25 February, 2010

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Xabsiga u Taxaabay Masuul ka Tirsan KULMIYE

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada oo Xabsiga u Taxaabay Masuul ka Tirsan KULMIYE

KULMIYE oo si kulul u cambaareeyey amarka xadhigga masuulkaas oo Madaxtooyada ka soo fulay

Hargeysa (Jam)- Ciidammada ilaalada Madaxtooyada Somaliland, ayaa shalay duhurkii xabsiga u taxaabay Mr. Abshir Xasan Xaashi oo ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka KULMIYE, horena uga tirsanaan jiray shaqaalaha qasriga Madaxtooyada.

Mr. Abshir Xasan oo sida la sheegay amarka xadhiggiisu ka soo fulay Madaxtooyada, ayaa ciidammadu ka qabteen jidka hormara xarunta madaxtooyada, waqtigaas oo uu ka soo laabtay soo dhoweyntii guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay ka qaybgaleen madaxda sare ee xisbiga KULMIYE iyo kumanaan qof oo ka tirsan taageerayaasha UCID ee reer Hargeysa.

Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, ayaa la sheegay inay siteen warqad loogu qoray lambarka gaadhigiisa, kadibna markii uu hortooda marayey intay joojiyeen, khasabna kaga dejiyeen baabuurka, isla markaana si xun u garaacay, kadibna u gudbiyey saldhigga dhexe ee booliska oo uu hadda ku xidhan yahay.

Booliska ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin xadhigga Mr. Abshir Xasan, waxaanay diideen inay tafaasiil ka bixiyaan sababta loo xidhay iyo cidda uu u xidhan yahay, hase ahaatee waxa loo malaynayaa in amarka xadhiggiisu ka soo baxay Madaxtooyada oo colaad weyn u haysa.

Guddoomiyaha abaabulka iyo wacyigelinta xisbiga KULMIYE Mr. Maxamed Cilmi (Ilkacase) oo wax laga weydiiyey sababaha xadhigga Abshir, ayaa sheegay haba yaraatee in aanay xog rasmi ah ujeeddada ciidanka madaxtooyadu xabsiga ugu taxaabeen muwaadinkaas, balse waxa uu tallaabadaas ku mid qayb ka ah cago-juglaynta xukuumadda Rayale ku hayso madaxda KULMIYE iyo taageerayaashooda.

"Waxa la xidhay Abshir oo xukuummaddu hore siddeed bilood u xidhay, amarka xadhiggiisuna wuxuu ka yimi dhinaca madaxtooyada. Haddaanu xisbiga KULMIYE nahay waxaannu cambaaraynaynaa falalka caga-gulaynta iyo gardrarada ah ee ka baxsan xuquuqda iyo dimuqraadiyadda ee kolba qofkii madaxtooyada wax ka sheega la soo xidhayo inay tahay fal dembiya, waxaanuna codsanaynaa in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo Abshir iyo muwaadiiniinta kale ee la xidh-xidhayba.

"Waad ogaydeen maalintii dhawayd ee UDUB dadka khasabka ku soo saareen in dad masaakiin ah layska xidhxidhay. Boolisku ummadda waa u dhex, laakiin yaan arrimmo gaar ah loo adeegsan ayaannu leenahay," ayuu yidhi Ilkacase.

Mr. Abshir Xasan Xaashi oo hore uga mid ahaa shaqaalaha Madaxtooyada ayaa xukuumaddu hore u xidhay, kadib markii uu soo bandhigay fadeexado la xidhiidha musuqmaasuq baahsan oo hadheeyey Madaxtooyada, balse waxa la sii daayey muddo kadib markii uu xabsiga ku xannuunsaday, wixii intaa ka dambeeyeyna dhawr jeer oo kale ayey xukuumaddu isku dayday inay xidho, balse kumay guulaysan.



Jamhuuriya Online

No comments: