay dhinacooga bilaabeen kulamo qarsoon iyo xidhiidh dahsoon .Waxaa dhibay macalimiin la'aanta ka taagan dugsiyada, mushaharka macalimiinta joogta oo goynayey baakidh sigaar ah kuna kalifayey macalinka inuu raadsado meel kale oo uu dhaqaale ka raadsado sidaana ay waxbarashadii dugiyadu ku wiiqanto.Xidhiidhkaa qarsoon ee ardeyda ka dhexeeyey aaney barreyaasha intooda badanina si dadban ula wadeen ayaa keenay in ardey badan u talawdo xilligaa dhinacaa Itoobiya kuna biiraan ururkii SNM.
Maxamuud Maxamed Liibaan oo markaa maamule ka dugisigii Faarax Oomaar ayaa sheegay in dhibta taalay laga dareemay guri kasta si dadban iyo toos ahba , taasoo keenta in aroor kasta aanu ogaano ardey ku biirtay ururkii SNM oo talawdey.Sidoo kale Ibraahim Cabdilaahi Saban oo ahaa maamulihii dugsiga 26 Juun ayaa qiray in ay ardeydu tabanayeen xaalad nabadeed inay helaan,taasoo markaa faraha ka baxsaneyd.
Dhaqdhaqaaqani waxaa kaloo uu kiciyey dareenka bulshada deganeyd goboladaa woqooyi oo markaa eegayey waxyaalo badan si hufana aan ugu qanacsaneyn in la dagaalamo.Bahda mareegta farshaxan iyadoo ka duulaysa arimahaa jiray iyo maalintaa dhalinyarada ee fooda inagu soo leh ayey u hawlgashey inay soo bandhigaan qoraalo ku saabsan siday wax u jireen iyo siday wax u dhaceen.Waxay xidhiidh la samaysay ardey badan, barreyaal, maamulayaal dugsi, dhalintii UFFO, iwm si ay xog badan u soo bandhigaan iyagoo kala qaybgalaya dabaaldegaan bulshada Somailand ee u qalabqaadenaysa xuska maalintan mudan qadarin, qiimeyn , ku dayasho, iyo wax ku qaadasho.
Sidoo kale bahda mareegaha Kayd iyo Redsea online ayaa soo bandhigi doona barnaamij xiise leh uuna hagayo mujaahid Maxamed Baaruud uuna ummada la wadaagayo buuggiisa Weerane(The Mourning Tree) uuna kaga waramayo socdaalkiisii halgameed iyo noloshiisii bishan Febraayo 20 , 2010 laguna soo bandhigayo cariga Ingiriiska.
Waa maalin muujinaysa awooda Illaahay siiyey dhalinyarada markay is-tamarsadaan oo ay mideeyaan hawlgalkooga iyo waxqabadkooga.
Waa maalin muujinaysa in awoodda dawlad kasta oo ardeydu ka hortimaado guuldaro la kulmayso. Waa maalin muujinaysa kartida iyo xoogga daaffada leh ee ay ardeydu ku muquunin karaan awood kasta oo ishirtaagta iskuna dayda inay cabudhiso. Waa maalin muujinaysa kacdoonka ardeydu inuu had iyo jeer guul ku dhamaanayo,wiiqayana dhamaan wixii ka hor yimaada .
La soco taxanaha ……..
Fu,aad Sh.
Bahda Mareegta Farshaxan
No comments:
Post a Comment